Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gabaygan la baxay Gurmad oo uu curiyey Abwaan Bashir Goth ayaa ku suntan maalintii ay diyaaradaha Xabashidu gantaalaha la dheceen dugsigii hoose ee Borama

$
0
0

bashiir2Bishan 30keedii waxa ku beegnaa 30 guuradii maalintii ay diyaaradihii ciidammada Migistu ay sida xun u duqeeyeen dugsigii ay wax ku baranayeen carruurtii aan wax dambiya oo ay galeen aanay jirin. Waxana uu Abwaan Bashir oo gabayga noo soo diray uu awdalpress.com u sheegay in uu maalintaa u adkaysan waayey dhiilladii lagu laayey ubadkii subaxdaa nabad gelyada kaga yimid guryahoodii.

 

 

 

 

Gabaygiina waxa uu yidhi:

 

 

 

GURMAD

Waayadan ma gaylamin
Ma gilgilan sidaydii
Gabaygii ma heensayn
Ubixii galoolkii
Uu gacan ku dhiigluhu
Rabo goor arooryaad
Inu gooyo uu jaro
Geeraar kamaan odhan
Hayeeshee gufaaciyo
Nimay cadhay u gaarii
Laabtiisa gubasaa
Godol waayi maayee
Xalay gelin dhexaadkii
Gurmadkii igu soo degay
Dooddaan la galayeen
Gadhwadeenka dhaafsaday
Waxay tahay guntiisii
*
Samaroonka guudkii
Ninkii mooday dhawr guri
Oo kol uun la galo oo
Lagu gooni baadhoo
Gunta loo ursada oon
Geyi kale lahaynow
Waad tiro gadaadaye
Xisaabtaada dhawr goor
Bal gaftaye ku soo celi
*
Nimanyohow gawaankiyo
Ciiddaan gelaayiyo
Geyigaan ku noo-lahay
Inkastuu igu guuxoo
Cirku igu gadooduu
Gantaala igu soo qubo
Geeridu halkeedee
Cadawgayga guulow
Gadabuursi wuu jiri
Inkastuu gilgisha oo
Dhulku igu gariiruu
Gidaarada dillaacshoon
Gelinkii habeenimo
Gami’i waayo jiifkii
Geeridu halkeedee
Gadabuursi wuu jiri
*
Cadawgaygu guuriyo
Gellinkii dharaarnimo
Gucle ha iigu soo jiro
Nin waliba gufaacada
Gadabuursi cadhadii
Gadaal ha iska soo tumo
Kolba gaala-madaw iyo
Nimu gacaldiisiyo
Gogoshiisa dhaafsaday
Ha ku soo gabada oo
Gaashaan buur ha raadsado
Isagoon gadaafada
Gumucuu xambaartiyo
Gucluhuu ku soo jiro
Rina gees ka tuurayn
Gabadanada dheelkiyo
Buuraha guntoodiyo
Gabidyada dhulkaygiyo
Hadba geed ha joogsado
Galaayuuska sheekada
Gooha ha isku weriyeen
Ana guud dameer iyo
Muddaan geed ahaayoon
Diidaayey godobtee
Kolka samirkii waan gabay
Xumihii igu gaaxdiyo
Godolkii la raagsaday
Haddaan soo gambiyayaa
Calankaan u go’ayeen
Guntiga u adkeeyeen
Gaadhka u ahaayeen
Geesaasinaayeen
Guudka u salaaxiyo
Gulub raadcadeedii
Gurigii la beegsaday
Ninkii xumo u geystow
Sheekadu garaad iyo
Gogol la isku baaniyo
Way dhaaftay geedoo
Gacan baa inoo taal
*
Maxaan samo gardaadshaa
Sowta goofka la ii qoday
Sowta gomodda la i jaray
Sowta la i guhaadshee
La iigu yimid godkaygii
Sowta gacaldaydii
Anigoon xabaal gelin
Guudkii dabnaa iyo
Laga furay garayskii
Sowta hooyo gobo’dii
Ilmihii shalay go’ay
Sowta geeridiisii
Ilmadii garkeediyo
Haaraysay geedada
Sowta guuxa laabtiyo
Calooshii i gariirteen
Cadho gubashadaydii
Garan waayay dawgii
*
Dadkaygii maxaa galay
Waayadan gunoobaye
Miyaan geesi ii dhalan
Gammaankii maxaa helay
Aaway faraski gaylaan
Geeraaradii iyo
Guubaabadii iyo
Geeshkii horseedkii
Guuraha aroortii
Galabtii ilaalada
Arrin wada gorfayntii
Saqda dhexe guddoonkii
Gacan mida ahaantii
Garashada hayaankii
Xilli wada gadoodkii
Jiidhka isku goyntii
Geerida wadaaggii
Gadabuursinimadii
Gulufkii halkuu maray
*
Waayuhu ha gaydhamo
Galku dhiig ha buuxsamo
Gaashaanka ii dadab
Warankana gadaal celi
Gellin dhexe habeenkii
Anoo nabad ku goostoo
Golahayga seexdaa
Geelal la igu didiyee
Gardarrooyinkaan dhigo
Geeduhu ha ooyeen
*
Hooyadayda goohdee
Ka dul oyday goofkiyo
Gidaarka igu soo dumay
Ummad baan u gubayaa
Gariirkii durraad iyo
Ilmadii gabdhahayagu
Meel bay iga gaadhoo
Wallee oohin galabeed
Anna reera waan gelin
Nin gardiid ahaan jirey
Geesi loo malayn jirey
Wallee goobahaan dhigo
Mar buu gacaladiisiyo
Guri ba’ay dul joogsani
Xiddigaha gu’ soorkiyo
Gaaraa bidhaankiyo
Mar baan sida gudguda roob
Hadba goob ka soo di’i
Galiisha iyo boocdiyo
Mar buu reera goonkiyo
Garaskuu miciin noqon
Garan waa sidiisiyo
Sida geedka harawaad
Mar baa guulahaan dhigo
Gaar loo tilmaansani
Balaayooyin guuriyo
Gabrro dumar siddan ahay
Mar baa digada geeliyo
Geeda la iiga sii shidan
Mar baa duco la goobayn
Geebar la isku sii xidhi
Ilaahaw na gees mari
Guule la iiga hoos geli
Odayaal gaboobiyo
Mar baa guurti la ii xuli
Gabdho la isku soo madhi
Anoo suunku garabkiyo
Geedada i dhaawacay
Mar baa nabadda la i guri
*
Godobta hadhi weyday
Xumaanta la guulay
Wanaagga la gooyay
Gaadiid degi waagga
Garbadda iska xuurka
Siyaasad gaddoonka
Googgaa cigaleynta
Shalaan gob ahaada
Gabdhaan furayaada
Abtiga kala guurka
Adeer u gucleynta
Cigaal garabsiinta
Salaad gabgableynta
Hayaayda garoonka
Dhul baan gubayaada
Gammaan cidla fuulka
Xigsiisanka guurka
Garoob ergisiinta
Gabbaati ku naaxa
Garaad xun dhaqaaqa
Hayaan wada guurka
Gartuun isa siinta
Gadaal ka wereegga
Walaal garbba duubka
Geyaan ka habowga
Haween ku gudniinka
Nacalalla garab saarka
Cadaawa gargaarka
Hubaal gardaroodka
Gadaalla ka oyga
Geddisa geddyada
Gawaan kaga tuurka
Shalayto nin guulay
Ninkii garab siiyay
Abaal garan waagga
Gafuur kor u taaga
Hunguri u gariirka
Halkay gini taallo
Gabaaro gurdaynta
Xumaanta godkeeda
Ninkaa gurigeeda
Geyaanka ku yeeshay
Anaa gedahayga
Ka gaabso lahaaye
Habaaska guntiisa
Haddaan gelayaaye
Nin walba gacantiisu
Waxay uga goyso
Allaha ku gargaaro

Bashir Sh. Omer Good (Goth)
February 9, 1984


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles