Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaalyahanno Ajnabi ah oo dooneysey in ay ku biiraan Xarakada Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

$
0
0

Awdalpress – London – Ciidammada Booliiska Dalka Faransiiska ayaa gudaha Waddankaasi ku qabtay Rag ajaaniib ah oo doonaysay in ay ku biiraan Xarakada Al-Shabaab ee dagaalada ka wadda gudaha Soomaaliya .

Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska ayaa lagu qabtay ilaa 4-nin oo dooayay inay usoo duulaan Dalka Soomaaliya si ay uga bar bar dagaalamaan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Booliiska Faransiiska war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in afartan nin ee la qabtay ay doonayeen in ay u safraan Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya si ay ugu biiraan Dagaalyahanada Hubeesan ee ka dagalaama Dalalkaasi.

Raggan loo heysto in ay doonayeen in ay ku biiraan Kooxo loo aqoonsado Argagaxiso ka soo kala jeeda waddammada Faransiiska ,  Mali,  Masar iyo Dalka Pakistaan , waxaana hogaamiye u ah nin magaciisa lagu sheegay ibraahim Watara.

Dalka Faransiiska ayaa la sheegay in ay marin u noqotay dad badan oo jihaad doon ah oo ka yimaadda waddamo ku yaala Qarradda Yurub kuwaa oo doonaya in ay ku biiraan Kooxaha ka dagaalama Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles