Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynihii Golaha Shacabka dalka Liibiya oo is-casilay

$
0
0

GolahaLiibiya-Madaxweyne-Iscasilay-Awdalpress(Tripoli) 28 May, 13–Hogaamiyaha Golaha Shacabka ee dalkaasi Liibiya ayaa iscasilaadiisa salka ku heysa Mooshinkii la ansixiyey horaantii bishan May.

Sharciga cusub ee Baarlamanaka ansixiyey 5tii bishan May ayaa qeexayey in siyaasiyiintii xilalka kasoo qabtay xukuumadii Col.Mucamar Al Qadaafi aysan wax xil ah ka qaban Karin dowlada cusub.

Mohamed al-Megaryef, oo ah Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Liibiya ayaa horey usoo ahaan jiray Safiirkii dalka Liibiya u fadhiyey wadanka India sanadihii 1980kii.

Al Megaryef ayaa sheegay in sharciga cusub ay tahay inuu cid walba qabto, sidaasina xilkiisa uga tanaasulay ama isu casilay. Hogaamiyahan ayaa muddo 31 sano ah dalka dibada uga maqnaa wuxuuna horey u aasaasay koox mucaarid ku ahaan jirtay Col.Qadaafi xiligii uu ninkan ku sugnaa dalkaasi Maraykanka oo uu magangelyo ka helay. Mohamed al-Megaryef, ayaa noqday madaxweynaha golaha shacabka ee Liibiya kadib kacdoonkii xilka looga tuuray xukuumadii Col.Qadaafi.

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images