Awdalpress – Boosaaso – Warar ay shabakadda awdalpress.com ka heshay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in dagaal xooggani uu dhexmaray ciidammada Puntland iyo Maleeshiyaadka ku duumaalaysta Buuraha Gala gala ee ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso, laguna xidhiidhiyo Al shabaab. Weli lama hayo warar faah faahsan oo ka soo baxaya khasaaraha halkaa uu dagaalku keenay.
Wararka qaar ayaase sheegaya in ciidmmaada ammaanka Puntland ay weerar ku qaadeen fadhiismmda Al shabaabka Puntland ku leyihiin deegaanka buuraleyda Gal gala.
Weli waxaa socda dagaalka waxaana aad u yar helida khasaaraha soo kala gaadhay dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo waxaana goor dhaw la filayaa maamulka Puntland inay ka warbixiyaan dagaalkii ay maanta la galeen Al shabaabka PL.
Waan idinla socodsiin doonnaa waxa ka soo baxa.
Awdalpress.co