Awdalpress(Muqdisho) 15 May, 13–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay go’aanka xafiiska tababarka ciidamada Soomaaliya ee midowga Yurub loogu wareejiyo magaalada Muqdisho, tallaabadaas oo uu madaxweynuhu ku sheegay in ay tusaale u tahay xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo shacabka Soomaaliya.
Madaxweynaha, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu, ayaa sheegay in saaxiibtinimada Soomaaliya midowga Yurub uu sii xoogeysaneyo, wuxuuna tilmaamay in tababarada ay midowga Yurub bixinayo lagu heli karo ciidamo dishibiliin ahaan dhisan,wax qabad wanaagsana leh.
Xasan Sheekh Maxamud waxa uu si weyn uga mahadceliyey tababarada Midowga Yurub ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, oo uusheegay in haddaba la dareemayo horumarka dhinac walba leh ee ay sameynayeen ciidanka qalabka sida, wuxuuan xusay in ciidanka ka soo gudbay tababarada Midowga Yurub ay muujiyeen in lala xisaabtami karo, ay xushmeeyaan kala sareynta iyo arrimaha xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in ciidanka ay u baahan yihiin in sidoo kale laga taageero qalabeynta iyo dhiirigalinta, wuxuuna ballaan qaaday in wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidamada qalabka sida iyo dhammaan dowladda ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan xafiiskan.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, howl-galka midowga Yurub ee tababarka ciidamada waxay ku guulyetseen inay soo saaraan 3,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo tababaro kale duwan loogu qabtay Uganda.
Sidoo kalana Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in weerar loo isticmaalay waxyaabaha qarxa lagu dilay, Cartan Sheekh-doon oo ka mid ah saraakiisha Ahlu-sunna Waljamaaca, iyadoo waxyaabaha qarxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayey degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Cartan Sheekh-doon, oo horey uga mid ahaa saraakiisha ciidamada booliska ee Soomaaliya, ayaa wararka qaar waxa ay sheegayeen in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneysay in Cartan loo magacaabo xilka taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Gal-gaduud.
Qaraxa lagu xiray gaariga uu watay Cartan, ayaa waxaa ku dhaawacmay qof la sheegay in uu la socday marxuumka, waxaana la sheegay in xaaladda qofka dhaawacmay ay wanaagsan tahay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah oo ku aadan weerarka qaraxa ah ee lagu dilay Cartan Sheekh-doon, waxaana sidoo kale jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkaan la sheegay in uu muddo dheer ka tirsan hoggaamiyaasha Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
RBK