Awdalpress(Baladweyne) 30 Mars, 14–Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si kama ah u dilay hal qof oo rayid ah, saddex kalena waa ay dhaawaceen, taliyaha booliska Beledweyne Kornayl Cali Cabdi Mahad-Alle ayaa u xaqiijiyay Bar-kulan.
Ciidamo ku sugnaa bartamaha magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in rasaas ka fakatay ay dishay qofka rayidka ah. Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada halkaas oo lagu daweynayo.
Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornayl Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay inay maqleen dhacdada, isla markaana ay billaabi doonaan baaritaan la xiriir dhacdada.
RBK





