Awdalpress – Muqdisho – Wasiiraddii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya isla markaana ahayd ra’iisal wasaare ku xigeenka Somaliya Marwo Foysiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta loo dhaariyey in ay ka mid noqoto Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Golaha Shacabka ee xaruntiisu tahay Magaalada Muqdisho ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lagu hor dhaariyay Xildhibaanadda cusub ee Foysiya Yuusuf , waxaana lagu beddelay Ismaaciil Xasan Jaamac oo iska casilay Xubanimadii Baarlamaanka .
MarwoFowsiya Yuusuf Xaaji Aden oo muddo ku soo jirtay siyaasadda Somaliya iyo Somaliland ayaa u eg mid aan doonaynay in ay marnaba dibadda iska taagto siyaasadda Somaliya, sidaasi daraaddeedna xilligan u badheedhay in ay ka mid noqoto Baarlamaanka Soomaaliya.
Taariikhda siyaasadeed ee Foosiya ayaadumarka Somaliyeedna ka gashay meel sare, kaddib, markii ay noqotay gabadhii ugu horreysey ee Somaliyeed ee noqota wasiirka arrimaha dibadda Somaliya iyo ra’iisal wasaare xigeenka Somalia. Intii ay shaqada wasaaradda hayseyna waxa ay muujisay karti iyo dadaal badan oo ay wasaaraddeeda kaga guul keentay.
Awdalpress.com





