Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle R.G.Edward Lecs 1903: ( Qaybtii labaad )

$
0
0
historyArrin Xiisa Leh Oo Ku Saabsan Booqasho Sargaal Reer Kanada Ahi, Dhawaan Ugu Baxay, Qabiil Yaab Leh Gadabuursi .
Waxase la yaab noqotay, sida ay ciidankayagii u adeegsanayeen hubka cul-culus oo haddana haba yaraatee aanay wax khasaare ahi ka soo gaadhin dadkii xoonsanaa. Waayeelkii haybadda badnaa, isagoon sinaba u ilgibidhsan ayuu xaggayagii u soo kacay isagoo dhoola caddeynaayana na salaamay. Ugaas Nur wuxu ahaa nin ilaa 75 jir ah, inkastoo da’du yara taabatay, wuxu ahaa nin dheer, oo toosan, oo laxaadka qaab dhismeedka  jirkiisu isku buuxo/isku dheellitiran yahay. Xataa culayskii muddadii dheerayd ee uu xilka hayay ku soo dhacayey, waxba kama dhimin kartidiisii waxqabad ee hoggaamineed. Muuqaalka qaab dhismeedkiisa waxa aad uga muuqday tafiir/ isir carbeed, iyadoo astaamihii Afrikaanaimada ee in badan oo dadkani ka mid ahaa laga arkayey isaga sidaa ugama ay muuqan, balse raadka hiddaha afrikaanimadiisa waxa lagu garanayey midabkiisa madow kaliya. Wajigiisa waxa si cad looga dheehan karayay qunyar socodnimo, waji-furaan iyo waxgaradnimo, iyadoo qofka weyni dareemi karayay, xariifnimo iyo xeeldheeri ku qarsoon, oo aan aalaaba laga malaysan karin qoomiyadaha aan xaddaariga ahayn.
Labiskiisu wuxu ahaa mid caadiya, oo aan ka soocnayn ka dadka intiisa kaleba xidhnaayeen. In badan oo dadkiisa ka mid ahayd ayaaba ka labis fiicnayd. Inkastoo sideedadaba aanay jirin cid wax dheerayd inta kale. Waxa madaxa ugu duubnaa oo uu xidhnaa go’ cad, oo uu cummaamatay. Waxa kale oo uu ka dul gashanaa jubbad liidad madow oo xariira leh, waxayna u badnayd hadiyad uu ka helay boqortooyada Abaysiiniya. Wuxu gacanta ku sitay shay caadiya, oo aan ahayn gaashaan iyo waran midnaba waayo wakhtigeedii ma joogo oo haddeerto waxa sugidda ammaanka socdaalkiisan u xilsaaran dagaalyahannada reer tolkii ee u daacadda ah. Haddaba markii uu na gacan qaadaayay aad buu u weji furnaa. waxa xaqiiqa ah, in hibada, sharafta iyo deganaashaha ka muuqata dhaqankiisa uu ka dhaxlay awoowyaashii, kuwaas oo facyaal badan boqoro u ahaa waddankan.  Waxan qabanqaabinnay in aan yeellano wadahal guud, ka turjumaan ahaan Jaamac baa u inshaaray/tilmaamay ugaaska kursi noo dhexeeyay annaga [jamac iyo sargaalka]
Wadahalkani wuxu u badnaa hadallo afgobaadsiya. Markaanse iskala daalnay weedhihii isbogaadinta iyo afmacaanida ahaa, waxan ku talo bixiyay in Mudanuhu [Ugaaska] safar dheer soo galay oo daal iyo gaajaba qabo. Taas oo noqotay ra’yi ugaasku u riyaaqay oo laga garanayay sida deg dega ah ee uu u dhoola caddeeyay indhahana aad ugu faray dhakhsana u kacay una dhaqaaqay xaggii taandhada gadhwadeenka. Ugaaska waxa lagu sooryeeyay qado heer sare ah, koob shaaha, bariis, timir, hilib idaad iyo kimis, iyadoo lagu dul haasaawey, ka dibna lagu sigareeyay madashii qadada.
Dadka Gadabursiga ahi waa sigaarya cab, balse haddaan si guud uga hadalno, qabiilooyinka beriga iyo koonfurtuba way iska daayeen buuriga iyo khamrada. Dhammaantoodna (gadabuursiga iyo kuwa kaleba) waa muslimiin aad ugu quman diinta islaamka oo ka caagan isticmaalka khamriga. Ugaasku markuu dhammaystay qadadii, ayuu codsaday in la fasaxo, wafdigana isku hadhaan oo is bartaan innamadiisa iyo wiilasha uu adeerka u ahaa.
Mid wiilashiisa ka mid ahi wuxu caan ku ahaa ugaadhsiga libaaxa iyo maroodiga. Dhammaantoodna waxay u muuqdeen rag wanaagsan, bashaashi ah oo leh dabeecado ku soo jiidanaya. Halkii aan ka sii amboqaadi lahayn ambobaxa socdaalkayaga beri subax, ugaaskii  ayaa codsaday in aan berritoole sii joogno Jufa-micidheer, si aan  goobjoog ugu ahaanno ‘’ciyaar dhaqameed qadiimiya” oo ugaasku ugu talogalay maamuus sharafeed munaasibadda sagootigayaga. Habeenkaas teendhadayadii oo isdhexdaadsan ayaan uga tagnay martigalinta cuqaasha iyo xubnaha boqortooyada. Si la yaab leh oo aan cidina fahmi karin ayay iskugu nidaamsheen qolka yar. Intaanan hurdo tagin ka hor ayaan u galay si aan sigaar uga soo qaato, waxaban arkay iyagoo dhammaantood qolkii yaraa wada kadalooba cidhiidhi awgeed. Faynuus ayaa ka lushay gantada sare ee udub dhexaadka taandhada, laakiin iftiinkiisa waxa hadheeyay qiiqii iyo qaacii buurigii ay cabbayeen oo isku baxay, oo aan ku neef qabatoobayba markaan  madaxa la galay.
Waxa muuqaal qosol leh ahaa madaxyada dhukuran ee odoyaasha oo aad moodaysay kubbado madmadow oo ka dhex bildhaamayay iftiin hiimamowsi ah. Boqorku kooxdan ayuu badhtanka ugu jiray, isagoo uu lohlohanayo Jaamac siciid, duplomaasiga gadhwadeenka noo ahaa, ninkaas oo loo xilsaaray in uu soo xaqiijo qaabka mudanuhu [ ugaasku] u rabo in hadiyadaha loo guddoonsiiyo isla markaana qaabka uu ku hammiyayona ula saxal tiro hab labada dhinacba wada raalli galinaysa. Subaxnimadii dambe, markii la qureecdayba, waxa loo diyaargaroobay tumashadii. Kuraastii kaamka waxa la hoos dhigay geedo damallo ah oo dibadda uga yara baxsanaa xerada, halkaas oo muuqaalka gegadu si fiican uga muuqatay. Dad badan oo deegaanka ah ayaa habeennimadii la isugu keenay meeshan oo aad moodaysay in lagu soo daabulay dagaalyanno garbo siman ugu hubaysan warmo.
Markaan u soo dhaqaaqnay xaggii madasha ee kuraastu taallay, waaba garoonkii oo sallaxan ciyaartiina loo soo godeeyay. Ugaaskii, sidii  caadada u ahayd, ayuu nhttp://harawo.org/?p=1024a soo dhexfadhiistay, dhan walbana waxa naga dul taagnaa  raggii-qoryaha ku hubaysnaa oo rasaastuna u wada cabbaysan tahay iyadoo nin  askariya si gaara loogu amry in uu si qummaati ah  u daba taagnaado boqorka [ ugaaska] si loo tuso dadkiisa in haddii xaggooda wax dhibaato ahi  katimaado, boqorkoodu noqon doono ka ugu horreeya  ee rasaastu madaxa jari doonto.
Markii kor laga fiiriyo arrimuhu waxay u socdeen si nabad ah, sida kale, qiimayntayada noo gaarka ahayd ee aan ku qiyaasnay dabeecadda dadkani iyo sidii digniinaha la nooga soo siiyay way isku kaaya qaban waayeen, oo waxa noo caddaatay in dadkani laga been sheegay. Hase yeeshee ciidankayagii digniinihii ay qabeen ayey sidoodii ugu hawlgaleen, annaguna waxan u aragnay wax daw ah waanan ku raacnay, anagoon waxba ka dhabqinayn. Qaybtii hore ee ciyaartu waxay ka koobnayd bandhig fardoolaydu samaynayso
Soomaalidu waa fardafuullo heer sare ah, oo xirfad u leh  habka heenso-saarka iyo  koorayntaba,  hannaanka fardafuulista iyo kadegistaba waxay kala mid yihiin Hindida cas cas ee waqooyiga Ameerika. Carabta oo ay isir ahaan ka soo jeedaan waxay kaga duwan yihiin qaabka arxandarrada ah ee ay ula macaamilaan fardaha, mana dareensana dhibaatada uu koorahan saaran iyo hakamahan ku xidhan qawlalka neefkan xoolaha ah u geysanayo. Sidii caadada u ahayd fardafuulka geyigan, bandhigga maalintan waxa lagu dhaqamayey qaabkoodii axmaqnimada lahaa, iyagoo soo safay  fardaha meel  noo jirta dhawr boqol oo tallaabo, waxay ku soo eryeen orod aan idhanna u dhinnayn, iyagoo jeedalka ula dhacayay si tudhis la,aaneed, oo xaggayaga u soo ganan, ayay na soo kuleen oo aan ku siganay  in laysla kaayo dulmaro, ayuun bay haddana mar kaliya tudhsiiyeen xakamihii, fardihiina mar qudha intay labada addin iyo gafuurka hawada ku shareereen oo dib iskugu ciireen ayay jeenyaha ku soo jug siiyeen dhulka, iyagoo gigan oo aanan nuuxsanayn, fadalkay gooyeen iyo uuro ciid wadata  intay naga hoos kacday ayay marqudha na qarisay. . Mashaahidiintan sida loola dhaqmayo markaan eegno, fardafuulkani naxariis darro kama ahayn, ee waa aqoon darro aan laba dareensanayn dhibta neefkan loo gaysanayo.
Dadka deegaanku guud ahaan waxay fardaha ku fuulaan cago caddaan. Iyagoo labada suul ee cagaha  sudhaya shabakadda birta ah ee ku naban salka hore ee kooraha.  Fardaha gadabuursigu waa gammaan golojoogsi leh, mana daliigna sida kuwa carabta, mana dabacufna sida kuwa Abaasiiiniya, waa gammaan aad u qurrux badan, hawl karna ah. Saabaanka faraska ay ku heenseeyaan fardafuuladani waa Koore dhuuban, fudud oo u eeg kuwa culus ee ay isticmaalaan reer galbeedku [ yurub] waxa uu leeyahay laba karkaar/kabaal qabad oo ninku dhexfadhiisto, iskuna dhuujiyo si aanu uga ciir-ciirin/ dheeliyin dhinacyada.
Shawkadda kooruhu guud ahaan waa shay qurqurxin ah oo lagu shaaximo shucubbo xariir leh midabo casaan, cagaar, calan iyo huruudba ah. Shawkadda waxa ku dhejisan birta xun ee faraska lagu qawlallo, una eg nooca Miksikaanka oo kale taasoo marka aad loogu dhuujiyo dhaawacda qawlallada faraska oo mararka qaarkoodna faraska ka keenta in uu dhiig iyo xumbo qawlallada ka shaydhiyo.
Inkasta oo iyagu ay hab ciyaareedka fardaha u arkayeen qaybta ugu heer sarraysay bandhiga, haba yaraatee kama ay muuqan inay dareensan yihiin hadimada ay dhinaca kale u geysanayaan neefka xoolaha ah, balse waxa hubaal ah in arxandarada noocan ahi tahay cuqubo.  Seddex jeer ayay kooxdii fardoolayda ahayd isku soo shubeen dhinacayagii, iyagoo aan dan ka lahayn buladka iyo boodhka ay nagu qasayaan. Marwal oo ay na soo gaadhaanba, way joogsanayeen, oo abwaanka weyn ee qabiilka ama qof gadabuursi dhiggiisa ah oo  kor fuushanaa faras cad, ayaa gabay soo dhaweyn ah ku luuqaynayay. Kaas oo hooriskiisa dhawr jeer lagu cecelinayey, balse markaan isku soo hoorinno nuxurka gabayga murtidiisu waxay ahayd sidan soo socota: Ugu horreyntii wuxu ka gabyaayay, tallaabooyinka geesinimada ah ee gadabuursiga, Dabeecad wanaagga, ka midaysnaanta dulqaadka iyo dabacsanaanta, u horseeday in ay noqdaan dadka ugu fiican adduunka. Qaylo dhaanta iyo jiibtu  waa geeraar coladeedka Gadabuursiga waana mid dhiif kulul oo  Cadowgoodu  marnaba xammili karin.
Siigada uurada ah ee kor uga gadhoodhay kaynta dhexdeeda ayaan ka qiyaas qaadannay inta ay noo soo jiraan gulufkaa baaxadda lihi, in yar dabadeena waxaba kayntii qodaxlayda ka soo mudh yidhi, dagaalyahanno gadabuursiya oo safaf dhaadheer oo garbo siman ah ugu soo baxay bannaankii. Muuqaalkaasi mid la illaawi karo ma ahayn. Iyadoo gadaashooda aad looga arkayey dhirtii cagaarayd ee ay ka soo dhex baxeen, dagaalyahanku waxay kaynaan dhaqaaq ugu soo socdeen bankii iyagoo kor u taagay warmo bir ah oo walalaclaynaayay. Labiskoodu wuxu u badnaa maryo cadcad, waxayna   guntanaayeen Tobsiyo ,gunti xidhkooda laga bildhaansanayay midabbo dhawr ah sida casaan, buluug iyo cagaar  oo ay dhexda  aad ugu giijisteen, taas oo astaan u ahayd in ay  ka qabiil ahaan yihiin rag leh cudud iyo laxaad ay wax ku muquunin karaan, xoogna kaga qaadan karaan magta cid kasta oo dhagar ka gasha. Qaabkani wuxu ahaa xeer ay dajisay dawladda Ingiriisku una ogolayd inay sameeyaan, balse aanay dhiig daadasho dambe ku kicin, iyaguna si weyn bay u soo dhaweeyeen xeerkan.
Markasta oo hadal dheer la soo gunaanadaboba, waxay dadku iyagoo ku celcelinaya dhawr jeer  ku  dhawaaqayeen erayga ah ‘’moot,moot’’!! oo ahayd eray dhaqameed soo dhaweyn ah, oo isla markaana fardahooga ku rogaal celinaya bartii ay ka soo karaar qaadanayeen haddana mar kale xawaare sare ku soo eryayeen. Mar seddexaadkii intay ka dageen ,oo kooraha ka dhigeen dhammanba fardihii, ayay mar qudha  dadkii fagaaraha joogay kala dareereen, meeshay tagayeenna nooma adeen la,ayn, ilaa aan meel fog ka maqalnay  bulxaan , gurxan  iyo or ay ka dhexyeedhayso jiib macaani, oo marba marka ka dambeysa nagu soo dhawaanaysa iyadoo dananka luuqda hobolka  lagu xoojinaayay jiib  iyo jaan wada socda, waxa kale  oo xusid mudan kooxo hobollo ah ayaa kaga rogayay cod guux iyo reen ,jiib iyo jaan wada socda.
Wixiiba waxa isku fuuqsaday samada/cirka buluugga ah ee bilaa saxalka ah. Waxa marqudha dareenkii dadka soo jiitay majaajillada, maaweelada, legdinta iyo qalaama rogodka ay soo bandhigeen dawr shakhsi oo racii ugu soo horreeyey ahaa. Kuwaas oo ahaa horyaalada qoobka-ka-ciyaarka ,ahna hobollada guud ee ciyaar dhaqameedka. Safkii dhammaantii wuxu u soo sinqayay dhankayagii. Si ay haddaba jiibta iyo jaanta iskula helaan, waxay bilaabeen codkii iyo cagtii oo kiciyay uuro boodh ah. Markay nagu soo dhawaadeen hobolladdii waxay xoojiyeen ciyaartii iyagoo si jibbo ah isku ruxaya, dhinacyadana u boodboodaya, isla markaana cod qaylo ah raacinaya ayay hawada isku shareereen, looltan adagina si tudhis la,aan ah uga dhex socday, mararka qaadkoodna  warmahooga haadhaya ee halista ah ayeyba nagula soo jeesanayeen. Way gilgilanayeen madaxana wada ruxayeen, iyagoo timahoogii raamaysnaa kolba dhinac uga raxsinaaya indhahooga laga yaxyaxayna waxay ku soo gayaxeen dadkii madasha fadhiyay. Dabadeed,laba ka mid ah ayaa dagaal iskula soo baxay gegedii, midkood baaba intuu golxadkiisii la soo baxay ku weeraray kii kale sidii inuu dilayo oo madaxa ka jarayo ; annigu waaban  yaaboo, waxan rumaysan waayey  “dil madhicin!!, ee illayn sidan halista ahi waaba geddooda.
Ugu dambayntii nin muuqaalkiisu ka bahalsan/hororsan yahay kuwii hore, oo ay madixiisa ka mudheen baalal gorayo uu gashanaa, kuwaas oo astaan u ahaa in uu yahay nin tumaati mar kaliya ah ku dili kara qofka cadowgiisa ah, ayaa intuu xaggaygii isku soo maqiiqay mar qudha i dul qotonsaday, darbana warankiisa haadhaaya igu soo riddeeyay, isagoo raacinaaya gurxan iyo reen cabsi galin ah. Ragganimo cidhhiidhi gashaye waxay ila noqotay in aan si uun uga dabbaasho. Intaan qosol miciinsaday [waana siday ku sameyde] ayaan si degan u hagaajistay muraayaddaydii [diiraddii fogaan arragga], oo is hortaagay ayaan indhaha toos ugu gubay. Tab iyo xeeladan aan qaatay waan ku guulaystay. Muraayaddu waxay ahayd fajiciso, illayn wax uu hore u arkay ma-ahayne. Indhahiisii gayaxnaana way shiiqeen, wuuna ilgabadh leeyay, intuu khajilay ayuu iga dhaqaaqay, intuu gacanta laalaadshay ayuu warankiisii dhulka kaga dhacay. Waxase qosol lahayd gurxankii iyo reenkiisii badnaa sida uu u gabaabsiyey oo gunuus isugu rogay.
Wakhtigaa si caadi ah uma wajihi karayn, waayo waxan isku xajinayey qosolkii aan ka qaaday dardarka ninkii ku dhacay. Indho-sarcaadkii ay ku ridday muraayadda Isha kaliya ahayd ee ay u keentay faduulintiisii aanu waxba iila hadhin,ayaa heleeshiin weyday in uu iigu tahniyadeeyo calool adayga aan ku wajahay [ waayo soomalig ciyaar bay ka ahayd,halka Sargalku difaac waxba la hadhin]. Iyadoo markan warmahii la iska dhigay, waxa ku xigay ciyaaraha u gaarka ah munaasabadaha aroosyada iyo ciyaar dhaqameedyo kale oo qoob-ka-ciyaar, oo u dhacayey qaab sawaabiya laxanka Afrikaanka oo aalaaba lagu aqoonsan karo sawdka iyo sacabka isku jaan go’an.
Isla markay bandhig ciyaareedkii gebogebooday, ayaa dadkii meesha joogay nago soo xoomeen oo isku kaayo meegaareen si ay nooga dhageystaan odhaahda aan ka celinayno maamuuska ay noo sameeyeen iyo sida ay noo raalli gelisay. Hadalkayagii oo uu ka afcelinaayay Turjumaanku, waxaan u sheegnay sidaan uga mabsuudnay bandhig ciyaareedkii iyo in dhammaanba ay yihiin dad aad u wanaagsan. Waxan ku soo gabagabaynay duco ah in Illaahy  ka dhigo dad aad u qaniya,  oo aad u barakooba – waa arrinta gadabuursigu ka aaminsan yihiin badhaadhaha/sacaaddada. Markaan ka qiyaas qaadanno dhoola caddaynta ay kaga dareen celiyeen weedhahayagii, ayaa noo caddaysay in ay hadalkayagii u riyaaqeen.
Ka hor intayna ambabixin subaxnimadii dambe; ayaa boqorkii iigu soo galay taandhada aniga oo markaa labisanaya, wuxu I guddoonsiiyay waran, uu ula dan lahaa ka xasuusta kulankayaga. Bilawgii socdaalkayagii waxba kama dambayn rigadii askarta, oo markiiba intaan ka tallawnay xadka ayaan ka degnay dhinaca dhulkii Ingiriisku xukumayay.
Ugaad Nuur Ugaas Rooble Ugaas Samatar
 Mohamed dhiirane

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles