Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

HRW oo manta soo saartay warbixin ay kaga hadlay dhibaatada loo gaystay Qaxootiga Soomaalida ee Islii( Nayrobi) ku nool

$
0
0

HRWAwdalpress(Nayrobi) 28 May, 13–Hay’ada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Human right watch ayaa maanta soo saartay warbixin ay kaga hadlayso tacadiyada ay pooliiska dalknai Kenya kula dhaqaaqeen qaxootiag ku sugan magalada Nairobi .

Warbixintani oo HRW ugu magac dartay dhamaantiin waxa aad tihiin argagixiso ayaa hoosta ka xariiqday tacadiyada ay jir dil ka mid yahay iyo xad gudbyo kale oo loo gaystay dadka soomaalida qaxootiga iyo kuba magan galya doonka ah ee ku nool xaafada Islii .

HRW ayaa waxa ay soo bandhigtay waxyaabihii ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen oo ku aadan tacadaiyada qaxootiga iyo magan galya doonka ku nool xaafada islii ay pooliiska u gaysteen .

Warbixinta ay manta soo saartay hay’ada caalamiga ah ee HRW ayaa waxa ay booliiska ku adaysay in xaafada Islii ka gaysteen jir dil ,kufsi iyo xariga sabab aan ah .

HRW ayaa sheegtay in dad dhan 1000 qof oo qaxooti ah ay pooliiska xiren intii u dhaxaysay bartamihii bishii November 2012 iyo dabayaaqadii January 2013, HRW ayaa warbixinteeda waxa ay ugu baaqday dowlada Kenya in sida ugu dahqsiyaha badan ay u furto baaritaan madax banaan ugu baaqi doontaa in baaritaan lagu sameeyo tacadiyadaasi islamarkana cadaalada la horkeeno dadkii masuulka ka ahaa .

warbixinta ay soo saartay manta HRW oo ka koobnayd 68 bog ayaa waxa ay hay’adu sheegtay in ay ku salaysay waraysiyo ay ka qaday 101 qof oo isugu jira qaxooti iyo magan galya doon asalkoodu soomaali yahay .

warbixinta ayaa farta ku fiqaysa in pooliiska oo qiil ka dhiganaya weeraro banbaanooyiin ka dhacay xaafada Islii in ay gaysteen tacadiyo ay ka mid yihiin Kufsi ,jir dil iyo handadaad . Warbixinta HRW ayaa sidoo kale lagu xusay in pooliiska ay iska xirayeen dadka qaxootiga ah sabab la’aan iyaga oo ugu yeerayay argagixiso islamarkana ka dalbanayay lacag si loo siidaayo . HRW ayaa warbixinteeda waxa ay sidoo kale ugu baaqday hay’ada qaxootiag ee UNHCR in ay si cad uga hadlaan dhibaatoyiinka qaxootiag loo gaysanayo islamarkana ay dowlada ugu baaqeen in arintan tilaabo laga qaado.

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images