Awdalpress(Hargaysa) 03 Apr, 14– Warar xog-ogaal ah oo shabakadda Awdalpress ka heshay ilo u dhawdhaw hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo K/xigeenka 3aad ee xisbiga Kulmiye Talyanle, labadan masuul oo ku kulmay shir hogaanka xisbiga iyo gudida qabanqaabada shirka xisbigu ku lahaa guriga M/xigeenka Somaliland ayaa la sheegayaa inay labadaasi masuul isku khilaafeen qaabka Ergada loo qaybsaday, taas oo G/xigeenka 3aad ee Kulmiye Talyanle u sheegay gudoomiyaha in qaabka Ergada loo qaybiyay sax ahayn, Arintaasi oo ka cadhaysiisay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa ka dib weerar Afka ah ku qaaday Siyaasiga Talyanle ee ka soo jeeda gobolka Sool wuxuuna so badheedh ah uGu yidhi ” Adiga oo soogelayti ah miyaad igula hadli kartaa Hargaysa ? Waan kaa saari karaa magaalada, meeshana cid aan uGu taliyo maahee cid kale uma ogoli..” Intaas ka dibna gurigii shirku ka socday ayuu dibada uga baxay gudoomiyaha Kulmiye Muuse.sida ay shabakadan u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal u ahaa dhacdadan oo diiday in magacooda la sheego.
Dhanka kalana waxay arintan gudoomiyaha kulmiye ku yidhi K/xigeenka sadexaad ee xisbiga Kulmiye Mdane Talyanle ka cadhaysiisay siyaasiyiinta beesha Harti kaga jira golayaasha Somaliland qaarkood, waxaanay ku hanjabeen in ay dhulkoodii tegi doonaan hadii arintaas xaal laga siin waayo, waxaanay wararku intaas ku darayaan in siyaasiyiin ka soo jeeda beesha M/weyne Siilaanyo ay wadaan sidii arintaas loo qaboojin lahaa, isla markaana beesha Harti loogu maslixi lahaa in raaligelin la siin doono. Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa mudooyinkan dambe la soo baxay kalsooni dheeraad ah iyo hanjabaado iskugu jira Af iyo gacan oo uu ku weerarayo siyaasiyiinta fikir ahaan ka soo horjeeda siyaasadiisa, taas oo loo malaynayo inuu meelo kale oo gudaha iyo dibada ah ka helay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.
Awdalpress
Somaliland Desk





