Baarlamaanka Somaliland waxaa maalmahan ka jira buuq iyo in gacmaha la isa saaro, Arintan ayaa dhacday labadii maalmood ee u dambaysay, waana xaalad ku ugub ah saaxada siyaasada ee Somaliland, tan iyo intii ay xukunka qabatay xukuumada Axmed Siilaanyo hogaamiyaha ka yahay, dad badan ayaa isweydiinaya faro fiiqfiiqa baarlamaanka dhex yimid ma noqon doonaa mid keeni kara in Fooda la is daro oo xaalada dalku ku dambayso mid murugta ?
Hadaba markaan dulucda su’aashaasi u gundo daadegno, waxay noqonaysaa qof iyo aragtidiisa, maxaa yeelay dadka aan xaaladan goobjooga u ahayn waxay noqnayaan qaar raacraacaya amase ay hogayso saadaashooda siyaasadeed ee ku aadan khilaafka ka abuurmay golihii baarlamaanka Somaliland wararka ay ka soo gudbinayaan warbaahinta ku sugan dalka gudihiisa, taas oo qolo walba ay u dhigayso geesta ay ka istaagto ama ka soo qaadato xarakaadka siyaasadeed ee ka taagan golahaasi iyo hormoodada gadhwadeenka ka ah, muuqaalka dadka intiisa badan u muuqda ee ah Khilaafkani inuu yahay mid u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI iyo Xukuumada Siilaanyo Hogaaminay ee Kulmiye ayaa iyadu ah midaragti dadka badankiisu qabo.Balse dadka ka faalooda arimaha geedi socodka siyaasadeed ee Somaliland waxay u arkaan inay tahay mid ka qoto dheer fikirkaasi, waxaanay bixinayaan aragtiyo dhawr ah oo ka gedisan khilaaf ka dhexeeya Gudoomiyaha iyo M/weynaha.
Aragtiyaha ay qabaan qolayaha taxliiliya amase Axadha amase faaqida siyaasada Somaliland waxay tahay in Arintani khilaafku dhawr weji leedahay, ta kowaad waxay aaminsan yihiin in M/weynaha iyo Gudoomiyuhu ay yihiin heshiis, taas oo ay sabab uga dhigayaan inaan midna midka kale erey gef ah warbaahinta ka odahn, halkaasina ay ka muuqata is xaq dhawr siyaasadeed, Ta kale in labaad ayaa ah in Arintani ay tahay mid uu bilaabay Gudoomiyuhu, Isla markaana aanay bilawgii xukuumadu wax talaabo ah oo ay u aragtay dhib aanay jirin, balse imika xukuumadu isku qancisay in dhibi ka iman karto haddii Baarlamaanka sidaas ku sii socdo oo laga horkeeni karo, sidaas darteedna loo baahan yahay in boodhka laga tumo xubnaha ku abtirsada Kulmiye si ay gaashaan uga noqdaan halis ka iman karta gudoomiyaha amase loo xabsigeliyo mansabkiisaba, ta sadexaad waxay tahay iyada oo xukuumadu arintan uga danleedahay in iska jeediso indha Dadweynaha, isla markaana mooshinada noocan oo kale ah ku mashquuliso dadweynaha, si ay uga jeestaan dhaliilo siyaasadeed oo Somaliland soo foodsaaray ha noqoto dhanka Arimaha dibada iyo dalalkii caalamka oo ku khasbaya Heshiis Fedraala, ta Afraad ayaa ah maadaama cabashadii ku saabsanayd Saamiga mansabyada Somaliland laga daalay oo beelihiii amase goboladii cabashada waday ay cadhoon waayeen in hada looga guuro weji kale oo ah in xiisado siyaasadeed laga Abuuro meelaha uGu nugul Somaliland, si xaqiiqo jirta oo loo sheegi ari la’yahay dadkii la lahaa 23 sano Ictiraaf ayaa soo dhaw loo yidhaa dawlad ma noqon karo, oo qaarkeen ayaan rabin Jamhuuriyad inaan noqono, taasi oo ay tusaale uga dhiagayaan Eedaha marar badan muxaafadka iyo mucaaradku isku jeediyaan ee qolaba qolada kale ku eedayso inay la socdaan dawlada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Arimahasai aan kor ku sheegnay waa kuwo aan dad badan ka daadagayn amase aan u cuntamayn wakhtigan haatan la joogo, balse loo baahan yahay in uu qofku u qaato weynayso si uu arko xaqiiqada ay saadaashaasi wadato, maxaa yeelay umaddani waxay noqotay inay u Af duubnaadaan Siyaasiyiin aan run u sheegayn, isla markaana ka qarinaya shirarka ay dibada ku soo galaan waxa ay kala kulmaan, Siyaasigii uGu dhawaa xaqiiqaduna wuxuu ahaa Alaha u naxariistee Marxuum Cigaal oo 1994 yidhi Kursigii Soomaaliya boodhka ma tumanaa, wakhtigaasi oo ay ka horyimaadeen Askar ka mid ahayd Jabhadii SNM oo u arkayay in la Afduubayo masiirkoodii siyaasdeed, balse wixii wakhtigaasi uu lahaa waa qaar uu Prof Samatar kaga jawaabo Jaamacadaha Somaliland marka la weydiiyo Aqoonsi maxaa u diidan Somaliland ? taas oo ku tilmaamo Samatar in Aqoonsigiii uu ku hoos jiro Koodh uu Aduunku Aqoonasaday oo xidhan Yahay Xasan Culusow…. la soco
Hashim Goth
Awdalpress