Awdalpress – Muqadisho – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Daqiiqado yar ka hor waxa ay codka Kalsoonida siiyeen Xukuumada uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta Baarlamaanka la horkeenay.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka joogay ayaa gaadhayay ilaa 233-Xildhibaan , Baarlamaanka ayaana Kahor inta aan codka loo Qaadin Xukuumada Cusub ee Ra’izul Wasaare Cabdi Wali waxaa dood kulul ka yeeshay Xildhibaano Baarlamaanka kuwaa oo ku kala aragti duwanaa Xukuumada Cusub ee dhawaan lasoo dhisay.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaaana markii Dooddii dhammaatay waxa ay Su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta hor yimid Baarlamanaka , Ra’iisul Wasaaraha ayaana kaga jawaabay Baarlamaanka Su’aalihii ay weediiyeen.
Intaas kadbib ayaa Guddoonka Baarlamaanka waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in ay codka Kalsoonida u qaadaan Xukuumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Saacid iyada oo aanan Baarlamaanka laga doonayay in Codka siiyaan ama u diidaan Xukuumada Cusub.
Codka Kalsoonida waxaa siiyay Xukuumada Cusub Xildhibaano gaaraya ilaa 186-Xildhibaan waxaana diiday Xildhibaano gaaraya 46-Xildhibaan waxaana ka aamusay kaliya Hal Xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa si cad u shaaciyay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay tahay ansax lagana doonayo in Wax qabad latimaado Xukuumada.
Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ee goordhaw helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka ayaana lagu wadaa in maalinta Berito ah la dhaariyo sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Awdalpress.com