Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al shabaab oo qorshaynaysa in ay go’doomiso ciidammada huwanta ah ee Ceelbuur.

$
0
0

CeelbuurAwdalpress – Muqdisho – Xarakada Al Shabaab oo tiro badan kuna sugan tuulooyink laga xukumo Ceel Buur ee ay ka mid yihiin  Galhareeri, Bargaan, Wabxo, Ceel Qoxle, Jacar iyo Derri ayaa,  ayaa qorshaynaya in ay go’doomiyaan Degmada Ceel Buur ee Gobolka Glagaduud , oo dhawaan ay qabsadeen Ciidammada Somaliya iyo Ciisammada Itoobiya ee Qeybta ka ah AMISOM.
Ciidammadaasi Al Shabab ee degaannada Ceelbuur ku xereeran oo u badan kuwii ka baxay Magaalada Ceel Buur  ayaa fadhiisimo cusub ka samaystay tuulooyinkaa aan soo sheegnay ee aan ka fogeyn Ceel Buur, sida wararka Al Shabaab laga helayaa ay sheegayaanna waxa ay qorshaynayaan in ay go’doomiyaan ciidammada huwanta ah ee qabsaday degmada Ceel Buur, si ay ugu suurta gasho in ay weerarro cul culus oo is miidaamin ah uga fuliyaan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in AL-Shabaab dib ula wareegeen Deegaano dhawr ah oo u dhaxeeya Degmada Ceel Buur iyo Dhuuso Mareeb , halkaasi oo ay dhawaan Al-shabaab isaga baxeen si koobana gacanta ugu galay Ciidamada Huwanta.

Dagaalyahanno tiro badan oo aad u hubeesan kana tirsan AL-Shabaab ayaa la arkayay iyaga oo roondo ku jira inta u dhaxeysa Degmooyinka Ceel Buur iyo Dhuuso Mareeb, Ciidamadan Shabaab ka tirsan ayaa qorsheenaya in weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah u geestaan Ciidamada Huwanta ah ee Ceel Buur Qabsaday.

Kuburo dhinaca Milatariga ku Xeel dheer ayaa sheegay in Ciidamada Dowadda iyo kuwa Itoobiya ka howlgalyaani in ay tahay qaab qaldan , waxana ay nasiib darro ku tilmaameen in Ciidammada laga jiro dhinac walbo taasna ay tahay mid halis galineysa noloshooda.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna oo sanaddo ka hor qabsaday Degmada Ceel Buur ayaa ku qasbanaaday in ay halkaasi si lama filaan ah uga baxaan , kadib markii la go’doomiyay loona diiday in ay wax saanad iyo cunno ah oo iyagu ku socda Ceel Buur galaan.

Dhinaca kale waxa ay ciidamada Al Shabaab ka cabsi qabaan in duqayn dhinaca cirka ah oo xoog badan loo geysto dhulka ay joogaan, haddii ay taasi dhacdana waxa aan shaki ku jirin in si dhib yar cagta loo marin karo ciidammada Al Shabaab iyo dadka taageersan ee ay ku dhex nool yihiin, magaalooyinka gabbaadka u ah ee ay xididdada ku leeyihiinna waxa ka mid ah tuulada Gal Hareeri iyo Jarriiban.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images