Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

DHAGAYSO: Wasiirka Gudaha oo amray in barlamaanka uu xeer deg deg ah kasoo saaro Maamul usamaynta Gobolladadu

$
0
0

Awdalpress – Muqdishu – Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Gulled oo shalay ka hadlayay arimaha Sharci dajinta iyo Maamul u samaynta gobolada dalka ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan qorshaha Maamul u samaynta gobolada dalka ee Wasaarada.

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Wuxuu sheegay Wasiirku qodobkani inuu yahay mid muhiim ah isla markaana ay ku xiranyihiin arimo badan isla markaana looga baahanyhay xubnaha Baarlamanku inay ka doodaan sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiirka ayaa ka hor akhriyay xubnaha Baarlamanka qorshaha wasaarada ee ku aadan arimaha Maamul u samaynta gobolada dalka, isagoona si qoto dheer u sharaxay ilaa Guddoomiye gobolka iyo Guddoomiye Xaafadeed sharciyada kala hagi doona.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili Khilaaf xo0gan uu ka taagan yahay maamul usamaynta gobollada dalka gaar ahaan Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Hiiraan.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images