Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo: Gudoomiyaha Golaha deegaanka Boorama oo ka hadlay markii u horaysay Dhaliisha dul hoganaysa Maamulka D/hoose ee uu madaxda ka yahay

$
0
0

SaleebaanAwdalpress(Borama) 27 Jan, 14–Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee degmada Boorama Sulaymaan Xassan Xaddi oo ka hadlay jid laami ah oo D/hoose ee degmada Boorama ay ka bilawday gudaha magaalada Boorama, ayaa tilmaamay in Wadadan ay bilaabayaan dhererkeeda uu yahay 1km iyo badh wuxuu sheegay inay tahay wadada ugu muhiimsan ugu balaadhan magaalada,

sidoo kale wuxuu xusay gudoomiyuhu in jidkani ka mid ahaa mashaariicdii ka hadhay waxqabadkii sanadkii 2013ka, oo ay rabaan inay soo gabagabeeyaan

Gudoomiyuhu waxa kale oo ka hadlay arimo u muuqday in uu kaga jawaabcelinayay dhaliilo mudooyinkan dambe dul hoganaya D/hoose ee Boorama, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay ” Horumarka waa in meel looga soo wada jeesto, oo masuuliyiintu gartaan xilkii loo igmaday, wax kasta oo dib u dhac ku yimaadaa waa wax ku keeneend masuuliyiintii loo igmaday inay bulshada wax u qabtaan qaaar ka mid ahi, waana arin u baahan in bulshadu ka gilgilato, wixii khalad ahna iska qabtaan, wixii sax ahna ay taageeraan,.

Gudoomiyaha oo ka hadlay khilaafka golaha dhexdiisa ka jira wuxuu yidhi ” Shaqooyin caqabado ah oo golaha dhexdiisa ka socon waayay way jiraan, qof wixii wax lagu qaban lahaa raba inuu cuno, dee umad waax u qaban maaayo, bulshada waxaan leenahay ka tashada, wadooyinkii kale ee mashaariicdana waan qaban doonaa, wadadana waxay isku xidhay Istaanka Hargaysa ilaa xaafada Sh Cismaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalka gudoomiyuhu ka dhawaajiyay ayaa ku soo beegmaya xili la soo afjaray khilaaf soo laba kacleeyay oo u dhexeeyay K/xigeenkiisa, lama garan karo cida uu gudoomiyuhu ula jeeday dhaliisha iyo canaanta uu warbaahinta ka sheegay xili la bilaabay jid laami ah oo laga hirgalinayo gudaha magaalada. Waxaana mudooyinkan ku soo kordhayay dadweynaha ku nool magaalada Boorama warwarka ay ka qabeen in hawlihii adeegyada ee D/hoose ay ragaadiyaan khilaafka ka dhexeeya masuuliyiinta da’da yar ee fulinta degmada Boorama.

sidoo kalana Wadadan ayaa wax weyn ka tari dooonta saxmada ama cidhiidhiga gaadiidka ka shaqeeya gudaha magaalada Boorama ka haysta wadooyinka gudaha magaalada, waxaanay fududayn doontaa isku socodka gaadiidka ka dhex shaqeeya xaafadaha iyo suuqyada magaalada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles