Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Magaalada Nayroobi xaafada Islii

$
0
0

isliiAwdalpress(Nayrobi) 31 Mars, 14–Lix qof ayaa ku dhimatay, toban qofna way ku dhaawacantay laba qarax oo caawa ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay si weyn u deggan tahay Soomaalida.

Taliyaha booliska Kenya Benson Kibue ayaa sheegay in askartii ugu horreysay ee tagtay goobta ay wax ka dhaceen ay xaqiijiyeen in dukaan lagu magacaabo Mzalendo oo ku yaalla aagga waddada 11-aad ee Islii ay ku arkeen meydka lix qof.

“Waxaan heynaa khasaaro badan, balse wali ma ogin nooca qaraxa loo adeegsaday weerarka. Dad dhintay baan heynaa.’’ ayuu yiri Kibue.

Booliska oo goobta gaaray ayaa xiray aagga ay wax ka dheceen waxayna baarayaan nooca qaraxa dhacay.

Warar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay saddex yihiin, balse boolisku ma caddeynin.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada Kenyatta, Gurunanak iyo Mother and Child Hostpital.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images