Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo ku faanay in Sirdoonkoodu ka fiican yahay ka Al shabaab wax badanna ay fashiliyeen, weerarkii Buulla Burdena ay ogaayeen.

$
0
0

goodaxAwdalpress – Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Sirdoonka Ciidanka Dowladdu uu aad u heer sarreeyo ayna ka warqabaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab wadaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Sirdoonka  Dowlada Soomaaliya ay ka horumarsan yihiin kuwa Al Shabaab, marar badanna ay fashiliyeen Weeraro iyo dhibaatooyin  ay maleegayeen Al-Shabaab waa sida uu tilmaamay.

Cabdulaahi Goodax Barre Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa xusay in Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ay ka warhayeen Weerarkii dadka badani ku dhinteen ee maalmo ka hor ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ,.

‘’Sirdoonka Al-Shabaab kuweena ayaa ka shaqo wanaagsan , waxaan kuu sheegayaa in Weerarkii ka dhacay Degmada Buulo Burde ciidanku ka warhayeen ayna ka hor tageen gaariga is qarxiyay , Gaariga qarxay ciidanka ayaa fashiliyay wax dhibaato ahna gaadhisaasi ma geysan ,dhibaatada waxa ay ka dhalatay Weerar ay Shabaab ku qaadeen Hotelka’’ ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.

Dad badan ayaa is weydiinaya haddii Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ka warhayeen weerarkii Ciidammada tirada badan ku dhinteen ee ka dhacay Hotelka Camalow ee Degmada Buulo Burde sababta looga hortagi waayay oo loo fashilin waayay ka hor inta aanu weerarkaasi dhicin.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles