Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Magaalada Baydhaba oo caawa bandoo ku jirta iyo madaxdii dawladda Somalia ugu sarreysey oo ku sugan.

$
0
0

Awdalapress – Muqdisho – Magaalada Baydhaba ayaa caawa ku jirta Bandoo, ciidammada AMISOM iyo kuwada dawladda Somaliya ayaana gacan xoog leh saaray sugidda ammaanka, isla markaana fulinaya amarka isku socod la’aanta magaalada, kaddib markii ay iska daba yimaaddeen Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh iyo guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Somali Mudane Jawaari.

Sida wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ay sheegayaan, xaaladda magaalada ayaa ah mid caawa deggen, wafdiyada xoogga leh ee Madaxweynaha oo ay la socdaan xildhibaanno gobolka u dhashayna ay saaka soo gaadheen Baydhaba iyo guddoomiyha Baarlamaanka oo galabta ku yimid diyaarad.

Wafdigyadan ayaan illaa immiga wax wada hadal ah u furin maamullada la isku maan-dhaafsan yahay ee lagu dhisay Baydhaba, waxana ay salka dhigteen xerada ciidammada ee 60aad, sida la saadaalinayana  in ay wada hadalladu  maalinta barrita ah furmaan ayaa loo badinayaa.

Sida la ogyahay waxa magaalada Baydhaba laga sameeyey laba maamul goboleed oo uu mid sheegayo in lix gobol ay ku midoobeen kuwaasi oo ay ku jiraan Kismaanyo iyo Gedo, halka maamulka kalena uu sheegayo in ay saddex gobol uuni ku midawday. Maalmihii inna soo dhaafayna waxa ka jiray kacdoon aad u daran oo khasaare geystay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Baydhaba waan idinla socodsiin doonnaa ee isha ku yahay awdalpress.com

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images