Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Fadhigii golaha wakiiladda oo qalaalaase galay, cirro xidhay iyo sadex mooshin oo daran-doori loogu dhiibay.

$
0
0

57Awdalpress(Hargaysa) 09 Feb, 14–Fadhigii golaha wakiilada ayaa galay xaalad qalalaase ah,taasoo Ka dhashay kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha oo ka soo horeeda guddoomiye cirro u gudbiyeen sadex mooshin oo daran-doori ah, kuwaas oo ciro mid ka mid ah daaqada ka tuuray, halka laba ka mid ahna uu u gudbiyey la Taliyaha sharciga ee golaha wakiiladda.

Guddoomiye cirro ayaa sadexda mooshinba golaha u Akhriyey waxaanay kala ahaayeen mid ay ku dalbanayeen in kalfadhiga lagu daro muddo bil ah, halka labada kale ay kala ahaayeen kuwo waxa laga bedelayo awooda guddomiye cirro sidii ku-xigeenadiisa oo kale.

Markii c/raxmaan cirro xidhay fadhiga, waxa diiday in ay golaha ka baxaan xildhibaanadii keenay sadexda mooshin oo diidan in uu cirro xidho fadhiga, waxaana abuurmay buuq kadib markii xildhibaanada cirro taageersani ay iyana ka bixi waayeen golaha.

Intaa kadib waxa ay xaaladii goluhu gashay fawdo gaadhay in la kala safto illaa hadana waxa muuqata in goluhu galay qalalaase aan la garanyn halka uu ku danbayn doono.

Xildhibaanada cirro taageersan ayaa isku gedaamay kursiga shirguddoonka iyagoo ka ilaalinaya in labada ku-xigeen ee shirgudoonku soo fuulaan dusha si ay hogaaminta ula wareegaan halka xildhibaanada mooshinada keenay kuraastooda ku sugan yihiin illaa hada.

Waxa mararka qaarkood la dareemayaa xildhibaanada qaarkood oo fara fiiq fiiq badan isku samaynaya, hase yeeshee ma jiro dagaal rasmi ah oo Ka dhex bilaabmay, wallow ay dhici karaan wax kastaa haddii aan xal loo helin qaska taagan, Golaha guurtida oo shalay  codsaday in ay dhex dhexaadiyaan ayaa ka dhex baxay kadib markii guddoomiye cirro shalay shan Xildhibaan ka saaray Guddida joogtadda ah.

Fariinews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles