Awdalpress – Muqdisho – Libaaxa ayaa ka soo fakaday goob lagu xanaaneeyay oo ku taala Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan ayaa cabsi geliyey dadka ku nool xaafadaha xeradaa ka ag dhaw, waxana la sheegayaa inta la xaqiijiyay in uu labo qof oo dumar ah uu dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyey kuwaa oo hada lagu daweenayo isbitaalada Muqdisho.
Sidoo kale Libaaxa ayaa gabar dhalinyaro ah waxa uu ku weeraray meel aan kafogeen Xaafada Warshada Caanaha ,waxa uuna gabadhaasi gaarsiiyay dhaawacyo culus oo dhinaca Wajiga ah sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.
“Libaaxa Markii uu haweeneyda qabsaday ayaa waxaa soo joogsatay haweeney kale oo halkaas caano ku iibineysay, iyaadoo dooneysay iney badbaadiso haweeneyda kale oo qelineysay, waxay ul ku dhufatay libaaxa oo markii hore ay moodeysay inuu ahaa dameer, hase ahaatee libaaxii ayaa ku soo jeestay, iyadii, wuxuuna ka dhaawacay garabka bidix ka dibna wuu ka cararay” ayuu yiri goob jooge arkayey sida ay wax u dhacayeen.
Libaaxa fakaday ayaa cabsi badan ku beeray dadka ku dhaqan Xaafada Warshada Caanaha iyo Xaafado kale oo ku dhaw dhaw, kuwaa oo durba bilaabay in ay kala xaroodaan guryahoodana dhaxda kasoo xirtaan cabsi ay libaaxa ka qabaan owgeed.
Awdalpress
Ma ahan markii ugu horeesay Libaaxyo kasoo baxsadaan goobo lagu xanaaneeyo kuyaala Magaalada Muqdisho ,Waxaana sanado kahor Libaax baxsad ah uu qof ku dilay Degmada Xamar weyn iyadoona ugu dambeyn Libaaxaasi isna la toogtay.