Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiir Garaad oo Sheegay in Haweenku yihiin Laf-dhabarta Dhaqaalaha iyo Nabadda ee Somaliland

$
0
0

GaraadAwdalpress(Hargaysa) 25 Mars, 14–Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa sheegay in haweenku yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, door weyna ka qaataan dhismaha nabadda. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shalay xafiiska Qarammada Midoobay ee Somaliland, Wasiir Garaad oo ka qaybgalay xaflad magaalada Hargeysa loogu sameeyey daah-furta istaraatijiyadda saddexda sanno ee ay Somaliland ku waajahayso Hay’adda UN-WOMEN oo Qarammada Midoobay u qaabilsan in ragga iyo haweenku helaan fursado siman, waxa uu tilmaamay in dawladda Somaliland soo dhawaynayso, lana shaqayn doonto hay’addaas.

“Haweenku waa laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, waxayna door halbawle ah ka qaataan dhisidda nabadda. Waxaan soo dhawaynaynaa xafiiska UN Women ee Somaliland waxaanan ku faraxsanahay in aan goob-joog u ahaado istiraatijiyaddooda saddexda sanno ee Somaliland. Dawladda Somaliland waxay diyaar u tahay in ay siiso taageero kasta oo ay u baahdaan UN Women, waxaanan rajaynayaa wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo na dhex marta”, ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.

Agaasimaha Hay’adda UN-WOMEN ee heer gobol Christine Musisi oo iyaduna xafladdaas ka hadashay, ayaa tilmaantay in fursado ragga iyo dumarku si siman u helaan ay tahay ahmidooda Somaliland, waxayna tidhi; “Labada jinsi oo hela fursado iyo xuquuqo siman iyo haweenka oo la awood-geliyaa waxay ka mid tahay arrimaha ahmiyadda u ah Qarammada Midoobay – Somaliland – haddii ay tahay joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka, haweenka doorkooda siyaasadeed oo la xoojiyo, in haweenka laga caawio in ay si weyn uga qayb-galaan dhaqaalaha dalka iyo in la hoos loo dhigo dhimashada hooyooyinka.” Waxa kale oo warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in istaraatijiyadda saddexda sanno (2014 ilaa 2016) ee hay’adda UN-WOMEN kula shaqayn doonto Somaliland muujinayso arrimaha mudnaanta u ah hay’adooda, kuwaasoo kala ah; ka-qayb-galka haweenka ee siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha haweenka, joojinta tacadiyada ka dhanka ah dumarka, ka-qaybgalka haweenka ee maamulka iyo qorshaha heer qaran, iyadoo fulinta istaraatijiyaddaasna hay’adda UN-WOMEN xafiis uga furanayso caasimadda Hargeysa.

“Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay ayaa bishii July 2010, sameeyey xafiiska haweenka ee loo yaqaan UN-Women, kaasoo UN-ka u qaabilsan in ragga iyo dumarku helaan fursado siman iyo in haweenka la awood-geliyo, iyadoo arrintaas la fulinayana waxa dawladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay qaadeen tallaabooyin lagu dardargelinayo sidii labada jinsi (ragga iyo haweenka) xuquuq siman helaan iyo in dumarka awooddooda la kordhiyo. Waxa ay Hay’adda UN Women ka shaqaynaysay Somaliland ilaa sannadkii 2011, isla markaana waxay muddadaas bixisay taageero farsamo iyo mid dhaqaale, isla markaana iskaashi wada-shaqayneed la yeelatay daneeyayaasha heer qaran ee ku hawlan arrimaha haweenka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Kordhinta UN Women kordhiso hawlaha ay Somaliland ka qabato, waxay kor u qaadaysaa doorkeeda la xidhiidha wada-shaqaynta bulshada rayidka ah iyo dawladda, iyadoo kordhinaysa aqoonta iyo awoodda ay wax ku qaban karaan xafiisyada dawladda iyo kuwa daneeya arrimaha jinsiga. Sidoo kale, taageero dhinaca farsamada ah ayay heli doonaan hay’adaha kale ee Qarammada Midoobay iyo ururrada ay iskaashiga leeyihiin si loo dardargeliyo hannaanka dimuqraadiga ah loona mideeyo dedaallada wax lagaga qabanayo arrimaha jinsiga iyadoo la samaynayo siyaasado marka dambena ficil loo beddelayo haddii ay tahay heer qaran iyo heer gobolba ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images