Sideedaba dawladi ciyaar ciyaar maaha. Weliba dawladda dadkeeda taageero ka haystaa maaha safaad. Malaha intaasi ayuu warkuba ku dhan yahay. Bal aan hoos u dhaadhacno.
Awdalpress – Hargeysa – Ma xog ogaal ahayd, mise nacayb iyo dhinac jeclaysi kugu jir. Midkaad doonto ahaw oo, xisaabta waxa sax noqota uun ta runta ah. Sida aan arkaynana waxa sanka caano ka keenay kooxdii dabada ka riixaysey guddoomiye Cirro. Wasiir Xirsi
oo arrintaa ku kaftamayna bil-saraaxa waa uu guuleystay.
Guddoomiye Cirro waa nin shakhsiyad fiican, si edeb leh u hadla, waana nin qoto dheer oo aan la malayn fikirkiisa hoose. Mar aan London ku kula kulmay waxa aan la yaabay sida uu isku dhawro, ee odhaahdiisu u xakamaysan tahay. Laakiin baryahan dambe dublamaasiyaddii noocaasi ahayd waxa iga durug tidhi Siyaasad. Waana hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani. Haddana waa guddoomiyaha gobolaha sharci dejinta Somaliland, labadaa mansabna waa kaalmood oo aan si ahaan is geli kerin ama qof qudh ahi wada qaban karin, laakiin nin adag uuni uu labadaa mansab isku qaban karo.
Dawladduna waa mid hoggaankeeda uu hayo, nin ruug caddaa siyaasadeed ahi, waxana isteerinka u haya, xubno siyaasiyiin ah oo sida loo loodiyaa ay adag tahay. Garbaha ay ku joogaanna ay yihiin kuwo hiil iyo hooba la garab taagan. Waxanay xukuumaddu isku aragtaa in Abdirahman Cirro uu iyaga la jiro, joogitaankiisuna uu iyaga dan u yahay. Taasi waxa ay sabab uga dhigayaan isaga oo inta uu ku fadhiyo kursiga baarlamanka ka hor iman karin mooshinnada dawladda. Amma aan mucaarad adag ku noqon karin xukuumadda. Si uu u sii joogana waxa ay u sameeyaan fududayn badan oo dhaqaale amma soo dhaweyn aad ah.
Laakiin shalay ayuu mar ka yara fakan gaadhay, waxana uu tijaabiyey in uu isaga oo kursiga Baarlamanka ku fadhiya, haddana dhaq dhaqaaq mucaarid samayn karo. Waxana ku kallifay koox Habar Jeclo ah oo uu ka mid yahay xildhibaan Rayte oo warar uu rumaystay ka dul akhriyey. Hase yeeshee, maxaa ka raacay?
Laba kaadh ayaa markiiba la isku dul dhigay
1. In xasaannadda lagaga qaadi karo 42 cod halka ay awal hore ahayd 52.
2. iyo Kaadhka cusul ee naxdinta ku ahaa ee miiska saarraa oo ahaa in Laga casilo guddoomiyaha Gobalaha.
Intaasi markii uu arkay, waxa weliba loogu daray hadallo kaftan ah oo lagaga xanaajinayey isaga iyo kooxdiisa. Isna kaadhadh madhan ayuu badka soo dhigtay. Markiibana, waxa suuqa soo gashay in xildhibaannaddi looga shanqadhiyey fara qabsi. Taasina waxa ay Cirro ku noqotay naxdin waanay khalkhal gelisay. Waayo waxa uu ogyahay in aanu tol ahaan iyo si kaleba dhinaca dhaqaalaha ula loollami karin ragga ay is hayaan, waxana uu ku cataabay in ay xidhibaannadu fulayaan dhaartii ay mareen, iskana ilaaliyaan waxa aakhiradooda xumaynaya….haa markan sheekhu wadaad dadka wacdiya ayuu noqday.
Ugu dambayn, wax golihii ayaamo la gil gilaba, wax suuqa arrimaha golaha lagaga sheekeeyaba, waxa mar kaliya saaxadda lagu arkay odaygii dalka ugu weynaa aadkana u caqliga badnaaa XAAJI ABDI WARAABE oo ku lisaya xildhibaannada is haya ee golaha dhex fadhiya, intii uu hadlayey cid nuuxsata waa la waayey qaarna beer jilayc ayaabay u ooyayeen. Waxana gunaanadkii noqday haddii aan guurtida nahay taladiinna na siiya go’aankana aan idiin keenno.
Gaba gabadii waxa go’aankii noqday in qodobkii xilka qaadista la iska dhaafo, laakiin tiradii guddoomiyaha xilka lagaga qaadayey hoos loo dhigo, oo la keeno halkii labadiisa ku xigeen uu keenay ee ahayd 42 cod. Taasi ayaanu guddoomiye Cirro si farxad leh u oggolaaday, inkasta oo aanay ka farxin saaxiibbadii. Isla markaana loo arki karo digniin ku socota kursigiisa haddii uu mar kale is dhaqaajiyo.
Awdalpress.com