Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mareykanka oo duqayn ku dilay xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

$
0
0

DroneAwdalpress– 27 Jan, 14–Xubin sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kaddib markii diyaarad looga shakisan yahay kuwa aan duuliyaha wadin ay gantaal ku ridday gaarigiisa, sida uu sheegay hor-jooge ka tirsan maleeshiyada.

Abu Maxamed oo ka mid ah hor-joogeyaasha kooxda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in la dilay Sahal Isku-Dhuuq, oo la rumaysan yahay in uu aad ugu dhowaa hor-joogaha sare ee kooxda, kaddib markii gantaal lagu dhuftay gaarigiisa oo marayay meel ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in sidoo kale uu ku dhintay wadihiisii gaariga.

Labo sarkaal oo ka tirsan milateriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanku ay gantaal ku dileen hor-jooge sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, weerar Axaddi ka dhacay qeybo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

October-tii la soo dhaafay ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku waxay gobolka Jubbada Dhexe ku dileen hor-jooge Ibrahim Cali (Anta-Anta), oo maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles