Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shacabkii reer Dilla oo isku tashaday, una dhaqaaqay wax wada qabsi ( heesaha qiirada lehna dhagayso )

$
0
0

Dilla Civic CentredariiqAwdalpress – Dilla – Intii muddo ahba waxa degmada Dilla iyo naxawaaxigeeda ka socday mashaariic ay ku horumarinayaan degaankooda iyo dalkooda. Mashaariicdaa oo ku socota wax wada qabsi dhex maray dhallin yarta iyo wax garadka dalka iyo dibadda kala jooga ee ka soo jeeda degaankaasi. Ugu horreyna waxa ay ku dhaqaaqeen jidka isku xidha labada degmo ee Baki iyo Dilla oo xilligan ku dhaw dhammaan. Jidkaa oo shacabka u sahlay in ay kaga raystaan dhibtii iyo rafaadkii ay uga kala gudbi jireen labada degmo. Sidaasi daraaddeedna ay aad ugu sahashay in ganacsiga dhul beereedka Baki ay ka faa’iidaystaan degmooyinka Dilla, Idhan iyo Wajaale.

Waxa kale oo ay ganacanta ku hayaan dhismaha civic centre ay shacabkaasi iska kaashadeen, oo ka kooban Hoolal, quryo la seexdo iyo xafiis. Gurigaasi oo saldhig u noqon doona talada degaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa weli meesha ka maqan kaalintii ay dawladda Somaliland ka qaadan lahayd horumarkaa ay shacabka degaanka Dilli ku tallaabsadeen. Waxase dhawaan arrimaha dawladda looga fadhiyo ka hawl geli doona urur isku magacaabay commissionka degaanka bariga Awdal.

Haddaba wararka ugu dambeeyey ee degaanka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in shacabka degaanku ay xilligan gaadheen bislay siyaasadeed iyo mid dhinaca wada tashiga iyo wax wada qabsiga ah, inkasta oo la sheegayo in ay jiraan shakhsiyaad weli ka hadhi la’ danaysi oo gooni u socod ah, had iyo jeerna ku qawlaysta tafaraaruqa shacabka guud ee bariga Awdal iyo gaar ahaanba. Mid ka mid ah dhallin yarta ku hawlan hawlahan horumarineed oo aan xalay khadka telefoonka ka waraysannay arrintan ayaa shabakadda awdalpress.com u xaqiijiyey in aanu shakhsiga gooni u socodka ahi maanta xasaanad ku lahayn shacabka degmada. Loona baahan yahay in uu raaco shacabkiisa.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images