Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR CUSUB; Guddoomiyaha golaha shacabka Somaliland mudane Cirro oo wajihi doona mooshin uu xilka ku waayayo amma dawladda uu ku ridayo.

$
0
0

CirroAwdalpress – Hargeysa – Guddoomiyaha cirro ayaa laga hayaa, ‘ Carruur carruur aan lala ciyaarin baa jirta, xaafadda jaarka nala ahna waxa ku badan qalqaalliga’. Ereyadaasi oo laga hayo guddoomiyahu mar uu si cunuf ah uga jawaabayey hawlo fara gashi ah oo uu xubno ka  mid ah xukuumadda ku eedeynayey. Waxase ka dambeeyey Wasiir xirsi oo shirkii Liverpool ee usbuucii hore ka sheegay hadal uu ku durayo dhaqanka cusub iyo hanjabaadda uu guddoomiye Cirro uu dhawaanahan la soo baxay, waxana hadalladiisii ka mid ahaa, ‘ Annagu ka dawlad ahaan 42 mooshin ayaan marinnay Baarlamanka, oo aan xeelad iyo siyaasadba u adeegsannay, guddoomiyuhuna xeer hoosaad uu la fakaday ayuu guul ka dhiganayaa, waa la isaga dambeeyaa!’

 

 

Hadalkaa Xirsi ayaa dhiigga ku kiciyey Guddoomiye Cirro oo ay qun yar socodnimadu ay caadado u ahayd, laakiin immiga doonaya in uu cayaarka siyaasadeed sideeda u cayaaro. Waxana immiga golihiisa shacabka dhex maaxanaya haasaawe adag iyo xan la leeyahay Xirsi ayaa shirar hoose la leh xubno ka mid ah golaha Baarlamanka. Waxana ay u eg tahay in xisaabtan hoose iyo kala jabin ama kala jiidashada xildhibaannadu ay immiga aad u jirto.  Siyaasaddu marka ay marayso halkan oo kale waxa  xildhibaannada Somalia amma Somaliland  caado u ah in ay kiishado u soo toshaan dhaqaale ay ka sameeyaan mooshinkan. Taasi ayaana aad loo hadal hayaa.

 

 

Guddoomiye Cirro ma waayi karaa guddoomiyenimada golaha Baarlamanka? 

 

 

Su’aashani waa mid muggeeda leh, waxana inta badan ajandaha guddi hoosaadyada u xoog badan mudane Cirro, laakiin haddii mooshin xilka lagag ridayaa yimaaddo, waxa loo baahan yahay in 66/82 amma saddex meelood uu goluhu ku codeeyo in laga tuuro Guddoomiyaha. Taasina way adag tahay, waayo marka beel ahaan loo eego, ayaa beesha Cirro ay golaha ka tahay 20 xubnood, haddii ficil qabiil is raaciyana waxa ay heli karaan, kooxo kale oo cadhaysan, sida kuwa taageera Muuse Biixi amma ka soo go’ay beesha Ahmed Siilaanyo. Haddiise ay xod xodasho iyo lacagi timaaddo, waa ay dhici kartaa in qolada xukunka ka tuuraysa guddoomiyuhu ay hesho 66 mudane.

 

Dhibtuse waxa ay dawladda soo wajahaysaa haddii ay ku guulaysan waayaan in Cirro laga tuuro guddoomiyaha golaha Baaralamka, waxana uu noqon doonaa caqabadda mar walba ka hor jeeda mooshinnada dawladdu ay wadato, ammaba waxa awoodda Baarlamaaniga ahi is beddel ku samayn kartaa dawladda lafteeda. Maaddaama uu xeer hoosaadkii uu ku awood badan yahay.

 

Isku soo wada duuboo, waxa immiga la galay xilligii doorashada iyo tartanka.  Xisbiyada qarankuna waxa ay immiga bilaabeen cunufkii iyo xarakadii dagaalka doorashada, labada xisbi mucaaridna waxa ay immiga ka midaysan yihiin mucaariddada dawladda. Halka xisbi xaakimka ay hawshiisa hoose immiga cakiran tahay oo ay aad u qasan tahay, isla markaana aan la garanayn sida uu shirka guud ugu qabsoomi doono.

Siyaasadda cusub ee Puntland ayaa iyana culays cusub ku ah siyaasadda gobollada bariga ee Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaana dhawaan iman doona magaalada Buuhoodle oo raaskiisa hoose ee Dhulbahante ay deggen yihiin. Madaxweyne Abdiweli Gaasna waxa uu dawladdiisa ku soo daray shakhsiyaad madaxweyne yaal ka soo noqday maamulka sheegta Khaatumo ee gobollada bariga.  Gobollada SSCna waa uu ku gooddiyey.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles