Awdalpress(Dimishiq) 31 May, 13–Madaxweynaha dalka Syria ayaa u sheegay TV ga dalka Lobnan in uu dalka Ruushka ka helay hub badan oo uu ku difaacayo dalkiisa.
Madaxweynaha dalka Syria Bishar Al-Asad ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu si degdeg ah uga jawaabi doono weerarkastaa oo kaga imaada Israel.
Wareysi uu siiyay TV ga Manar ee xaruntiisa ku taallo dalka Lobnan, ayuu sidoo kale Mr Asad ku sheegay in ay Ruushka hubka ay ka heleen ay ku jiraan gantaalada difaaca cirka, sidoo kale ay degdeg u heli doonaan gantaalada looyaqaano S-300 missile system.
Hadalkan ayaa lagu daawacay wargeyska Al-Akhbaar cadadkiisa maanta kaasoo helay qeyb kamid ah wareysiga uu Bishaar Al-asad siiyay TV ga Mannar.
“Syria waxay heshay markab ay saarnaayeen gantaalada difaaca cirka ee S-300 rockets ee ay ka heshay dowladda Ruushka,” al-Akhbar ayaa sidaa ka xigatay hadlka Mr Asad, oo intaa ku daray in Inta harsan ay degdeg ku gaari doonaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay.
Israel ayaa horey u sheegtay in meleterigeeda ay ka hortagi doonaan gantaalada Ruushka uu siiyay Syria ee S300 missiles.
Israel ayaa ka walaacsan in gantaaladan cusub ay gaari karaan dhulkeeda amma lala beegsan karo diyaaradaheeda, waxaanay gantaaladani xayirayaan awoodda ay Isarel u leedahay inay duqayn la beegsato Xizbullah oo ka dagaalma koonfurta Lubnaan.
Dadka faalleeya siyaasadda bariga dhexe ayaa u arka in gantaaladan cusub ay caqabad ku yihiin shirka nabadda ee ay ku baaqeen Maraykanka iyo Russia.
Dowladda Suuriya ayaa heshay markabkii ugu horeeyey ee ay saarnaayeen gantaalaha S300 oo lidka diyaaradaha ah.
Gantaalahan oo ay ugu deeqday dowladda Suuriya dalka Ruushku ayaa inta kalena waxaa la sugayaa in ay dhawaan sida ugu dhaqsaha badan u soo gaari doonaan Xukuumada Asad, sida uu sheegay sarkaal sare oo dowladda dalkaasi ka tirsan.
Ruushka ayaa ayaa horay ugu ballan qaaday Suuriya in uu siin doono, gantaaladaas, si ay isaga difaacaan faragelin kasta oo kaga timaada wadamada shisheeye.
Waxaana arrintan ay jawaab u tahay, ka dib markii wadamada Midawga Yurub ay diideen in ay dib u cusboonaysiiyaan cunaqabatayntii hubka ee saarnayd kooxaha dowladda ka soo horjeeda, taas oo ku ekayd maalintii sabtida ee laga soo gudbay.
Madaxwayne Asad ayaa sidoo kale wacad ku maray in ay ka jawaabi doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Israel.
Dhanka kale Israel ayaa digniin ka soo saartay gantaalahaasi, oo ay sheegeen in ay lidi ku yihiin amaanka gobolka bariga dhexe
Gantaalahan, ayaa ah nooca lagu toogto diyaarahada, sidoo kalena waxay leeyihiin awood ay ku xambaari karaan gantaalaha balaastiga ah.
Awdalpress Monitering




