Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliland oo ku gacan saydhay deeq lacageed oo loo soo mariyey Somalia.

$
0
0

Wasiirka-qorshaynta-300x225Awdalpress – London – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Ali Shire ayaa maanta warsaxaafadeed uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku sheegay in aanay Somaliland qaadanayn deeq lacageed oo u soo marta dawladda Federaalka Somalia.

Waxa kale oo uu wasiirku hoosta ka xarriiqay in qorshe hore oo xukuumadda Somaliland iyo baanka Horumarinta Afrika ay isla oggolaadeen,  in Bank Horumarinta Afrika uu ka baxay mucaahado ahayd in ay si wada jir ah labada dhinac hore ugu heshiiyeen in loo maamulo dhaqaale ku baxaya qorshe lagu tirakoobayo shacbiga JSL oo imika loo gacan geliyay dawladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caaliga ee Somalia Dr Beyle  ayaa ah khabiir in badan u shaqayn jiray Banka Horumarinta Afrika, sidaasi daraaddeed, waxa ay dad badani dareensan yihiin in markii uu wasaaradda yimid ay wax badani iska baddeleen macaamilkii Somalia, Somaliland iyo beesha caalamka.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles