Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia statement on Mogadishu UN attack

$
0
0

UNSOM press statement
Wednesday, June 19, 2013

The UN Special Representative for the Secretary-General for Somalia, Nicholas Kay, condemned the violent attack on the United Nations Common Compound in Mogadishu.

At about 11:30 this morning, a pickup truck rigged with explosives was detonated outside the gate of the UN compound, and attackers then entered on foot. Gunfire and further explosions followed, as staff took refuge in secure areas.

“I am truly shocked and horrified by what took place in Mogadishu today. The United Nations Common Compound houses UN personnel working on humanitarian and development issues for the Somali people. This was an act of blatant terrorism and a desperate attempt to knock Somalia off its path of recovery and peace building.”

“Thankfully, the vast majority of our staff are unhurt. I would like to express my gratitude to the Somali government and people for the support and concern they have shared with us. We also owe our thanks to the Somali forces and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) who stepped in quickly and effectively to protect dozens of UN personnel, Somali and international.”

We are verifying reports of casualties. There are certainly some injured and most likely worse.

Our Mogadishu colleagues are shaken but the United Nations remains determined to stand by the people of Somalia. My deepest sympathies and thoughts are with the friends and families of all those injured and affected.


WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Shaqaale Ajaanib ah ayaa ku naf-waayay Weerarkii Xarunta UNDP ee Muqdisho”

$
0
0
Arbaco, Juun 19, 2013 — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP ay ku dhinteen 15-qof oo ay afar ka mid ahaayeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka howlaglayay xarunta UNDP.

 

Wasiirka ayaa sheegay in toddoba ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, afarta kalena ay ahaayeen ilaaladii xaruntaas, iyado ajaanibta ku dhimatay weerarka la sheegay in saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika, mid kalena uu ahaa Kenyan.

“Dadka ku dhintay weerarka waxay tiradoodu ahayd 15-qof, afar ka mid ah waxay ahaayeen ilaaladii xarunta, afar kalena shaqaalihii ajnabiga ahaa ee goobtaas ku sugnaa, toddobada soo hartayna waxay ahaayeen kooxihii Al-shabaab weerarka ka dambeeyay,” ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay afaafka hore ee xarunta UNDP oo uu maanta weerarku ka dhacay.

Ma soo hadal qaadin wasiirku dadkii shacabka ahaa ee afaafka hore ee xarunta ku dhintay, isagoo warbixintiisa ku ekeeyay shaqaalihii xarunta ee dhintay, ilaaladii iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

“Waxaan mahad u celinayaa ciidamadii dowladda ee ku guuleystay inay ugu galaan gudaha xarunta kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday kana sifeeyay, taasoo ah guul u soo hoyatay dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shaqaalaha ajnabiga ah ee goobta ku dhintay ayuu ku sheegay wasiirku inay ahaayeen kuwo qaabilsanaa dhinaca ammaanka xarunta hay’adda UNPD oo ah goob ay deggen yihiin hay’daha Qaramada ee ka howlgala Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa weerarka ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay shan qof, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana sidoo kale ku dhintay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo aanu wasiirku soo hadal-qaadin.

Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ay ku leedahay Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid aad u abaabulan, iyadoo sarkaal u hadlay booliiska uu sheegay in mid ka mid ah kooxihii fuliyay weerarkaas la qabtay.

Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarka sheegatay ayaa horay u sheegtay in shaqaale Ajnabi ah ay ku dileen weerarkii ay xaruntaas ku qaadeen, balse ma aysan sheegin tirada shaqaalahaas ay dileen.

HOL

 

 

Daawo sawirro laga soo qaaday xafiiskii UNta ee ay Argagixisadu weerartay maanta

$
0
0

DAAWO SAWIRADA: Weeraradii maanta ka dhacay xarunta heyadda UNDP Muqdisho

Weerarkii_UNDP_5

Gabadh 20 sano jir ah oo dhashay 11 Caruur ah kuna nool Gaza (Daawo)

$
0
0

Naima Shabah Al-qasawi oo ah gabar u dhalatay Falastiiniyiin ku nool magaalada Gaza ayaa dad badan ay la yaabeen iney noqoto Hooyo dhashay 11 Caruur ah, iyadoo da’deeda buuxinin 20 sano jir.Naimashabah

Naima ayaa 11-kan caruur ah waxay ku dhashay mudo Todobo Sanadood ah, iyadoo Lix ka mid ah Caruurtan ay u dhashay mid mid, halka Shanta kale ay mar qura dhashay.

Sheekada oo dhan halkan ka daawo.


Awdalpress.com

BERBERA: Dagaal laba beelood isku fara saareen oo ka dhacay bariga Berbera.

$
0
0

berberaAwdalpress – Berbera – Dagaal ay laba beelood isaga hor yimaaddeen ayaa maanta ka dhacay bariga magaalada Berbera, kaddibna maamulka gobolka Saaxil ayaa ka warixiyey siday wax u dheceen, halkan ka daawo warkii oo muuqaal ah:

Awdalpress.com

Ciidammo reer galbeed ah oo ka qayb qaatay hawl galkii maanta lagula dagaallamay nabad-diidkii xoogga ku galay xafiiska UNDPda Muqdisho.

$
0
0

Ciidammo reer Galbed 11 (3)Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan ay maanta la beegsadeen xarunta hay’adda UNDP ay Muqdisho ku leedahay, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka.

Weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaamay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno si gaar ah u tababaran oo ka tirsan xoogaggooda.

“Al Shabaab waxay dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is-qarxintii ay maanta u geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib-u-dhiska ka waday dalka oo aan hubeysneyn waxay muujinaysaa in Al-shabaab aysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo dalka Somalia,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Waxaa la caddeeyay inay qaraxan ku dhinteen 8-qof oo afar ay Somali ahaayeen. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxaan tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen dadkaas, isla markaana waxaan EEBBE uga baryay in dhaawacantay inay u fududeeyo dhaawacooda.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu la hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uuna u sheegay sida uu uga xun-yahay falkan arxan la’aanta ah, igana gaarsiiyaan farriintayda shaqaalaha UN-ka, isagoo intaas ku daray inuu u sheegay in xeradan ay ku sugnaayeen aad u soo gurmaday Soomaaliya oo aysan ahayn in falal noocan oo kale lala beegsado.

“Waxaan u mahad-celinayaa ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u gurmaday isla markaana badbaadiyay qaar shaqaalaha QM ka mid ah, kuwaasoo ku jiray xarunta, waxayna si geesinnimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ah uu socday. Waxaa mahad ALLE ah in shaqaalihii intooda badan ay badbaadiyeen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku tallaabsatay horumar, isagoo xusay in lagu jiro xilligii dib u kabashada ayna sii wadi doonaan howshaas Al-shabaabna aysan hor-istaagi karin.

 

“Al Shabaab waxay kasoo horjeeddaa nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha saacida Soomaaliyana way ogyihiin in Somalia ay ku tallaabsatay horumar oo aan wadajirkeena si xoog leh u wada-taagnaan karno oo aan ka wada-shaqeyn karno sidii dalka amni iyo kala dambeyn loogu soo celin lahaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ayaa waxaa horay uga hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Somalia, isagoo sheegay in 15-qof ay ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

HOL

 

Meydadka ajaaniibtii ku dhimatay weerarkii UNDP oo munaasabad sagootin ah loo sameeyey (SAWIRRO)

$
0
0

Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho aya waxa galabta laga duuliyey meydadka sadex ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika.

Ajaaniibtan ayaa ka mid ahaa shaqaalihii heyadda UNDP ee ku geeriyooday weerarkii shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xaruntaas kaasoo isugu jiray isqarxin iyo mid toos ah.
 
Inta aan dalka laga duulinin ka hor ayaa meydadkan waxa munaasabad kooban oo baroordiiq iyo sagootin ah loogu sameeyey garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaas ka qeyb galay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud wakiilka QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay iyo madax iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay oo kulankaas ka dib shir jaraaid u qabtay saxaafada ayaa sheegay in shalay ay maalin madow u aheyd QM iyo ummada Soomaaliyed, wuxuuna sheegay in dadka meydadkooda la qaaday ay dalka u yimaadeen wax u qabashada shacabka Soomaaliyed, isagoo xusay in howshii ay bilaabeen ee ay dhinteen aan dhexda looga tegi doonin lana sii wadi doono.

Ugu yaraan 20 qof oo isugu jira shaqaalaha QM oo Soomaali iyo ajaaniiba leh iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho kaasoo kooxihii fuliyey ay u adeegsadeen isqarxin iyo weeraro toos ah.

 

Dayniile.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gudaha Somaliland kula Dagaalamay koox Al-shabaab ah.

$
0
0

ethiopiaAwdalpress – Hargeysa – Ciidamao Itoobiyaan ah ayaa Tuulada Bali-Cad  oo ku taala Agaarka  Degmada Widh-widh kula dagaalamay Koox Al-shabaab ah oo Doonaysay in ay ka taloowdo deegankaasi, kuwasoo ku sii jeeday Buuraha Gal-gala, Kooxdan oo ka soo Kicitintay Badhtamaha Somaliya, ayaa laga warhelay iyaga oo dhexda ku soo jira,  kadiban waxay Dadka Deegankaasi ku wargaliyeen Ciidamo Itoobiyan ah oo ku sugnaa Xududka Deegankaasi, Waxana dhex maray Dagaal kaas oo aan Ilaa Hada la ogeyn Khasaaraha dhab tahay ka dhashay, Qof deeganakasi ku sugnaa oo Waaheen La soo xidhiidhay ayaa u xaqiijiyey in ay labada Ciidan ee Al-shabaabka iyo Itoobiyanka ah Dagaal Culusi dhex, waxaana  uu Xusay in Khasaare Labad dhinca Soo gaadhay, Isaga oo intaasi ku daray in 6 Qof oo ka mid ah Kooxda Al-shabaab Markii danbe la qabtay.

Sidda oo kale wax uu sheegay in qaar ka mid ah Kooxda Al-shabaab ay baxsadeen oo aan la haynin Jihada ay u baxeen, Kadib markii Dagaalku iskugu dhaca.

Kooxda Al-shabaab ah ayaa la sheegay in uu Gaadhi ka soo qaaday Gobolada Dhexe balse ay ka dageen markii ay soo gaadheen Xuduudka Somaliland iyo Wadanka Itoobiya u dhexeya.

Deeganka Labada Ciidan Dagaalku ku dhex maray oo ah Gudaha Somaliland ayaanay ku sugnayn Ciidamo Somaliland ahi, taasna wax lagu tilmaamaa sababta Al-shabaab marinka uga dhigtay.

Waaheen


Ciidanka RRU-da oo Markale Xalay iyo Saaka ku qabtay Burco Laba Nin oo Al-shabaab lagu eedaynayo.

$
0
0

burco-232x150Awdalpress – Hargeysa – Ciidanka RRU-da ayaa Xallay Mar kale guri ku yaala Magaalada Burco ka fuliyey hawlgal ay guriga ugu daateen waxaanay ku soo qabteen Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Salaad, Sidoo kale wax ay isla Saaka Burco ku soo qabteen nin kale oo Magaciisa lagu koobay Maxamud.

Ilaa Hada Xukumadda Somaliland kamay hadal qabqabashada labaad nin, Hase yeshe Sidda u ku soo waramayo Wariyaha Waaheen Ninka Habeenimada La qabtay ayuu sheegay in ay ilmaabti yihiin mid ka mid ah Afartii nin ee dhawaan Ciidanka RRU-du qabteen Hawlgalkii Burco ee Hubka ku soo ururiyeen.

Mid ka mid ah labada nin oo ka habeenimada la qabtay  ayaa  xaaskiisu Waaheen la soo xidhiidhay waxaanay ciidanka RRU-da ku eedeysay in ay gurigeeda ka qaateen Hanti, iyada oo ku eedeysay in ay argaga ku rideen, iyada oo sheegtay in ninkeeda wakhtigii  la qabanayey  aanu guriga ku sugnayn.

Waaheen

Nicholas Kay: Waan sii Wadeynaa Hawlgalkeena Somalia

$
0
0
KayErgayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo waraysi siiyey IdaacaddaVOA, ayaa sheegay inay cashar ka baranayaan weerarkii shalay balse ay sii wadayaan hawlgalkooda Soomaaliya.

Mr. Kay, ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta weerarka lagu qaaday shalay uu maantaba bilowday. Qaramada Midoobay-na waxa ay sheegtay in weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xaruntooda aanu ka horjoogsan doonin hiilka ay la garab joogaan  Soomaaliya, isla-markaana aaney ka bixi doonin dalka Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa u waramay wariyaha VOA Haaruun Macruuf, wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

Beelaha Gabooye oo hoggaan cusub kaga dhawaaqay magaalada Burco.

$
0
0

Awdalpress – Burco – Beelaha gabooye oo ah dad aad u tiro badan, laakiin ku filiqsan Somaliya ayaa qaar ka mid ah oo dega Somaliland ay ku doorteen hoggaan cusub, kaasi oo majaraha u qaban doona midnimadooda iyo wax wada qabsigooda.

Beelahan oo ah kuwa la hayb sooco amma muddo dheer la hayb sooci jiray ayaa u muuqda shacab dib u soo fiilaya, laakiin waxa weli ku hor gudban cadaadis kaga imanaya beelaha kale. Balse waxa ay muddaba la soo bexeen dar dar cusub oo ay sida qabiilooyinka kale isugu muujinayaan, maaddaama ay dawladnimadii Somaliyeed isugu biyo shubatay qabiil, iyaguna aanay jiri karin qabiil la’aan.

Haddaba waxa ay Burco kaga dhawaaqeen hoggaan cusub oo ay aayahooda kaga tashanayaan. Waana kan warkii ee nala daawada.

Awdalpress.com

Haldoorkii Beelaha reer Dudub oo xadhig iyo raadin lagu hayo, oo maxaa loogu tacaddiyayaa?

$
0
0

Awdalpress – Xariirad – Waxa maanta shabakadda awdalpress.com la soo gaadhsiiyey war sheegaya, in nin oday ah oo magaciisa la yidhaa Jibril Aw Siciid oo sita baasaboor Holland ah lagu xidhay magaalada Borama, odaygaasi oo ka mid ah rag 8 ah oo loo xidhay dilkii Marxuumkii lagu dilay Xariirad oo isagu hayb ahaan ka soo jeeday Ciise.

Sida warar xog ogaal ahi nagu soo gaadheen, shilkaasi waxa uu ahaa mid qof kasta oo reer Xariirad ahaa ka xumaaday, oo aan loo tirin karin in beeli ku tashatay in ay dilaan, waayo ninkaasi waxabu ahaa nin reer magaal ah oo aan cidna dembi ka gelin. Laakiin haddana waxa loo tarjumay in dilkaasu uu daba socday kii lagu dilay ninka reer Dudub ah ee sidan oo kale loogu soo xidhay odayada Ciise markii dambena la iska sii daayey iyada oo xalkiina uu noqday hadal iyo suugaan.

Haddaba shabakaddan oo ay dad badani la soo xidhiidheen ayaa waxa na soo gaadhay, in beel ka mid ah beelaha Jibril Yoonis ee Samaroon aad loo baacsanayo odayadooda iyo wax garadkooda, si bay yidhaahdeen loogu shaabadeeyo dilkaa. Balse aanay odayadaasi waxba ka ogeyn.

Warka oo tifa tiran naga suga

Awdalpress.com

Shirweynihii Xorriyatul-Qowlka Adduunka oo lagaga hadlay xaaladda Xorriyatul-Qowlka Soomaaliya (SAWIRRO)

$
0
0

Awdalpress – London —Shirweynhii Dallada Caalmiga ah ee u Dooda Xoriyatul Qowlka ee loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX) ayaa lagu soo gunaanaday dalka Cambodia,  gaar ahaan magaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.

Ka soo qeyb galayayaasha oo kor u dhaafayay 200 qof oo matalayay ururrada iyo hay’adaha u dooda xorriyada saxaafadda,  xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka kuwaasi oo ka kala yimid 120 dal oo addunka daafihiisa ah ayaa waxaa ay si qoto dheer ay uga doodeen xaaladda ay ku sugan tahay xoriyatul qowlka.

 

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa kulanka uga qeyb galay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ah dallada IFEX. Soomaaliya ayaa mar kale loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dalalka loogu dhibaateyn badan yahay suxufiyiinta taasoo ay ka dhigeyso meel si weyn loogu xadgudbo xorriyatul qowlka iyo xuquuqul insaanka. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la wadaaga kaalinta ugu horreysa dalalka Philippine, Russia and Syria.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa kasoo jeediyay kulanka Phnom Penh ee IFEX warbixin oo uu ugu hadlay dhibaatada loo geysanayo suxufiyiinta gaar ahaan nabadgelyo-xumida heysato suxufiyiinta oo keentay in si bareer ah loo beegsado saxaafadda iyo ciqaab la’aanto dilka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

“Waxa ugu daran ee manata saxaafadda Soomalaiya heysto ayaa ah cuuryaamin iyo dhibaateyn aan xad laheyn oo ciddii geysato aan wax dambi ah loo qabsaneyn, iyadoo la ogyahay in qofka suxufiga ah uu yahay muwaadin caadi ah balse mas’uuliyadda dheeraadka ah ee saaran darteed ayaa loogu bartilmaameedsadaa shaqada ay bulshada u hayaan darteed” ayuu yiri Cumar Faaruuq oo ku daray in dagaal gaar ah lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay  tahay mid xalkeeda lagu soo koobay hadallo siyaasadeed oo aan wax la taaban karo oo muuqda aanan laga qaban tasoo keentay in dilkii uu si macno darro ah u sii socdo.
Kulanka ayaa waxaa lagu meel mariyay go’aan u soo jeediyay Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ kaasoo ahaa in laga taageero Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si ay u sahlanaato in la ilaaliyo amniga iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyadda saxaafadda soomaaliya taasoo kulanweynaha IFEX uu si weyn isugu raacay.

 

Isku soo wada duub dhawaan ayay  aheyd markii shirweynaha Ururka IFJ eek a dhacay magaalada Dublin lagu meel mariyay qaraar taageero iyo kaalmo kaleba loogu yaboohay ururka NUSOJ muddada seddaxda sano ah ee soo socota si uu usii kordhiyo waxqabadkiisa.

HOL

 

Kenyan Police Seize Truck Loaded With Explosives

$
0
0

Bernama
Friday, June 21, 2013

Kenya’s Administration Police, a paramilitary security force, have seized a truck loaded with more than 27 tonnes of assorted bomb-making materials believed to be destined for the Al-Shabaab militant group in neighbouring Somalia.

The truck was apprehended by the Administration Police personnel manning a checkpoint along the Dadajabula-Dif Road in Wajir County in northerneastern Kenya, almost 500 km northeast of here, Wajir County Commissioner Naftali Mung’athia said Thursday.

The truck, which was ferrying the chemicals from Kenya’s Indian Ocean port of Mombasa, was loaded with 7,000 kg of sodium sulphate, 7,000 kg of basic chromium sulphate, 3,000 kg of sodium formate, 3,000 kg of sodium bicarbonate, 2,500 kg of soda ash and 5,000 kg of microzyme-P.

“If these materials had managed to cross over into Somalia, it would have dealt a serious blow to our efforts to curb rising Al Shabab attacks within our borders. The explosives made from these would have been used against our KDF (Kenyan Defence Force) personnel in Somalia and others would have been brought into our country by these terrorists to wreck havoc,” Mung’athia said.

Bomb experts have taken samples from the chemicals in the lorry for further tests in Nairobi to establish the range of explosives that could be derived from them. The lorry belonging to a Garissa businessman is being kept under 24-hour armed guard.

The incident comes a couple of months after security personnel in Wajir town, acting on a tip-off from the public, recovered over 10 AK47s, 20 hand grenades and an assorted cache of explosives buried at a cemetery in the town.

Sh. Mustafe Xaaji Ismail oo ka hadlaya ummadaha waxa dumiya aan wada daawanno.


Booliska Kismaayo oo miinooyin aan qarxin ka saaray waddooyin ku yaalla magaalada

$
0
0

KismayoAwdalpress(Kismaayo) 22 Jun, 13–Ciidanka booliska magaalada Kismaayo ayaa maanta howlgal miino-baaris ah waxay ka sameeyeen waddooyin ku yaalla magaalada.

Taliyaha saldhigga Kismaayo Maxamed Cabdi Buulle Sugow oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidanku ay howlgalka ku soo saareen labo miino oo aan qarxin, kuwaas oo uu sheegay in laga saaray waddada suuqa Umbulutooriya iyo tan aadda Dalcadda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada inay ciidanka ku soo wargeliyeen miinooyinka lagu aasay waddooyinka.

Wuxuu ku eedeeyay kooxda al-Shabaab inay aastay miinooyinka si ay ugu waxyeelleyso dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada.

Kooxda al-Shabaab ayaa weerarro qaraxyo ah ka geysata magaalooyinkii laga saaray oo Kismaayo ay ka mid tahay.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay waddo ku taalla xaafadda Calanley.

Afhayeenka ciidanka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeello gaarsiiyay gaariga ay wateen ciidanka lala eegtay qaraxa.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan ay barqadii maanta weerareen saldhigga booliska ee magaalada.

Weerarka ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada booliska iyo dhaawaca labo kale.

Ilaalada saldhigga ayaa iska caabbiyay weerarka, walow la sheegayo in dableyda ay qaadatay qori uu watay askariga la dilay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma aqoonsan haybta dableyda iyo sababta ay u geysatay weerarka.

Dhowr jeer oo hore ayaa dabley waxay weerartay saldhigga booliska Kismaayo si ay xoog ugula soo baxdo eedeysanayaal ku xirnaa saldhigga.

RBK

Tartankii cayaaraha Somaliland oo la gaba-gabeeyay

$
0
0

KubbaddaAwdalpress(Hargaysa) 22 Jun, 13–Tartankii cayaaraha Somaliland ayaa maanta (Jimce) lagu soo gaba-gabeeyay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa, waxaana tartanka ku guuleysatay kooxda Hargaysa.

Hargaysa oo kulankii kama-dambaysta la cayaartay Hawd ayay ismari-waayeen sagaashankii daqiiqo ee loogu talagalay, waxaanay ku badisay rigooreyaal.

Waa markii labaad oo ay Hargaysa ku guulaysato tartanka cayaaraha kubbadda cagta Somaliland oo sanadkiiba mar la qabto. Sanadkii hore ayay sidan oo kale final-ka koobka kaga guulaysatay kooxda Hawd.

RBK

Sawirrada iyo magacyada ajnabi lagu dilay weerarkii UNCC

$
0
0

Morne-Lotter-iyo-Allan-SimpsonAwdalpress(K/Afika) 22 Jun, 13–Shirkad lagu magacaabo Denel oo qaabilsan ammaanka oo fadhigeeda uu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa muujisay sida ay uga xun tahay labo qof oo ka tirsnaaa shaqaalaheeda oo maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadashay shirkadda Denel oo lagu magacaabo Vuyelwa Qinga ayaa xaqiijisay labo nin oo u dhashay Koonfur Afrika oo shirkadda u shaqeynayay inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Morne Lotter oo ahaa 42 jir iyo Allan Simpson oo ay da’diisu ahayd  53 jir ayaa meydkooda la geeyay Koonfur Afrika.

War-saxaafadeed ay soo saartay Denel ayaa lagu sheegay in uusan baqdin gelin doonin weerarka oo ay sii wadi doonto taageerada bini’aadannimo ee qeybta ka ah howlgalka caalamiga ee nabad ilaalinta ee ka socda Soomaaliya.

RBK

Dowlada faransiiska oo sheegtay inay qeybgaleyso la dagaalanka Al-shabaaab

$
0
0

FaransiisAwdalpress(Paris) 22 Jun, 13–War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Faransiiska marnaba aysan ka garab bixin Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee igu dhibaatada soo maray.

Xukuumada Baariis ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu qaaday Xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ay ku leedahay,waxayna tacsi u direen ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi rasaas isdhaafsigu uu dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

“Wixii dhacay waxay ahaayeen,wax laga caroodo waan sharaf dhac in xarun bini-adanimo la weeraro,taasina waxay ku tuseysaa inta ay la egtahay Cadowtinimada Mucaaradka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska.

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay qeyb ka noqoneysa dagaalada lagula jiro Ururka dowlada ka soo horjeeda ee Al-shabaab sida warka lagu yiri,waxayna xukuumada dhanka kale tilmaantay inay ka qeyb qaadaneyso tababarada iyo sare u qaadista awooda iyo aqoonta ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xukuumada Baris ayaa amaantay fal celibnta deg dega ah ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka dib weerarka markii dhacay,dagaalna goobta ay kula galeen Al-shabaab oo mudo Xarunta majaraha u hayay.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalintii arbacada ahayd dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobau ee Muqdisho.

Banaanbaxyada Dalka Brazil oo sii xoogeystay

$
0
0

brazil-Awdalpress(Brazil) 22 Jun, 13–Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa isugu soo baxay banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada Brazil oo xalay ka dhacay 100 magaalo oo kamid ah dalka brazil

Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Brasilia iyo magaalada Rio de Janeiro halkaasi oo 300 kun oo qof ay isku dhaceen ciidamada Booliiska oo illaalo ka hayey xarunta dowladaha Hoose ee magaaladaasi.

Banaanbaxan ka bilowday bishan dalka Brazil ayaa markii hore ka bilowday magaalada Sao Paulo kadib markii dowlada qiimo kordhin ku sameysay lacagt lagu raaco gaadiidka dadweynaha.

Balse Mudaharaadyadan ayaa isu bedalay mid looga soo horjeeda siyaasada dowlada Brazil oo lacago badan gelisay ciyaaraha Koobka kubada Cagta ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalkaasi, halka adeega bulshada uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Star

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live