Awdalpress – Hargeysa – Maxkamadda Millatariga Somaliland ee darajada koowaad ayaa maalintii bisha March ahayd 5ta sannadka 2014ka, dil toogasho ah ku xukuntay dambiile Cawar Xareed iyo nin kale oo magaciisa lagu sheegay Qarxiye oo muddo sannaddo ah u xidhnaa dilalkii foosha xumaa ee laga fuliyey Seemaal iyo jid-gooyadii lagu laayey muwaaddiniinta masaafurka ahaa ee ka dhacday jidka u dhexeeya Kala-Baydh iyo Dilla.
Xukunkani ayaa lagu shaaciyey shabakadaha wararka iyo saxaafadda maxalliga ah, laakiin dawladdu si gaar ah ugama hadlin. Waxana wararku isla dhex marayaan in shaki badan laga qabo, sida dilkani loo fulin doono.
Tallaabadan ayaa haddii la fuliyo noqonaysa mid shacabka ugu muuqan doonta in caddaaladda dalku uu tallaabo horumar leh ku tallaabsaday, waxana ay furaysaa in sidoo kale xal loo helo, dhibaatooyin dilal ah oo gobollada Somaliland ka dhacay laakiin dambiilayaashii aan la maxkamadayn. Halka eheladii dhibbanayaashuna ay qaarkood wakhtiyo dheer sugayeen in dadkii dadkooda dilay la hor keeno caddaaladda.
Awdalpress.com




