Awdalpress-25 Mars, 14–Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay ka digtay halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab ay ku hayso Bariga Afrika iyadoo howlgal milateri oo ballaaran uu ka billowday Soomaaliya bishan, kaas oo la doonayo in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab.
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inay kooxda wali firfircoon tahay, ayna qorsheyneyso weerarro argagaxiso oo ay ka geysato Soomaaliya iyo dalalka deriska sida Uganda iyo Kenya.
Ilo amni ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u cararayaan buuraha ku yaalla gobolka Bari ee maamulka Puntland, balse qaar ka tirsan dagaalyahannada ajnebiga ah ayaa laga yaabaa inay u tallaabaan Yemen, ama u baxsadaan dalalka deriska sida Itoobiya iyo Kenya.
“Way ka cararayaan magaalooyinka waa weyn, kuwa badan oo ayaga ka tirsan ayaa galay Muqdisho,” ayuu yiri Nicholas Kay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto dalalka ciidamadooda u soo diray Soomaaliya ee kala ah Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda.
RBK






