Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland oo Go’aankiisii uu Buriyay Agaasimihiisa guud iyo Dr.Macaw oo Jigjiga dadkii Hargaysaad kaga dabategayaan

$
0
0

Awdalpress(Hargaysa) 31 Mars, 14– Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xaglatoosiye ayaa go’aan ka soo baxay xafiiskiisa waxaa is hortaagay Agaasimihiisa guud ee Wasaaradaasi, Wasiirka caafimaadka ayaa u ogolaaday Dr.Aweys Macaw inuu Hargaysa u yimaad daaweynta iyo Baadhista bukaanada u baahan inay la kulmaan, balse Dhakhtarku markii uu eegay tobankii qof ee uGu horeeyay ayay ciidamada Booliska ee Somaliland xidheen Dhakhtarka, waxaanay u sheegeen in aanu haysan ogolaansho.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka Somaliland oo waraysi siiyay idaacada BBCda ayaa sheegay inay diideen ogolaanshii uu bixiyay wasaarka Caafimaadku, wuxuuna tibaaxay in go’aanka buriyay uu ka yimid urur xirfadlayaal ah oo qiimeeyay Aqoonta Dr, Macaw, wuxuuna intaasi raaciyay in aanu dhakhtarku shaqo caafimaad ka qabanayn magaalada Hargaysa iyo meel ka mid ah Somaliland. Wasiir Xaglotoosiye oo bixiyay ogolaanshaha Dhakhtarkan ayaan isagu ilaa hada ka hadal Arintan, waxaase cad in Awooda wasiirku xadidan tahay, isla markaana aanu u madax banaanayn hawlaha uu ku magacaaban yahay. hadii uu sidaas uga sii Aamusnaadana wuxuu ku sifoobayaa shaqsi ogolaaday in uu ka mudan yahay Agaasimihiisu.

Arintan ayaa noqonaysa mid bulshada Soomaaliyeed tusinaysa faquuqa lagula dhaqamo dhakhaatiirta Soomaalida ah ee ka soo jeeda K/Soomaaliya, waxa la og yahay inay Somaliland joogaan boqolaal dhakhtar oo kala ah Hindi, Pakistani, Ethoipian iyo Carab aan lahayn Aqoon sare oo furtay meherado caafimaad iyo Jaamacado ay sheegaan in lagu barto Aqoonta Caafimaadka.

Dhanka kala Dhakhtarkii Macaw ee loo diiday Hargaysa ayaa uga gudbay dhanka Kililka 5aan ee Soomaalida Ethoipia, halkaasi oo uu ka qaban doono shaqadii caafimaadka la xidhiidhay ee uu u yimid Hargaysa, waxaanay arintani dhabar jab weyn ku noqon doontaa hanaanka caafimaad ee Somaliland iyo sida ay u sameeyeen qiimaynta Dhakhtarkan oo ka shaqeeya wadamada horumaray, waxaanay isweydiintu tahay Somaliland miyay ka Aqoon badan tahay Germany iyo Uk. ?

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images