Awdalpress – Muqdisho – Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay caawa la wareegeen maamulka Degmadaasi.
Dagaalyahaanada Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa soo galay lana wareegay Degmada Wanlaweyn ,kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa, waxana Ciidammada Dowladdu u firxadeen dhinaca Garoonka Bali-Doogle oo saldhig u ah AMISOM iyo Dhinaca Afgooye.
Xaaladda Degmada Wanlaweyn ayaa caawa ah mid deggen, waxaana warar aan degmadaasi ka hellay sheegayaan in caawa Degmadaasi ay tahay mid mugdi ah, koronatada oo ka maqan awgeed, lamana oga in Al-Shabaab damiyeen korontada iyo in kale.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay Deegaanka Bariire ee Gobolka habeelaha Hoose, Deegaankaan oo xariiriaya Degmada Afgooye iyo Owdheegle ayaa waxaa iyana baneeyay Ciidamadii Dowlada ee ku sugnaa halkaasi.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aaddan qabsashada Kooxda Al-shabaab ay qabsatay Degmada Wanlaweyn iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidammada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay in ay banneeyaan Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Leego kuna dileen in ka badan 50-askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM.
Awdalpress