Madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.
Axmed Madoobe waxaa socdalkiisa ku waheliyey,wasiirro ka tirsan maamulkiisa iyo Ra’iisal Wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.
Waftigaan uu hor-socdo Axmed Madoobe waxaa soo dhaweeyey madaxweynaha dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.
Awdalpress – garowe – Sidoo kale waxa jidadka u safnaa boqollaal dadweynaha reer Garoowe ah oo a iyaguna ka qeyb-qaatay soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe.
Waftiga maamulka Jubba iyo wafud kalaba waxaa ay Garoowe ugu soo qul-qulayaan si ay uga qeyb-qalaan munaasabada caleemo-saarka madaxda Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulkaas, isagoo ku sii jeeda Garoowe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wafdigiisu uga qaybgalayo Garoowe caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.
Baarleex ayaa sheegay inay maamulka Puntland kala hadli doonaan adkaynta xidhiidhka labada dhinac. Waa markii ugu horraysay ee wafdi ka socda maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka qaybgalo caleemo-saar loo samaynayo madaxweyne maamulka Puntland loo doortay.
Awdalpress.com