Fanka oo weliba heesaha ahi waa kuwa bani’aadamku nafta ku nasiyo xilliyada qaar. Dhinaca kalena waxa heesuhu samayeeyaan amma loo adeegsadaa xidhiidhka u dhexeeya dareenka dadka. Mar mar ayaa heesu yihiin garyaqaan amma laguba doodaa. Xilliyada garnaqsiga iyo xod xodashada dareenka waxa uu dhaliyaa iska hor imaad, jacayl iyo muran ay dood adagi ka dhalato.
Haddaba bal aniga oo maanta idiin soo xulay heeso layaab leh oo baryahan dhaliyey muran badan, ayaa la isugu jawaabayaa arrimo aanan jeclayn in aan ka hor dego, waxana gabdhaha codka macaan lihi ay qaadayaan ayaa ah kuwa wakhtigan aadka loo xiiseeyo, ee dadka fanka jeceli ka daba dhacay.
Heesahan ay gabdhaha codka macaani ku heesayaan, ayaa waxa hooballadu ay ka dhaxleen iska hor imaad aad ah, laakiin waxa waraysi dheer oo laga qaaday ninka heesta GAADSIIYA sameeyey oo ah Ilka Jeer uu si qiira leh ugu nuux nuuxsaday, wal walka uu ka qabo sida Nimo Carraale loogu aflagaadeeyey heesta uu u dhiibay, ee aanay geyin, Ilka jiir waraysigiisa waxa aan soo dhignay Video-ga u dambeeya. Heesihii la isugu jawaabayey iyo waraysigiina waa kani ee ku maddadaalooda.
Awdalpress.com





