Waxa heer gabo gabo maraya dhismihii koowaad ee Guriga Talada Tolka degaanka Dilla amma Civic Centre. Sida uu wariye Jaray ka soo warayeyna waxa dadka reer Dilla u qabsamoomay hawl mug leh, oo ay muddaba ku taamayeen.

Mar uu wariye Mohamed Omer Jaaray wax ka weydiiyey guddoomiyaha odayada Dilla sida ay hawsha wada tashiga iyo dhismahani u socdo, ayaa waxa uu guddoomiyuhu u sheegay in maanta ay dadkii degaanka Dilli si rasmi ah u tashadeen, iyaga oo aan cid kale wax ka sugayn, waxana aan dhammaystirkiisii ku jirraa ayuu yidhi, gurigan oo ah halkii aan ku tashan lahay, halkii aan martida ku qaabili lahayn. Waxa uu u mahadnaqay qurba joogga ka soo jeeda degaanka ee u tafa xaytay horumarka iyo wada tashiga degaankooda iyo shacabkooda.
Dhinaca kale waxa uu wariyuhu noo soo wariyey, in guud ahaanba magaalada ay dhismayaal aad ahi ka socdaan, dhaq dhaqaaqa ganacsina uu soo diirayo. Waxana uu meesha ka saaray dhalliilihii hore uga jiray iyo siyaasaddii xumayd ee ragaadisay.
Awdalpress.com






