Awdalpress – Mogadisho – Madaxweynaha Somalia ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kordhiyaan xilliga qaadista cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya oo horay u ahayd muddo hal sano ah kuna eg bisha Maarso ee sannadkan, si ay fursad ugu hesho dowladdiisa inay soo iibsato qalab iyo hubka ay kula dagaalanto Al-shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay dadaal xooggan ugu jirto soo nooleynta dhaqaalaha dalka, kaddib 22-sano oo dalka aysan ka jirin bankiyo iyo xisaabaadyo hufan.
Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay xilka sannadkii 2012 waxaa muuqanayay isbedel weyn oo dhinaca dhismaha iyo ammaanka ah, inkastoo weli ay ka dhacaan magaalada Muqdisho qaraxyo iyo dilal ay inta badan sheegato mas’uuliyadooda Xarakada Al-shabaab.
“Qof walba oo Somalia ah iyo saaxiibbadeenna calaamka waa inay ogaadaan inay jiraan goobo aanay dowladdu maamulin oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, goobahaas oo ay ku sugan yihiin kuwa argagaxisada ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa ku sugan.
Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in ciidamada dowladda Somalia ay u baahan yihiin qalab iyo tababarro, xilliga koobnna laga qaaday Somalia cunno-qabateynta hubka. Iyadoo la xusuusto in dalal badan oo dunida ah ay ka digeen in hubka ay dhici karto inuu galo gacmo qaldan.
“Waxaan filayaa inaan haysanno tallaabooyinkii loo baahnaa oo dhan, sidaa daraadeed waxaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaynaa inay si buuxda uga qaadaan Somalia cunno-qabateynta hubka,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somalia.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay hadda u leeyihiin awood inay la howlgalaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo horayna ugu guuleystay inay dhul ballaaran ka saaraan kooxda Al-shabaab.
Dalalka reer galbeedka ayaa uga digay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia weerarro argagaxiso oo kaga yimaada Al-shabaab, iyadoo taasi ay keentay in Kenya ay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda xoojiso.
Awdalpress.com