Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al Shabaabkii Madaxtooyada soo galay halkay soo mareen? Sir Culus oo xaafado madaxtooyada u dhaw laga helay halkan ka akhriso.

$
0
0

sir culusAwdalpress – Muqidisho – Xaafado ka baxsan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa ku yaalla goobo dadka iyo gawaadhida lagu baadho,  balse qaar ka mid ah dadka degan xaafadihii ay soo qarda jeexeen Xoogaga Al Shabaab kuwoodii Madaxtooyada weeraray ayaa waxa ay soo sheegayaan inay arkeen indha sarcaad iyo la yaab.

” Xoogaggii Madaxtooyada weeraray ma wadan tuutaha ciidamada dowlada oo kali ah balse waxa  kale oo ay xidhnaayeen Koofiyadaha saraakiisha ciidammada Milatariga kamana shakiyin run ahaantii, in kasta oo aan la yaabnay sababta ay xaafadaheenna u qarda jeexayaan Ciidamadaan oo aanu u maleenay qaar ka mid ah ciidamada Milatariga dowlada kuwooda ilaaliya xarunta Madaxtooyada ayuu yiri Xirsi Warsame oo degan xaafad aad ugu dhaw Villa Somalia ”

Xoogagga Al Shabaab ee weeraray xarunta Madaxtooyada ayaa laba qaybood isku qaybiyey waxana ay Madaxtooyada ka soo galeen dalcadda jid ka yimaadda Ex Dugsigii sare ee 15-ka May,  kuwaas oo Baasuukayaal ku asqeeyay mid ka mid ah irdaha hore ee Villa Somaliya.

Inta badan dadka deegaanka ayaa rasaastii iyo Baasuukayaashii la is weydaarsaday waxana ay u qaateen in uu dagaal dhex maray ciidammada dowladda dhexdooda waxaana xiligaas khal khal galay Masaajiddo badan oo ku dhawxarunta Madaxtooyada maadaama ay ahayd waqti lagu jiray khudbadda salaadda Jimcaha .

 
Weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa iminka waxa uu sababay in la xiro jidad iyo waddooyin si aad ah uga fog madaxtooyada waxaana baadhitaan adag maraya gawaarida shacabka nuucee doonaan ha ahaadaan.

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles