Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiir Xagla-toosiye Oo Sheegay In Been Looga Sheegay In Dr Macow Uu Ku Takhasusay Xanuunada Dumarka

$
0
0

newsAwdalpress(Hargaysa) 03 Apr, 14–Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye ayaa markii ugu horeysay dafiray qoraalkii uu ugu ogolaaday Dr. Cali Macow inuu baadhitaan caafimaad ka sameeyo caasimada Hargeysa, kaas oo sidoo kale sheegay in been looga sheegay in Dr Macow uu ku takhasusay xanuunada dumarka, oo uu ku caddeeyey qoraalkiisii ogolaanshaha uu ku siiyey inuu baadhitaan caafimaad ka sameeyo caasimada Hargeysa.

Wasiirka caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye ayaa sidoo kale sheegay in aan wasiir ku xigeenka caafimaadku ka horjoogsan ogolaanshahii uu Dr. Macow ugu oggolaaday imaatinka dalka, kaas oo uu sheegay inaanay wax awood ah u lahayn wasiir ku xigeenadu hoggaaminta guud ee maamulka wasaarada caafimaadka oo uu sheegay inuu isagu wasiir ka yahay wasaarada caafimaadka isla markaana uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u igmaday inuu maamulo wasaarada caafimaadka isla markaana leeyahay go’aanada kama dambaysta ah ee hoggaaminta wasaarada caafimaadka.

Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye ayaa sidaasi sheegay mar uu shalay la kulmay guddida joogtada ee golaha Wakiilada oo kulankaasi kadib ay saxaafadu su’aalo ka waydiiyeen arrimaha sababay in Dr. Macow oo uu qoraal ugu ogolaaday inuu dalka yimaado isla markaana baadhis caafimaad ka bilaabo caasimadda Hargaysa sababta hadda looga joojiyey baadhistii caafimaad ee uu khamiistii todobaadkii hore ka bilaabay xarunta caafimaadka ee Xabiiba-Xanaan Medical Center ee Hargeysa.

Ayaa isagoo ugu horeyn ka jawaabaya wararka sheegaya inuu wasiir ku xigeenku ka hor istaagay go’aankiisaasi ayaa waxa uu yidhi “Waraaqda waxaas aad sheegaysaan kuma qorna waxaana jecelay inaad Waraaqda Akhridaan waxaana ku qoron dhakhtarkaas oo waliba waxa uu ku takhakhusay been la iiga sheegay oo la igu yidhi waa dhakhtar dumar   oo imanaya dalka ayaa kaa doonaynaa inaad wasiir noo fudaydisid inuu soo galo Somaliland” Wasiirka mar la waydiiyey maadaama guddida mihnadlayaasha caafimaadka xeerku awood u siiyey ruqsad siinta howlaha caafimaad arrinta uu uga booday sharciga waxa uu yidhi “Cidii wadanka soo galaysa ee doonaysa in ay caafimaad ku hawlgasho ama kaga hawlgasho wadanka Somaliland waa inay ogolaasho ka haystaan guddida mihnadlayaasha.”

Wasiirka marla waydiiyey in wasiir ku xigeenadu hor istaagtay qoraalkiisii uu ugu ogolaaday Dr. Macow baadhista caafimaad ayaa waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan warka sheegaya in ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland diiday inuu Digtoor Macaw dalka baadhitaan caafimaad ka Bilaabo waxaan anigu ogolaaday oo wasiir ku xigeenka caafimaadku diiday ma jiraan waana ku tiri ku teen wasaarada caafimaadkana aniga ayaa wasiir ka ah maandhaydka madaxwaynaha Somaliland igu magacaabayna anaa iska leh waxaan anagu ogolaaday wasiir ku xigeen madiidi karo waa” sheekooyinka.

Dhinaca kale guddiga mihnadlayaasha caafimaadka oo guddida joogtada ee golaha wakiilada ay kulan la yeesheen ayaa iyagu u gudbiyey guddidaasi qoraalkii uu wasiir Xagla-toosiye ugu ogaaladay Dr. Cali Macow inuu baadhis caafimaad ka fuliyo caasimadda Hargeysa kaas oo ay ku tilmaameen sida ay ila wareedyadu tibaaxeen in guddida mihnadlayaasha ay wasiirka ku eedeeyeen in qoraalkiisaasi uu baalmarsanaa xeerka xirfadlayashaa caafimaadka oo iyaga awood usiinaya ogolaanshaha ruqsad bixinta dhakhaatiirta iyo goobaha caafimaad ee ay ka howlgalayaan taas darteedna ay sheegeen in markii ay baadhis ku sameeyeen takhasuska Dr. Macow ay ogaadeen inaanu lahayn aqoonta xanuunada dumarka ee wasiirku qoraalkiisa Dr. Macow uu ku cadeeyey taas darteedna ay sidaasi howshaasi Dr. Macow uga joojiyeen.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images