Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Amina A Mohamed, waxana ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka mandiqadda iyo qaxootiga Somalliyeed ee ku sugan dalka Kenya.
Ugu horeyna Ra’iisal Wasaaraha ayaa dawladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyadeeyey dad lagu laayey weerar ay kooxo hubeysani ku qaadeen goob Kaniisad oo mu taallay magaalada Membasa, wuxuuna tilmaamay in sidaasi si la mid ah ay kooxaha argagixisadu u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.kii lag
Mudane Abdiweli ayaa tilmaamay in dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xidhiidh dhinacyo badan leh, sida siyaasad,dhaqaale iyo mid bulsho, sidaasi daraaddeed loo baahan yahay in si wadajir ah iyo iskaashi leh looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka labada wadan iyo caalamkaba.
Dhinaca kale mar uu ra’iisal wasaare Abdiweli ka hadlayey qaxootiga Somalida ah ee ku sugan dalka Kenya, waxana uu dawladda Kenya uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u soo dhoweysay shacabka Soomaaliyeed uguna martigelisay dalkeeda. isaga oo haddana muujiyey walaaca ay ka qabaan amarka dawladda Kenya ee ahaa in dadka Soomaaliyeed ee magaalooyinka ku sugani ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, wuxuuna rajeeyey in dawladda Kenya ay ka khafiifin doonto amarkaas.
“Waxaan ku rajo weynahay in Dawladda Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Dhanka kale waxa Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Kenya Amina A Mohamed ka hadalshay arrimo badan, iyada oo ugu horreyn dhankeeda xustay in dawladda Kenya ay ka shaqaynayso sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi saddex geesoodka ee qaxootiga. Si fiicanna u soo hadhaweynsey xidhiidhka labada dal ay leeyihiin, iyada oo xoogga saartay sidii ay wada shaqayn mug leh u sii wada yeelan lahaayeen labada dal. Gaar ahaanna waxa ay aad ugu nuux nuuxsatay dhinaca ammaanka iyo sidii loola tacaali lahaa kooxaha nabad diidka ah ee dhibaataynaya labada dal iyo mandiqaddaba.
Awdalpress.com





