Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Waasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland oo ka baaqsaday kulan uu la yeelan lahaa Arimaha dibada Austaralia, Una Safray la kulanka Xubno deegaan Oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland kula kulmayay Sheffeild

$
0
0

newsAwdalpress Monitoring–31 Mars, 14– Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulan la yeelan lahaa Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Austaralia ayaa kulankaasi baajiyay, ka dib markii lagu amray inuu balantaasi ka baaqdo, isla markaana u safro dhanka dalka UK, taas oo la sheegayo inay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Siilaanyo ay maqashay kulan dhexmaraya laba xubnood oo ka tirsan Councelka magaalada Sheffield iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Ciro, Arintaas oo xukuumada Siilaanyo uGu muuqatay guul siyaasadeed oo dhanka Arimaha dibada uu ka soo hoynayo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ahna gudoomiyaha Baarlamaanka, Ujeedada xukuumada ayaa ah sidii ay lug uGu yeelan lahayd kulankaasi, isla markaana shacabka reer Somaliland ay u tusi lahayd in wasiiro xukuumada ka tirsani hawshan soo qabtaaen.

Sidoo kale Xukuumada Somaliland kama fikirin dhaawaca siyaasadeed ee ay ka dhaxli karto balanta baaqatay ee Wasaarada Arimaha Dibada Austaralia lala lahaa, Taas oo siyaasiyan dhaawac weyn dhaxal siin doonta masuuliyiinta Somaliland, isla markaana aragto taban ka bixinaysa siyaasada bilaa jihada ah ee meehanawsan ee ay ku socdaan maamulka Somaliland siyaasiyiintoodu.

Dhanka kalana xubnaha loo baajiyay kulankan ee ku jira D/hoose ee Shefield ayaa ah laba xubnood oo ka soo jeeda dalka Paakistaan oo taageero ka waayay shacabkii dooran jiray isla markaana taageero ka raadsanaya bulshada Somaliland ee ka soo jeeda ee degen magaaladan SHeffeild, Xubno gole deegaana maaha kuwo bixiya Aqoonsi, waxaase ka haboonayd in bulshada degen Sheffeild ay doortaan iyaga laftoodu dad ka soo jeeda Asal ahaan Somaliland, kuwaas oo noqon lahaa kuwo danahoodaha ka shaqeeya, balse Pakistani cid doorata raadinayaa ma ahayn in xukuumad iyo mucaarad dal sheeganayaa ku tartamaan kulankooda. Kob cagaarlehna ku hogaamin mayso siyaasada noocaas ahi Somaliland.

Awdalpress

Borama desk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images