Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladda Somalia oo maanta deeq millatari ka guddoontay dawladda Talyaaniga.

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha oo TalyaanigaAwdalapress – Muqdisho – Ra’iisal wasaaraha dalka Somalia mudane Abdiweli Sh. Ahmed ayaa maanta ka guddoomay dowladda Talyaaniga qalab iyo gaadiid ay ku jiraan kuwa dagaalka oo uu ugu deeqday milateriga dowladda Somalia, Munaasabaddii xil wareejinta deeqdaasina waxa ku wehelinayey mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fudiyeen ciidanka qalabka sida, wuxuuna ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee Somalia iyo Talyaaniga u dhexeeyay muddada dheer.

Munaasabadda qalabka lagu wareejinayay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ayaa waxay ciidamada milateriga Soomaaliya ku guddoomeen qalab ka koobnaa gaadiid ciidan oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa fududeeya howlaha kale ee ciidanka, dharka iyo agab xafiiseed, waxaana munaasabadan ka qaybgalay safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Somalia danjire Andrea Mazzello iyo saraakiil sare oo ka socotay wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga iyo ururka Midowga Yurub oo dhinaca tababarrada ka saacida ciidamada Soomaaliya.

Ciidammada dawladda Somalida ayaa baryahan la soo baxday dar dar cusub oo ay dalka kaga sifaynayaan kooxda xag jirka ah ee Al Shabaab. Waxana uu ra’aysal wasaaruhu xusay sida ay uga go’an tahay in ay u soo celiyaan nabadda iyo dawladnimada dalka Somaliya, dawladda Talyaanigana waxa uu uga mahadnaqay taageerada ay la garab taagan yihiin ee ay tani ka midka tahay.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images