Waxa degmo kasta oo s/land ka tirsani ay utartamaysaa una tafo xaydataysidii qaababkii iyo kartidii ay u horumarin lahayd degmadooda una dhaafi lahayd degmooyinka kale, waxaad wada ogtihiin in shacbiga degmo kasta degani u doorteen xildhibaano ay codkooda ku soo saareen codadkooda, kuna aamineen oo ay aad ugu farxeen inay noqdaan kuwii hogaamin lahaa dhamaan horumarka bulshada, fiditaankeeda, ilaalinta nadaafad darada, xalinta khilaafyada dhulka iyo sharciayaytoodaba,adkaynta nabadgelyada , iyo kobcinta dhaqaalaha degmada ,abuuris dhismaha jidadka,balaadhinta suuqyada ,qurxinta bilicda magaalada kor u qaadista waxbarashada, caafimaadka ,biyaha,korontada iyo arimo kale oo aad u badan oo ay qabtaan d/hoose oo ah adeegyo bulsho dhamaan tood.
Muddo sanad kadib markii ay habaysteen degmo waliba xeer hoosaadkeedii iyo qaabkii ay u socodsiin lahayd adeega iyo maamulka bulshada, waxa si xowli ah u bilaabmay horumarin muuqata oo ay ku kala fogaadeen degmooyinku ,waxa kamida arimaha ay ku kala duwan yihiin sida dhismaha jidadka ,nadaafada adeegista haboon ee bulshadooda edebta iyo asluubta iyo aqoonta xildhibaannimada fahanka shaqada soo bandhigista wixii ay sanadkan qabteen.
Hadii aan wax kaaga iftiimiyo oo aan is barbardhigno horumarka magaalooyinka Hargeysa,Burco ,Gabilay iyo magaalada boorama, qalabka jidadka lagu sameeyo oo kaliya aan soo qaadano waxay haystaan seddexda degmo Qalabdhanaystiran oo jidadka lagu dhiso sida cagafyo gaadiid tiro badan oo qaar ay u dheer yihiin inay iyagu leeyihiin xitaa booyada daamurka shubta laakiin boorama malaha untaas oo dhan , magaalooyinka qaar hadaba waxay helan taageero kaga timaada jaaliyadooda dibada ,caawimo kaga yimaada dawlada dhexe ,hayado dhex degan magaalooyinkaas iyo qaadhaan ay soo ururiyaan ganacsatadooda iyo weliba mid ay qaarkood ka helaan wadamada dibada oo ay la samaystaan saaxiibtinimo, ta ugu muhiimsana ay tahay dakhliga soo gala degmooyinkaas oo Boorama kaba abuurnayan sida kastamsyada ,dekadaha,garoomada dayuuradaha iyo ganacsi aad iyo aad u shaqaynaya.iyo noocyo badan oo cashuur qaadis ah oo aan ka jirin Boorame.
Hadaba waxa xusid mudan in la ogaado dhaqaale yarida demadan iyo guuxa intaasi leegi eed maqasheen sida ay isu qabanayaan .
Xildhibaanada Boorama Markay xaaladi halkaa marayso waxaan odhan lahaa
HOOSTII DAYE HAREERTII MADAYO
Waxaan uga jeedaa maahmaahdaasi inta muranka iyo khilaafkan aad ku dhex jirtaan een idinku dhex xiiqay sidaan idiin la hadlayaey ayey degmooyinka qaar gaadheen inay dhigtaan jidad ay u bixiyeen ROOG halka qaarkalena ay soo iibsadeen qalabtiro badan iyo booyado daamurka shuba maxaa yeelay intaad isku maqan tahay adigoon ku xisaabtamin waxan aad la ordayso ee aad wakhtiga ku lumisay sidaad adigu isku wareerin lahayd waxa aniga iyo bulshadaba nagaga lumaya horumarkii aan gadhi lahayn iyo hadafkii aan ku gaadhi lahaa ka midho dhalka horumarinta degmadayda iyo u sahan tageeda ilaha dhaqaale iyo waxqanad aan ugu dooni lahaa waxa iga lumiyay mashaakilladka aan iga dhamaanayan ee aan subax walba la kulmo .
Waxaan tebayaa kaalintii qurbo jooga waxaan tebayaa caqligii hadaha aan u lahayn waxaan tebayaa indheer garadkii degmadan kaga jiray baalasha dahabka ah waxaan tebayaa aqoontii iyo dhaqankii aan dhaxalka u lahayn waxaan tebayaa hooyadii talada fiicnayd waxaan tebayaa odaygii arintiisa aan laga hoos kacayn waxaan tebayaa caqligii dareenka lahaa ee walaalaynaya ummadda waxaan tebeyaa ragii lagu amaanay inay horseed ka ahaayeen nabada iyo dawladnimada aan manta hadhsanayno aaway ragii boorama ee caanka ku ahaa inay bulshada u horseedaaan inay gaadhsiiyaan heerka aqoonta ugu saraysa soomaali oo dhan
Maah maah ingiriisa ayaa tidhaahda Where there is will there is a way
Rag waa is qaban karaa kala fikir duwanaan karaa laakiin rag isku soo dhaweeya oo is fahansiiya ayuu ilaahay abuuray, xasuuso waxa is qabtay baarlamanka dalka oo u kala fadhiyay laba dhinac, waxa la is lahaa tii ugu weynayd ayaa ka qarxi waxa xaliyay markiiba ragii arinta lahaa oo leh odayaal iyo indheeer garad nasiib darase AAWAY CAQLIGII IYO INDHEER GARDKII BOORAME ?
Waxy soomaalidu tidhaahdaa TOLL NIN BUU U DHINTAA sababtuna waxay tahay dadka ilaahay ma simin mid ayaa ku bedali kara dhamaan bulshada oo dhan oo ilaahay ugu talo galay in ay caqligiisa iyo afkiisaba ku jirto erayada walaalaynta heshiisiinta horumarka iyo hogaamintadaba
Waxaan ku marti qaadayaa caqligii Arkaaya horumarka, walaalaynta ,barwaaqaynta ee lahaa talada fiican iyo gargaarka bulshada inay u furan tahay oon u baahanahay taladooda fikirkooda iyo wax qabadkoodaba inay nagu soo biiriyaan.
Waxaan fariin culus u diraya Dhamaan dadka shacbi weynaha reer boorama guddo iyo dibadba ee danaynaya horumarka degmadan iyo quruxdeedaba inay u bananaan tahay inay tallo iyo wax qabadba iyo xalinba ka geystaan degmadooda iyo dadkoodaba siday u hore marin lahaayeen waayo way fiican tahay in wasaarada arimaha guduhu ay wax ka tidhaahdo laakiin waxaa kaga fiican in ay waxka yiraahdaan caqliga aan tebayo ee meesha ka maqan.
Fadlan wixii talo iyo horumarin degmada Boorama eed haysaan kala soo
Xidhhidha
Xildhibaan Xasan Axmed Caynaan (Xasan Jacayl)
Focul person of International relationships of Borama manucipility
E-mail xasancaynaan@yahoo.com
Waa qalinkii xildhibaan xasan axmed caynaan





