Awdalpress – Mugadisho – Ra’isal Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi kana mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradda Dowladda Somaliya ayaa maanta waxa uu ka soo dhex muuqday soo-dhaweyntii loo sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay.
Cali Geedi ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxana uu kulammo hoose la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya, inkasta oo aan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen.
Ra’isal Wasaarihii hore ee Somaliya iyo xubno Siyaasiyiin ah oo saldhiggoodu yahay Magaalada Nairobi, ayaa muddooyinkii dambe waxa ay si weyn uga soo hor jedeen Siyaasadda ay ku shaqeyso Dowladda Somaliya ee uu hoggaamiyo Hassan Sheikh. Siyaasiyiintaa uu Geeddi ka mid yahay oo markasta cambareyn iyo dhaliil u soo jeedin jiray Madaxda Dowladda.
Cali Geedi oo Marar badan la hadlay Warbaahinta ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud , lamana oga in Siyaasaddii Cali Geedi wax iska beddashay maadaama maanta la arkayay isaga oo farxad ku soo dhaweynaya Madaxweynaha Soomaaliya.
Awdalpress.com