Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Xasan Rowxani oo ku Guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee Dalka Iiraan

$
0
0

Awdalpress(Tehran) 16 Jun, 13–Xasan Rowxani ayaa ku guuleeystay doorashadii madaxtinimada ee maalintii jimcaha ka dhacday dalka Iiraan,waxana uu helay 50% codadkii la dhiibtay,taasi oo meesha ka saartay in la qabto wareeg labaad oo doorasho ah.

Duqii magaalada Tehran  Mohammad Baqer Qalibaf ayaa kaalinta labaad galay.

Dadka codkooda ka dhiibtay doorashada ayaa lagu qiyaasay 72.2%,waxana isku diiwaan galiyay inay codkooda dhiibtaan 50 million oo Iiraaniyiin ah.

Mr Rouhani oo ku guuleeystay doorashada ayaa balan qaaday in uu xiriir wanaagsan la yeelan doono wadamada reer galbeedka ee awooda leh.

Hogaamiyaha diimeedka sare ee dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa la filayaa in uu  dib u saxo codadka 3da bisha August ee soo socota.

Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayaa lagu hor dhaarin doonaa baarlamaanka dakaasi iiraan.

Ayatollah Cali Khamenei ayaa ugu hambalyeyay Mr Rouhani guusha uu ka soo hooyay doorashadii dhacday.

“waxaan ku boorinayaa qof kasta in ay dowlada ku  caawiyan madaxweynaha la doortay iyo saaxiibadiisa,maadaama uu yahay madaxweynaha dhamaan dalka,” ayuu yiri Ayatollah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka iiraan Mostafa Mohammad Najjar ayaa ku dhawaaqay  Mr Rouhani uu helay codad dhan 18,613,329 oo kamid ah 36,704,156 codadkii la dhiibtay,waxana ay u dhigantaa in uu helay 50.71% cod.

Mr Qalibaf ayaa helay 6,077,292 waxana uu galay kaalinta labaad (16.56%).

Taageerayaasha Mr Rowxani ayaa isugu baxay bartamaha magaalada Tehran si ay ugu dabaal dagayaan guusha musharaxoodii uu ka soo hooyay doorashadii madaxtinimada.

Xafiiska dowlada ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibada ayaa soo dhaweeyay guusha Mr Rowxani waxana ay ku booriyeen in la yimaado siyaasad ka badalan tii madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamuud Axmed Dinajad,islamarkaana uu ka hadlo walaaca beesha caalamka ee ku aadanin in iiraan ay sameysaneyso hubka nukliyeerka,iyo in uu wanaajiyo xaaladaha siyaasada iyo xuquuqda aadanaha ee shacabka dalka iiraan.

Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub.

Star


Google oo bilowday in ay cirka u siidaayaan Buufino Internet xanbaarsan

$
0
0

BaloonAwdalpress(New Zealand) 16 Jun, 13–Shirkadda weyn ee Google ayaa bilowdey mashruuc la yaableh oo soo jiitey dad badan oo caalamka ku dhaqan.Mashruucan cusub ayaa ah in ay hawada ku siideyso Buufino (Ballon) xanbaarsan adeega Internetka oo xawaarihiisu aad u sareeyo.

Qiyaastii kun buufin oo dhulka ka sareeye 20km ayaa shirkaddu siideysey si ay adeega Internetka ku gaarsiiso dalalka fakhriga ah. Mashruucan ayaa loogu magacdaray Loon

Balloonka ayaa xanbaarsan Sollar-ka dhalinaya tamarta Korontada iyo Satellite ay ku xiran yihiin adeegii soo qabanayey Internetka isla markaana sii daynaayey. Balloon kasta waxa uu adeega Internetka gaarsiinkaraa magaalo laba jeer ka weyn magaalada New York ama qiyaastii 1255km square.

Tijaabadii u horeysey ayaa lagu sameeyey dalka New Zealand Buufinada ama Balloonka ayaa gaari doona Badda baasfikada, Latiin Ameerika, Atlaantikada waxaana ay ku danbeynayaan qaarada Afrika. Ugu yaraan 50 guri oo ku yaala New Zealand ayaa heley Internetka Google Balloon, kuwaas oo horey isu diiwaan geliyey in lagu tijaabiyo.

Shirkadda Google ayaa rajeyneysa in dadka aan Online-ka ahayn ama aan Internet-ka haysan ay ku soo biiraan dadka horey u haystey Internetka, Shirkadda Google ma sheegin lacagta ku baxdey mashruucan oo ay muddo dheer soo waddey, sidoo kale waxaan la sheegin qiimaha ay iska bixin doonaan dadka isticmaali doona, inkasta oo la rajaynaayo in qiimuhu noqon doono mid aad u yar.

Adeegan meelaha sida weyn looga baahan yahay waa dalka Soomaaliya oo ay dadku lacag badan ka bixiyaan Internet u dhigma kii la isticmaalayey bilowgii Sagaashamaadkii, gaabinta xawaaraha waxaa ka daran go’itaanka iyo maqnaanshaha badan, haddaba Shirkadaha Soomaaliya sidee u arki doonaan mashruucan markii Buufinada qaar kood gaaraan meel Soomaaliya laga siin karo Internet, ma u kala tartami doonaan in ay Shirkadda Google xiriir kala sameeyaan mise dagaal ayey ku qaadi doonaan?

Star

Qaramada Midoobay oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii ay Somaliland ku mamnuucday xafiiskiisa UNSOM

$
0
0

Nicholas-Kay-300x3001Awdalpress – Djabouti – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa sheegay inuu dulqaad u yeelan doono go’aanka ay Somaliland ku mamnuucday in xafiiskiisa UNSOM laga furo magaalada Hargeysa.

Danjire Kay, oo u muuqday inuu ka damqaday go’aanka Somaliland ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo. Hase yeeshe wuxuu farriimo kooban oo Diblomaasiyadeed ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka iyo barta uu xafiiskiisu ku leeyahay face book. “Somaliland waxay warwar ka muujisay shaqada UNSOM. Waa wakhtigii la is dejin lahaa. Xafiisyada UN-ka mar walba waa la helayaa, caawimana way gaysan karaan. Waan dulqaadan doonaa.” Weerahan ayuu danjire Nicholas Key, shalay ku qoray bartiisa twitterka, ka dib markii uu ka dhoofay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, bogga uu xafiiskiisa UNSOM ku leeyahay facebook, ayaa waxa la geliyay qoraal kooban oo uu leeyahay Diblomaasigani. “Si dhab ah ayaan u qaadanayaa walaaca ay Somaliland muujisay. Waa mawduuc kakan oo xaasaasi ah, waxaanan rumaysanahay in xafiiska UNSOM uu dhinacyo badan faa’iido uga yeelan doono Somaliland, iyadoo si dhab ah loo tixgelinayo duruufaheeda gaarka ah. Waxaan u rajaynayaa in wada hadalku sii socdo” ayuu yiri Nicholas Key, maamulka Somaliland ayaa danjire Key, markii uu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyay inaan xafiiskiisa UNSOM la ogolaan doonin in laga furo Hargeysa, maadaama oo uu ka soo horjeedo qaranimada Somaliland sida yiraahdeen.

Dhinaca kale Nicholas Key ayaa shlay kulan ku saabsan arrimaha soomaaliya kula qaatay magaalada jabuuti ee xarunta dalkaasi madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil cumar geelle ,waxayna labada dhinac isla soo qaadeen qorshaha cusub ee howgalka soomaaliya ee qaramada midowbay kaas oo ay hoostagayaan dhamaan howlaha qaramada midoobay ka waddo soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ee soomaaliya ,taas oo uu madaxweynaha jabuuti sheegay inuu soo dhaweynayo xaafiiska cusub ee qaramada midobay ay kula wareegeyso howlgalka soomaaliya maadaama ay dalka jabuuti ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee qaramada midoobay ee soomaaliya Nicholas Key ayaa sheegay kulankaasi ka dib in madaxweynaha jabuuti uu sidoo kale soo dhaweynayo gao,aanka galaha amaanka ee taageeraya in dhismaha maamul usameynta gobolada soomaaliya ay la wareegto dowladda soomaaliya iyadana looga dambeeyo ,isagoo xusay in go,aanka golaha amaanku uu sidoo kale taageerayo go,aankii madaxda dalka igad oo horey  ugu baaqday in dowladda soomaaliya arrimahaasi looga dambeeyo gaar ahaanna ay dowladda soomaaliya qabato shir dib u heshiisiin ah oo looga hadlay xal u helidda arrimaha gobolada jubbooyinka iyo Gedo.

Awdalpress.com

 

WAFTI REER BOORAMA AH OO BOOQDAY MAGAALADA HENLEY OO AY MATAANO YIHIIN BOORAMA, LANA KULMAY MASUULIYIINTA DAGMADAAS (VIDEO)

Hambalyo aroos oo loo dirayo Hassanmukhtaar Ahmed Hassan iyo Sagal Maxamed Maxamuud ( Gacmadheere) oo meherkoodu ka dhacay magaalada London.

$
0
0

aroos milga leh.Awdalpress – London – Marka hore aan arooska heestii arooska u saarro, kaddibna aan sheegno dadka farxadda la qaybsaday ee hambalyeynaya.

Heestii Jufa micidheer… Jufo aan aroosadda dulgeyno, waa laxankii Daahir Calasow oo ah hadyad uu mar hore ugu soo diray awdalprss.com

Hawl wadeennada shabakadda awdalpress.com ayaa waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan caruuska Hassanmukhtaar Ahmed Hassan iyo caruusadda Sagal Maxamed Maxamuud( Gacmadheere ), oo maherkoodu maalintii shalay uu ka dhacay magaalada London. Waxa kale oo hambalyo qiimo badan oo taa la mid ah u diraya dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin.

1. Xaaji Maxamed Hussein Siciid.
2. Abdirahman Ali Kaahiye
3. Ahmed Ibrahim Taani
4. Ahmedweli Sh. Omer Goth
5. Hassan Muuse Khalif
6. Mahamed Ali Aw Abdi
7. Mahomed Aden-dheere
8. Abdirahman Abdilaahi Aamin
9. Mohamed Muuse
10.Ibraahim Yusuf ( dhuluc dhuluc )
11.Cadduur Abdillaahi
12.Mustafe Daa’uud
13.Rashid Abdillaahi Qaalib.
14.Hassan Bile Camir
15.Abdi Hashi ( Ballay ) Mahad.

Waxa ay dadkaasi oo dhammi leeyihiin aroos khayr leh oo lagu waaro Ilaahay ha uga dhigo wiilka iyo dhabadha.

Heesta arooska oo aan mar kale jeclaysannay in aad nala dhageysataan.

Awdalpress.co.

MADAAFIIC XALAY LAGU GARAACAY XARUNTA MADAXTOOYADDA SOOMALIYA

$
0
0

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho
iyadoo ay saaka ka socdaa degmooyinka Hodan iyo Holwadaag baaritaanno lagu soo qabtay boqolaal qof.

artilaryAwdalpress – Muqdisho – Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ku dhaceen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada iyo goobo ku dhowdhow sida xarunta nabadsugidda Qaranka.

Inkastoo aysan jirin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo duqeymahan ka hadlay ayaa haddana waxay ku soo beegmayaa xilli ay magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu raadinayo kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab.

Madaafiicdan ayaa la sheegay inay tiradoodu ahayd afar madfac oo laga soo tuuray qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda duqeymahan durba sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay weerartay madaxtooyada Soomaaliya.

Howlgallada socda ayaa waxay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, sida xaafadda Black Sea, Baar Ubax, Al-Baraka iyo Warshadda caanaha.

Boqolaal qof ayaa lagu soo qabqbatay howlgalladan oo billowday aroornimadii hore ee saaka oo isniin ah, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo laba sano ka hor ka baxday Muqdisho ayaa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogag iyaga ka tirsan ku sugan caasimadda ayna la beegsan doonaan weerarro xarumaha dowladda Soomaaliya.

Bishii hore ayay ahayd markii duqeymo noocan oo kale ah lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya kuwaasoo ku dhacay daafaha xarunta, inkastoo aysan geysan wax khasaare ah.

HNN

Tacsi ku socota Qoyska reer Xaaji Cali Cismaan (Cali-France)

$
0
0

Urur ASARDA ee dhismaha wadooyinka Gobolada Awdal/Salal Gudoomiyahooda Xaaji C/laahi Xaaji Ciise,Xaaji Cabdi Xasan Tukaale, Sh C/laahi Sh Cali Jowhar,C/laahi Jaamac, Muuse Camir,Xaaji Abuubakar Xuseen(Shiine) Ismaaciil Riiraash, Hashim Sh Cumar Good, C/raxmaan Quraab, Xaaji Muumin Jaamac Samaale, Maxamed Nuur, Muuse Maxamed Ismaaciil(Jujuub) Maxamed Xaaji Nuur Muxumed, Khadar Daahir Fadal,waxay Tacsi u dirayaan Ehelada iyo Qaraabada Marxuum Xaaji Cali Cismaan Caynaan(Cali-France) oo shalay lagu Aasay Boorama kana mid ahaa Ganacsatada Magaalada Boorama, Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo , Janadii Fardawsana haka waraabiyo Marxuumkaasi

Daawo; Xuska Maalinta Caruurta Afrika ee ay soo qabanqaabiyeen AYODA iyo SAYS ee lagu qabtay Boorama

$
0
0

Daawo; Xuska Maalinta Caruurta Afrika ee ay soo qabanqaabiyeen AYODA iyo SAYS ee lagu qabtay Boorama


Ciyaartoyga gobolka Hargeysa iyo kuwa Gebilay oo ku dhex dagaallamay xaflad qado ah oo uu u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

$
0
0

Awdalpress – Hargeysa – Dhalinyarada Ciyaartoyda gobollada Gebilay iyo Hargeysa uga qeyb gelay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa maanta Duhurkii dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray Hoolkii ay ku qadaynayeen ee Maansoor Hotel .

Ciyaartoyda labada gobol ayaa waxaa si wadjira Hool keliya qado ugu sameeyay wasiirka wasaarada arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Asal ahaan ka soo jeeda Degaanka Gabiley.

Labadan kooxeed ee Ciyaartoyda Kubadda Cagta gobolada Hargeysa iyo gabiley ayaa maalmaha soo socda la filayaa in ciyaar adag oo kubada cagta ah ay foodda isku daraan Hargeisa Stadium halkaas oo kii laga badiyaa sallaanka tartanka ciyaaraha ka siiban doono.

Ciyaartoyda labada gobol ayaa markii dagaalkoodu bilaabmayba Wasiirkii Casuumay u dalbaday Gurmad ciidammada booliiska kuwaas oo degdeg u soo gaadhey,kuna guulaystay inay la tacalaan inay yareeyaan khasaare soo gaadha ciyaartoyda naftooda iyo hudheelkaba halkaas oo kuraas iyo miisaan badan oo laysku adeegsaday burbureen.

Dad badan ayaa waxa ay is weydiinayaan halka la iska shuufay ee keentay gacan ka hadalka. Waxana ay dadka qaar leeyihiin, waxa meesha ku jirta arrimo siyaasadeed oo guuxeedu uu barhanba dhex mushaaxayey beelaha Sacad Muuse oo u kala jabay laba garab iyo nus. Laakiin la doonayo in shir ay odayada qaar iclaamiyeen lagu lafo guro is maan dhaafkaasi.

Arrimuhuna waxa ay cirka isku sii shareereen kaddib markii ay Muuse Biixi iyo Wasiirka Maaliyaddu socdaallo ugu kala bexeen Yurub iyo Maraykan. Socdaalladaasi oo dadka siyaasadaha gobolka indha indheeyaa ku tilmaameen in tartan jiro reer dhexdiisa. Tartankaasi oo ay dawladduna lug ku leedahay, sidaasi daraaddeedna aanay beeshu wakhtigan awoodi karin in ay gaadhaan talo dimuqraaddi ah oo inta badani isku raacdo.

Awdalpress.com

War deg deg ah: Nin lagu dilay magaalada Xariirad.

$
0
0

Awdalpress – Borama – War immiga naga soo gaadhay magaalada Xariirad ayaa sheegaya in fiidkan magaaladaa  lagu dilay nin magaciisa la odhan jiray Daahir Yuusuf laguna naanaysi jiray Tarayso. Ninkan oo ka soo jeeda beesha Ciise ayaan illaa immiga la garanayn cidda dishay.

Dilkan galabta dhacay oo aan isku daynay in aan hay’adaha amniga ka waraysanno, ayaan illaa iyo immiga warkiisa la hayn.

Horena waxa u dhacay dil ka dhacay degaanka Xariirad oo aan waxba laga qaban, laakiin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu shirar badan oo nabaddoonnima ah ka galay.

Warka dilkan la xidhiidha waan idiin soo gudbin doonnaa.

Isha ku haya Awdalpress.com

Awdalpress.com

TACSI KU SOCOTA EHELADII MARXUUMAD NASIIM XAAJI IBRAAHIM NUUR

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN….Dhammaan reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay joogaan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii ay ka baxday marxuumad Nasiim Xaaji Ibrahim Nuur. Waxanan marxuumadda Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo asxaabteediina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Aammiin

Dilkii Marxuum Daahir Yuusuf oo loo xidhay odayaal degaanka ah iyo su’aal la iska weydiinayo mu’aamaraadka lagu dilay marxuumkaasi.

$
0
0

breaking newsAwdalpress – Xaariirad – Sida dad magacyadooda qariyey ay u sheegayaan shabakadda awdalpress.com, ayaa waxa la sheegayaa in dilka ka dhacay Xariirad aanu la xidhiidhin dakano iyo aarsi, balse ay tahay mu’aamarad la isaga hor keenayo shacabka walaalaha ah ee wada dega galbeeda Somaliland ujeeddada kalena tahay in dhibta Hargeysa ka taagan laga jeesto. Waxana farta lagu fiiqayaa siyaasiyiin dhib ka wada Hargeysa iyo Djabouti, oo iyagu doonaya in ay dab ka dhex shidaan beelaha Gadabuursi iyo kuwa Ciise.

Wararka ka imanaya magaalada xariirad ayaa waxa kale oo ay sheegay in xaaladda magaaladu  ay immiga

deggan tahay , kaddib markii xalay lagu dilay nin ganacsade ah.

Marxuumka xalay la dilay oo magaciisa la odhan jiray Daahir Yuusuf ayaa maanta lagu aasay magaalada xariirad.

Waxaa kale oo maanta ciidanka nabadgalyadu xidheen shan oday oo ay noo suurta gashay in aan helno afar ka mid ah magacyadooda ayana kala yihiin.

Maygaag daahir Bucul

Bashiir daahir Hanfi

Caaqil Cali Cumar Aare

Cadoosh Bille Cabdilaahi

Xadhigga raggan ayaa dadka magaalada Xariirad ay ku sheegeen xad gudub loo geystay muwaaddiniin aan wax dambi ah gelin.

Dhinaca kale waxaa magaalada la soo dhoobay ciidan iskugu jira ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo lagu soo xoojiyey ciidan kale oo maanta magaalada soo gaadhay.

Shaqaaqadan ayaa loo maleeyaa in ay noqon doonto mid degaankaa ka abuurta dagaallo faraha lagaga gubto, oo ay isaga hor yimaaddaan shacabka degaanka iyo ciidanka uu maamulka Somaliland soo dhoobay jiidahaasi.

Wararkayaga danbe ayaad ku dhagaysan doontaan waraysiyo aan ka soo qaadnay goob joogaal ku sugan magaalada xariirad.

Awdalpress.com

Saan saan colaadeen oo laga dareemayo dhulka kala rogan ee Itoobiya iyo Somaliland.

$
0
0

breaking newsAwdalpress – Xariirad – Warar xog ogaal ah oo ka imanaya dooxooyinka kala rogan ee gobollada Awdal, Salal iyo dooxada Harawa ee Itoobiya,  ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed iyo dhallin yar hublay ah oo jiidahaa soo buuxiyey, waxana la sheegayaa in ay ka xanaaqsan yihiin wax  ay ku sheegeen duullimaad lagu soo qaaday shacabka dhulkaa dega iyo xadhigga xaq darrada ah ee odayada lagu xidh xidhay.

Shalay galab ayey ahayd markii si kamma’ ah lagu dilay Marxuum Tareese Liqe oo ka mid ahaa ganacsatada degaankaasi kana soo jeeda beesha Ciise. Waxana la sheegayaa in rag afka soo duubtay oo aan haybtooda la garanayni ay marxuumka ku dileen gurigiisa.

Dhiilladan ka dhacday degaanka Xariirad ayaan weli la garanayn meesha laga soo abaabulay, waxase dad shabakaddan la soo xidhiidhay ay farta ku fiiqayaan siyaasiyiin kala jooga Hargeysa iyo Djabouti. Sababtana waxa ay la xidhiidhinayaan in ula jeeddadoodu tahay dhib magaalooyinkaa ka jira oo la rabo in loo wareejiyo jiidda Xariirad, oo ay muddaba ka jirtay arrimo la dhex dhigay shacabkaasi.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa muddooyinkan ku soo badanaya dalka Somaliland is dilka iyo haybta qabiil oo immiga uun soo cusboonaatay. Dhibaatadanina kuma koobna degaan iyo gobol kaliya. Waxanan ka warqabnaa in shalay ay Maxkamadda Burco rag ku xukuntay dil. Horena waxa loo hayey kiisas dilal ah oo ay qaarkood sannaddo jiitamayaan oo ka dhacay gobollo kala geddisan oo Somaliland ka mid ah, dadkii lagu soo eedeeyey dilalkaasi oo ay xataa mas’uuliyiini ku jirtayna aanay weli dawladda Somaliland waxba ka qaban.

Si kasta ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in arrinta ammaan darro ee ciidammada xad dhaafka ah  loo adeegsanayaa ay noqon keeni doonaan isku dhac ka dhex aloosma shacabka gobolladaasi iyo dawladda Somaliland.

Awdalpress.com

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdiraxman Ismail Saylici iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Abdiraxman Aw Cali ( geesi tol helay ) ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Ugaaska Gadabuursi oo immiga jooga Borama.

$
0
0

breaking newsAwdalpress – Borama – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Abdirahman Aw Cali ayaa maanta booqasho ku tagay magaalo madaxda gobolka awdal ee Boorama, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Soo dhaweyntii kadibna waxa ay si toos ah ugu booqdeen Ugaaska Gadabuursi Ugaas Abdirashid Dooddi

Safarka labadan mas’uul oo aan horay loo shaacin ayaa ujeeddada ka dambaysaa ay tahay adkaynta midnimada beelaha Gadabuursi, oo sannaddo horteed uu tafaraaruq badani ku jiray, laakiin dadaal badan kadib la soo af jaray, immaga la go’aansaday in si midaysan loo wajaho talada iyo baahida bulshada.

Ugaaska Gadabuursi oo midnimada Gadabuursiga calaamad u ah ayaa waxa maalin walba qaabilaa waxgarad iyo mas’uuliyiin dalka iyo dabaddaba uga yimaadda. Maanta oo ugu dambayseyna waxa qasriga uu Borama ka deggen yahay uu ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Zaylici iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Saylici Uggas   SayliciUgaasa

Awdalpress.com

Daawo: M/xigeenka Saylici oo booqday Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble iyo kulanadii uu la qaatay dhamaan madaxda dhaqan oo uu wehelinayay C/raxmaan Aw Cali

$
0
0

DSC05956M/xigeenka Somaliland oo booqday Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble iyo kulanadii uu la qaatay dhamaan madaxda dhaqan oo uu wehelinayay C/raxmaan Aw Cali.


Heestii midnimada ummadda ereyadii Hassan Sh. Muumin ku soo dhawaada.

$
0
0

Midnimada ummaddu waa mid tiir dhexaad u ah horumarka ummadda, jiritaanka ummadda, xorriyadda ummadda, karaamada ummadda iyo sharafta qofnimo ee khaaska ah. In aad shakhsiyaad kale u sandullaysnaataana waa daciifnimo ummadda ku keenta tafaraaruq iyo liitinnimo.
Haddaba inkasta oo ay ummaddii heshay midnimo, waxa aan maanta u saaraynaa heestan wakhti walba la socota ee Allaha u naxariistee Abwaankii Hassan Sh. Muumin uu wakhti hore tiriyey.Bal nala dhageysta.

Awdalress.com

Daawo: M/xigeenku kulanadii uu khaaska ula qaatay Ugaaska Beelaha Gadabuursi iyo Madaxda shirakada SHAABA ee Adeega biyaha Boorama gacanta ku haysa

$
0
0

Ugaaska iyo SayliciDaawo:-M/xigeenku kulanadii uu khaaska ula qaatay Ugaaska Beelaha Gadabuursi iyo Madaxda shirakada SHAABA ee Adeega biyaha Boorama gacanta ku haysa

Waxaan ku faraxsanahay kulanka aan kula kulmay adiga oo ah Ugaaskii Gadabuursi, Waxaan Cambaaryanayaa Dilkii Xarirad…. C/raxmaan Saylici

$
0
0

Ugaaska iyo Saylici 2Awdalpress(Borama) 18 Jun, 13–M/xigeenka Somalilan C/raxmaan C/laahi Saylici oo ay wehelinayeen xildhibaanada golayaasha Baarlamaanka kaga jira G/Awdal qaarkood iyo M/xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax ayaa booqasho hal maalin ah ku soo gaadhay Borama, markii uu soo galay gaadhay magaalada ayuu M/xigeenku booqday Ugaaska C/rashiid Ugaas Rooble oo magaalada Boorama mudo ku sugnaa.
M/xigeenka iyo Ugaaska kulankoodii ayaa waxay labadooduba isku bogaadiyeen kulankooda iyo isku imaatinka dhexmaray oo ahaa mid mudo laga shaqaynayay, Mudane Saylici oo kulankaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi ” Waxaan ku faraxsanahay kulanka aan kula kulmay adiga oo ah Ugaaskii Gadabuursi, farxad ayay ii tahay in la igu soo dhaweeyo Guriga Ugaaska oo aan la kulmo madaxda dhaqanka iyo waxgaradka Beesha
Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble ayaa dhankiisa isna wuxu yidhi ” waxaan kugu soo dhaweynayaa imaatinka aad ii timid, waxaanan ku farxsanahay in aynu kulano waana mid guul ah, waxaanan ku leeyahay ku soo dhawow dalkaagii iyo dadkaagii.
Intaasi ka bacdi waxa uu kulano la qaatay M/xigeenku shirkada biyaha ee Boorama ee SHABA, wuxuuna kulan la qaatay masuuliyiin iyo maareeyaha shirkadaasi adeegyada biyaha ee Boorama, Maxamed Nuur Faahiye oo ah madaxa Boardka shirkada ayaa u sheegay in magaalada ay biyaha gaadhsiiyeen 8kun oo guri, dedaalna ay ugu jiraan inay sii balaadhiyaan biyaha, wuxuu intaas ku daray inay bateen isticmaalka biyaha ee magaaladu, M/xigeenka ayaa isna dhankiisa ku amaanay waxqabadka shirkadaasi, wuxuuna xusay in ay heshiiskii tobanka sano ee biyaha Boorama loo dhiibay shirkada SHABA ay heshiiskii ka soo baxday, isla markaana uu heshiiskii dhaw yahay mudaddisii, mana xusin in shirkada loo kordhin doono heshiiskaasi iyo lagu wareejin doono shirkad kale.
Ugu dambayn wuxuu M/xigeenku ka qaybgalay kulan uu ku casuumay madaxda dhaqanka ee G/Awdal oo ku marti qaaday hutelka RAYS, halkaasi oo Saylici ka sheegay in imaatinkiisu ahaa sidii uu bogaadin ahaa midnimada dhaqanka ee mudooyinkan dambe aad samyseen, isla markaana loo baahan yahay in aan iskiin garabtaagno, taas oo qabyaaladu ay Soomaalida dhaqan u tahay wakhtiga laga baxaana ay goor dambe tahay, siyaasiga wanaagsan waxaa lagu gartaa in waxa dadkiisu qabsado uu bogaadiyo, waxa kale oo aan idin kula talinayaa inaad soo dhaaftaan Boorama oo aad timaadaan Hargaysa oo aad wixii aad doonaysaan aad halkaasi ka doonataan, waxaad tihiin dadkii aasaasay Somaliland, sheegta wixiina oo shaaca ka cadeeya, inaad calaacashaan, cabataan maaha ee xaqiina sheegta.

Madaxweyne kuxigeenka  Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullahi Saylici ayaa dhaleeceeyay dil xalay ganacsade loogu geystay deegaanka Xariirad ee degmada Saylac ee gobolka Awdal.
Saylici ayaa tilmaamay in hal aragti laga qaato qof walba oo dembi geysta si loo joojiyo dhibaatooyinka ay dembiilayaashu u geysanayaan dadka rayid ah, isagoo sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono ninkii ka dambeeyay dilkaasi.
Madaxweyne ku- xigeenka ayaa sidoo kale odayaasha gobolka Awdal kala hadlay sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo amniga gobolka, maadaama uu amni darro ay horseedi karto in gobolku uusan horumar ku tallaabsan.
Saylici ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Siilaanyo ay go’an yahay in uu sugo amniga guud deegannada uu ka taliyo, isagoo sheegay in cidkasta oo ku xad-gudubta sharciga, ama gasha fal-dembiyeed caddaaladda lala tiigsandoono.
C/raxmaan Aw Cali Faarax oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi ” In badan ayaa la isweydiinayay muxuu M/xigeenku uga maqan yahay Ugaaska, wuxuu yimid maalintii qadarku qornaa oo ah maanta, Midnimadu waa mid u dan ah M/xigeenka, waa mid u dan ah xildhibaanada waa mid dan u ah bulshada iyo xukuumada oo waa in la helaa cid dadkan loogu soo hagaago kaas oo la isku raacay in dhanka dhaqanka looga dambeeyo Ugaask C/rashiid Ugaas Rooble, xaga siyaasadana waa kolba cida Joogta marba Awr ayaa dhaamiya, Midnamadu dhanka beelaha deriskeena waa u dan dhanka Horumarka oo u dan, uma midoobaysaan in aan dad ku duulo iyo aan nabadgelyada xumayno ee waa mid xaqeena iyo rabitaankeena iyo wanaaga Somaliland aan u midoobayno.
Waxaa iyaguna goobtaasi hadalo mahadnaqan iyo midno ay heleen ka Oday dhaqameedo ahaan ka tilmaaamay qaar ka mid ah Salaadiinta kala ah Suldaan Ibraahim Jamac Samatar, Suldaan Abuubakar Cilmi, Caaqil Cabdi Axmed Cige iyo Suldaan Ibraahim Dacar, waxaanay xuseen inay xal ka gaadheen khilaaf mar soo maray oo dhanka dhaqank ah, ayna uga dambaynayaan cida dhaqanka ugu saraysa Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo dhaqan ahaan hore u ahaa Sulaaladii amase hogaankii dhaqan ee soo jireenka ahaa ee ay lahaan jireen Beelaha Gadabuursi, taariikhda Ugaasyada Gadabuursi ayaa iyadu bilaabantay sanadkii 1607dii markay taariikhdu ahayd wakhtigaasi oo la caleemo saaray Ugaaskii ugu horeeyay, waxaana lagu tiriyaa hogaamada dhaqanka ee ugu horeeyay qabaailka Soomaaliada. Ugaaska hada ee Ugaas C/rashiid ayaa Aabihii waxaa lagu dilay sanadkii 1977kii magaalada Jigjiga wakhtigaasi oo ay dileen ciidamadii dhargiga ee Mangiste, Sidoo kale Ugaas Doodi ayaa isaguna ahaa Ugaas xadhig kala kulmay Gumaystihii Ingiriiska sanadadii Afartanadii, waxaana la wada xidhay Isaga(Ugaas Doodi) iyo Garaad Maxamuud Cali Shire iyo Faarax Oomaar, wuxuuna Ingiriisku xidhay Jasiirada Comoros oo uu gumaysan jiray, sababta xadhigoodana waxaa lagu tilmaama inay xoriyad doon ahaayeen.

Awdalpress

Hashim Goth

Muqdisho oo askari toogasho lagu dilay iyo Shan qof oo lagu dilay Kismaayo

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho) 18 Jun, 13—Koox hubeysan ayaa maanta gudaha xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku toogatay Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed.

Goobjoogeyaal ayaa Bar-kulan u sheegay in dilkaasi ay geysteen labo dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnayd, kuwaasoo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan askarta dowladda oo markiiba goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameeyay walow aysan jirin cid ay dilkaasi u soo qabteen.

Baryihii dhowaa amniga Muqdisho waxa uu ahaa mid soo hagaagayay, iyadoo aynay jirin dilalkii qorsheysnaa oo sanadihii dhowaa magaalada aad ugu badnaa..

Shan qof oo ay ciidamo ku jiraan ayaa maanta lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo xaaladda magaalad ay tahay mid kacsan

Xiisadda ayaa dhalatay kaddib markii saaka la dhaawacay Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo ka mid ah saraakiisha magaalada Kismaayo, xilli uu socday howlgal lagu qaadayay jid-gooyo ay maleeshiyo  dhigatay waddada aadda dekeda magaalada Kismaayo.

Goobaha ganacsi ee qeybo ka tirsan magaalada ayaa xiran iyadoo laga cabsi qabo in iska hor-imaadyo ay dhacaan.

Yaasiin Raadeer ayaa la sheegay inay rasaas madaxa ka haleeshay, isla markaana la geeyay isbitaalka ciidamada Howlgalka AMISOM ee magaalada Kismaayo.

RBK

Daawo:- Khudbadihii C/raxmaan Aw Cali iyo C/raxmaan Saylici ka jeediyeen Madashii duqayda dhaqanka ee RAYS lagu qabtay

$
0
0

newsDaawo:- Khudbadihii C/raxmaan Aw Cali iyo C/raxmaan Saylici ka jeediyeen Madashii duqayda dhaqanka ee RAYS lagu qabtay

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live