Awdalpress – Borama – Ugu horreyn aan idiin soo qaddinno, xaflad lagu daah furayey furitaanka Jaamicadda Horn International oo ku soo biirtay gobolka Awdal.
Jaamacadda Horn International ee ku taalla dalka Itobiya ayaa faraceedii ugu horreeyey ee Somaliland laga furay magaala madaxda gobolka Awdal ee Borama, waxana ay jaamacaddani noqonaysaa tii saddexaad ee ku taalla gobolka Awdal.
Magaalada Borama ayaa waxa ay caan ku tahay waxbarasha, waxana ku yaalla dugsiyo aad u fara badan oo heer hoose iyo heer sareba leh. Dhinaca waxbarashada heerka sarena waxa ku yaalla labada Jaamacadood ee Amoud Universaty iyo Eelo American University oo ay ku jiraan arday gaadhaysa dhawr kun. Waxana jaamacadahaasi laga bartaa Dhakhtarnimo, Engineernimo, Kal Kaaliya caafimaad, Cilmiga sharciga, Cilmiga Islaamka, Computer Science, Macallinimo, Maamulka iyo xisaabaadka, Saxaafadda iyo cilmiga bulshada. Maantana waxa ku soo biirtay Jaamacaddan Horn International oo iyana fursad siin doonta dadka waxbarasha u jeellan.
Sidoo kale waxa magaalada ku yaalla machadyo sare oo iyagana laga barto cilmiga Computerka, luqadaha iyo Cilmiga diinta. Dhammaanba Machadyadaa iyo Jaamicahadaasi ayaa xidhiidh caalamiya la leh Jaamacadaha caalamka, waxana caalamka looga ictiraafsan yahay in ay yihiin Jaamacado tayadoodu ay sarrayso.
Awdalpress.com





