Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faallo: Hawiyaha iyo Daaroodku waxa ay ka midaysan yihiin in dawladnimo Somaliyeed la helo, laakiin maamul u samaynta Kismaayo way ku kala geddisan yihiin.

$
0
0

Awdalpress – London – In la helo dawlad Somaliyeed oo shaqaysa waxa ka midaysan dhammaanba dadka Somaliyeed, inkasta oo ay reer Woqooyigu arrintaa ku kala geddisan yihiin oo dhulkooda uu immaga ka samaysan yahay maamulka Somaliland. Oo sheegay in ay gooni isaga taageen Somaliyadii kale, sidaasi daraaddeedna ay raadsanayaan ictiraaf u gaar ah.

Laakiin beelaha siyaasadda ku orodka badan ee Hawiye, Raxanweyn, amma Daarood ayaa midba ka kale uu ka xigsanayaa maamullada gobollada koonfurta Somaliya marka laga reebo Puntland oo iyadu xoog sheegatay, immigana u ololaynaysa sidii ay Kismaayo u noqon lahayd sidooda 00 kale, isla markaana uu ay rabitaankoodu yahay mid ay ka dhex shanqadhayso maamul Daaroodnimo, laakiin  aan weli loo dhammayn.

Hawiyaha oo xilligan madaxweynaha iyo magaalo madaxdiiba isku darsaday ayaan marnaba oggolayn in Kismaayo laga sameeyo maamul aan hoos iman talada dawladda Muqdisho, sidaasina waxa isku waafaqay madaxda ugu sarraysa ee dawladda Xasan Sheekh, Oday dhaqameedka Hawiye iyo Ehlusunna Waljameeca oo mawqif dagaal caddaystay.

Haddii aad eegto shabakadaha wararka ee beelaysan waxa aad ka fahmi kartaa, sida ay labada beelood ugu kala ololaynayaan mooshinka ka taagan Kismaayo. Waxase ka sii yaab badan sida ay labada beelood ugu kala dhaawaanayaan dawladaha jaarka, oo iyagu kolba dhinac taageeraya.

Hab beelaysigan ka soo cusboonaaday Jubbooyinka ayaa ku sii fidaya beelaha kale ee tirada badan aseen awoodda midnimo iyo ta millatari midna ku lahayn degaankooda. Beelaha Hawiyena waxa ay immiga doonayaan in ay ka faa’iidaystaan quwadaasi hurda, ee aan talada waxba ku lahayn. Waxana cad in ay immiga ay u samayn karaan ciidammo sooma jeestayaal ah oo dhulkooda inta ay ku leeyihiin soo dhacsada, taladana wax ku yeesha. Sidoo kale waxa iyana ay Hawiyaha immiga isku siyaasad yihiin Raxanweynta oo ah jibsin kale oo saddexaysa quwadaha koonfurta ka jira.

Isku soo wada duuboo, arrimahaasi iyo kuwo kale oo qarsoon ayaa kallliftay in Faroole uu socod deg deg ah ku tago Kismaanyo si uu uga badbaado is-ballaadhinta maamulka Muqdisho ee ay duniduna ictiraaftay, oo haddii uu Kismaayo ka soo faraxasho farta ugu yeedhi doona Puntland.

Faroole oo dadka qaar u arkaan in uu quwadda Daaroodka dhinac ka duminayo, marka la eego xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Dhulbahantaha ayaa misna uu ku darsaday cadaawadda uu u qabo Mareexaanka oo immiga intooda badani dhabarka ku hayaan siyaasiyadda Hawiye. Sidaana ay u arkaan in ay xaqooda ku helayaan.

Dadka Hawiyaha la isku yidhaa ayaa ah dad dagaalyahanno ah, oo lagu yaqaanno calool adayg iyo waddanimo Somaliyeed, halka ay u dhaqaaqaanna laga sii cararo. Ta kaliya ee ay guusha ku gaadhaanna waa dagaalka oo ay mar walba jecel yihiin. Daaroodka laftiisu waa dad ficil badan, dagaal yahanno ah oo maamulkana dawladnimana yaqaanna.

Si kastaba ha ahaatee,  siyaasadaha ayaa u eg xillagan in Beelaha Hawiyaha, Dirka, Sheekhaashta, Giir Giirta, Raxanweynta iyo beesha Marreexaan oo quwaddooda isku geysa ayaa noqonaysa kuwo u awood sheegta beelaha kale oo ay Daaroodku hoggaan u yihiin.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images