Awdalpress – Mugadisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.
Xasan Sh. Maxamuud ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu rajo weyn ka qabo in wadhadalka socdaa uu noqon doono mid midho-dhala, isaga oo xusay inay ujeeddada dowladdiisa ugu jirtaa ay tahay sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah.
“Meelaha ay dowladda Somalia aadka u higsanayso waxaa ka mid ah in wadahadalladu ay dibadda ka yimaaddaan oo dalka gudihiisa lagu qabto, sida in lagu qabto Hargeysa ama Muqdisho iyo meeshii kale oo lagu heshiiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in hadafka dowladda ay ugu jirto wadahadalladan inuu yahay mid cad kaasoo ah in la helo Soomaaliya oo hal dowlad ah oo mideysan, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay tiirarka ay ku shaqeynayaan.
“Hadafka dowladda ay ugu jirto wadahadalladan waa sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, waana tiir ka mid ah lixda tiir ee aan ku shaqeynayno, taasna waxaan u maranaynaa wadahadallada socda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ha’yadaha amniga ee dlka ka howlgala, isagoo xusay inaysan jiri doonin hay’ado kale oo ay la geli doonaan heshiis, kuwa hadda dalka ku suganna uu waqtigoodu ku eg-yahay sannadkan.
“Waxaa dalka ku sugan hay’ado badan oo dhammaantood sheegaya inay ka shaqeynayaan ammaanka dhibaato badan ayaana ka taagan, dowladduna waxay go’aan ku gaartay in la joojiyo oo aan loo cusboonaysiin sharciga,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynuhu.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay’adda ugu dambeysa ee ka shaqeysa ammaanka uu heshiiskeedu ku eg-yahay bisha lixaad ee sannadkan, wixii ka dambeeyana aysan dalka joogi doonin.
HOL