Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Deeqa Caalamka Ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland Oo Laga Dayrinayo Meelaha Laga Fulinayo???

$
0
0

sdflogoSanduuqa Horumarinta Somaliland  (SFD) oo Sanduuqa deeqa caalamku ugu soo ridaan Somaliland  ayaa laga dayrinayaa Mashraaciida ay fulinayso taasi oo la sheegay in Gobolada Dhexe 90% halka 8% laga fulinayo Gobolada Bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag 2% soo hadhaya laga fulinayo Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa noqotay waxyaabaha ugu hadal haynta badan Somaliland gaar ahaan Gobolada darifyada

lacagahaa loo qoondeeyey sanduuqa horumarinta Somaliland ee sanadkani ayaa ah 45 million wadar ahaan.

Mashaariicda ilaa imika la fasaxay Tartankooda waxaa ka mid ah biyo galin loo sameyno Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco taasi oo ku soo beegmaysa xili magaalada Boorama biyo yaraan xoogani ka taagan tahay . wixii macluumaad ah waxaaad laga xidhiidhki kartaa website Somaliland Development Fund.

HOOS KA AKHRISO  SIDA LOO QOONDEEYEY LACAGAHAASI

The SDF Joint Steering Committee has approved USD 45 mln for funding of projects.

Overview of projects

Project locations

A summary of allocations is provided below.

Project   Name Project Holder Funding
Marodijeh Upper Catchment Soil and Water Conservation Ministry   of Agriculture 2,556,896
Livestock Holding Ground (LHG) Project Ministry   of Livestock 4,613,555
Capacity Building for Sustainable Rangeland and Forest   Management Ministry   of Environment and Rural Development 2,316,000
Construction of Hora Hadley Wellfield & Ayaha 1&2   Settlement Water Supply System Hargeisa   Water Agency 9,503,000
Water Resources Development Somaliland Ministry   of Water Resources 5,540,000
Lafaruk – Berbera – Sheikh Rehabilitation Project Roads   Development Agency 7,169,030
Communications Hub Project: Increased Citizen Awareness of   Government Development Priorities, Activities and Expenditure Ministry   of National Planning and Development  1,858,850
Kalabayd – Dilla Road Rehabilitation Roads   Development Agency  2,759,600
Development of Land Policy Ministry   of National Planning and Development  1,000,000
Sool and Sanaag – Health Project Ministry   of Health  4,985,863
Sool and Sanaag – Education Project Ministry   of Education  2,608,894
JSC Management Joint   Steering Committee 620,000
Project Preparation Facility Joint   Steering Committee 260,000
Total  45,791,688

Awdalpress/Desktop .


Mudug mise NusMudug?

$
0
0
Cumar-Cweli-madoobeAlif wax ma leh iyo wax buu leeyahay sax ma wada noqon karaan. GalMudug waxay ka kooban tahay Mudug iyo Galguduud ama Dowlad Goboleed ma aha. Haddii sida magaceeda ka muuqata ay tahay Mudug iyo Galguduud, Puntland ayaa loo qarinayaa in la doonayo in Mudug oo dhan laga xukumi doono Dhuusa Marreeb, taas oo xaaladda maanta taagan aan u maleynayo in aanay suurta gal ahayn.
Haddii kale, waa magac lagu sasabayo dadka deggan Gobollada Dhexe, oo waxaa loo caleemo saarayaa Dowlad Goboleed ka kooban Gobol iyo bar oo markaa aan buuxineyn shuruudaha Dastuurka ku qoran.
Dowladda Federaalku waxay ku gabbatay Guddiga Soohdimaha in loo daayo oo isagu go’aan ka gaaro muranka Mudug ka taagan.
Waxa aan ka fekeray talooyinka aan is leeyahay Guddigu wey ka fekeri karaan si xal loo gaaro.
Guddigu wuxuu ku talo bixin karaa ayaan is iri in:
1)   Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland.
2)   Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug.
3)   Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
4)   Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
5)   Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
6)   Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba.
Qodobbada kor ku xusan, waan jeclaan lahaa in aad ila wadaagto midka aad doorbidi lahayd. Sidaas oo kale, xal aan intaas ka mid ahayn haddii aad igu biirin kartana fadlan qeybta ra’yiga ku soo bandhig.
Wax kasta oo ay noqotaba, reer Mudug iyo siyaasiyiinta Federaakaba waxaa la gudboon in ay ahmiyadda koowaad siiyaan nabadgelyada. Xalka la doonayaa ha ahaado wax si nabadgelyo ah lagu aqbali karo.
Nabadda maanta taalla Gaalkacyo waxaa u sabab ah madax ay horsed u ahaayeen Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid oo laba ciidan oo dagaalay isu keenay, magaalada wada dejiyay, kana yeelay in ay wadajir u ilaashadaan amnigeeda. Labadaas mas’uul waxaan wakiilladooda dood ugu qabtay magaalada Gaalkacyo gudaheeda sannadkii 1996. Waxaan si wanaagsan u xusuustaa in iyaga oo hadalka isku maagaya, mid walibana uu isagu sheeganayo in nabaddu ay ku timid dulqaadkiisa in haddana la is oggolaa oo la is qaddarinayay. Tan ugu muhiimsanina ay ahayd in la aqbalsanaa in la wada noolaado.
Degmooyinka kale ee Gobolka Mudug ma aha kuwo la wada deggan yahay ama hadda muran la gelin karo dhanka ay ku kalsoon yihiin in ay ka tirsanaadaan oo Dowlad Goboleed ay la wadaagaan.
Waxaan u haystaa in 2015 qofka isku daya in uu magaalo Soomaaliyeed xoog ku qabsado ee ku xukumo uu yahay Ma-Gudbe aan wax ka baran casharrada qaraar ee uu noo dhigay macallinkeenna magaciisa la yiraahdo Dagaalka Sokeeye. Casharradaas wuxuu Macallinku noogu dhigay fasalkeenna oo ah dalkeenna.
Xigasho: Bogga Yusuf Garaad

Loollanka Aydoolajiyadaha iyo Aragtida Aqoonta ka arradan!

$
0
0

11756774_502083359940966_1045954635_oWaa labo dhacdo, oo kala fog. Midi waa farxad iyo dabbaaldeg, aayatiin iyo alalaas, midna waa dilid, gablamin, gumayn iyo deldelaad. Waa Laba fal, oo fikirkooda wata, ee ay ku yimaadeen ama ku dheceen, oo midna Iskama imaan, ee dhiraandhirin iyo dhabgal ayey ku dhasheen.

Ammin ahaan isku soo aadkooda, ma qaddartaa u sababa, mise, kas ayaa la isugu soo beegay? Uur ku baalle ma ihi, garabdaarna ma lihi, mana ogi wax maqan, haddana, dareenkeeda ayey leedahay.

Dulmi iyo darajaba, labada dhacdo Soomaali ahaan, si daaran ayey noo gashay, saamayn iyo raadna nagu leedahay, ogaal iyo la’aanba. Nooma aha qaddiyad aan ku ballannay, talo iyo go’aanna ku qaadannay, haddana, badi waan dhexdabaalanaynaa, si waliba miyirqab la’aan ah.

Dilka madaxweynihii Masar, ee la afgambiyey, ee Mursi lala sugayo, haddii ay dhacdo iyo haddii aysan dhicinba, xirnaashihiisa iyo badi eedaymaha lagu haysto, in ay tahay wax la dhadhoobay, laga dharagsan, haddana, qofka la falgalaya, ee Soomaaliga ah,ma faalloodaa, falanqaynaya dhacdada, diiwangelin iyo warinna ku haya si uu u sooyaaleeyo, mise, waa u doodaa xaq Aadane, ka damqanaya dhibkaa, qof walba ku dhici kara, meel walba oo uu joogo?.

Labadaa gartay iyo inta la mid noqon karta, balse, inta kale, ee baroorta, ducada iyo tahliisha qubaysa, ayaan meel aan u raaco garan waayey, marka laga reebo, kiisa iska waalnimada iyo shisheeye jacayalka, sokeeye nacaybka aan dhaqan u leennahay, qabyaaladdu gundhig iyo u tahay unug.

Waxaa ii soo baxday, in aragtida ka dambaysaa ay tahay kaliya, taageero urur diimeed iyo caadifad harqisay maankooda, sida ay mar walba u caadifadaysan yihiin, haddaa imisa ayaa maalin walba MUSLIN ah, oo Soomaali ah, ayaa la xiraa ama la dilaa xaqdarro? Badanaa! Haddana, mid ka gadoodaa, mid ka gubanaa ama ka guuxaa arki maysid, kaliya, haddii ay isku reer yihiin, haa, si kale, uguma damqado dhibbane iyo dulmane sokeeye, haddiise uu shisheeye yahay, yaa u xoog weyn, oo anaga ahayn! GABLAN!

Imisaa hoggaamiye la dilay? Imisaa irbad lagu dilay? Imisaa sun loo qasay? Imisaa wiilkiisa loo direy? Imisaa gantaal lagu dhuftay, iyadoon cidna is weydiin? Imisaa ….. waa sooyaal waran, oo togan, haddana, ligan.

Tan kale, waa la mid, oo qofka u dabbaaldegaya guusha Iiraan ay ka gaartay heshiiska Nugleerka iyo wada hadallada ku dhawaad 9sano socday, waa mid badi ahaan ku taageeraya aragtida SHIICONNIMO, ee aysan wax kale wehlin, xitaa MUSLINNIMO kama ahan, iyaga oo mudan in lagu ammaano, hannaanka aragti siyaasadeed, ee ay uga gudbeen dhibkii haystay iyo go’doomintii siyaasadeed iyo cunaqabatayn, ee galbeedku ku soo rogay!

Labada mid walba gar ayuu u leeyahay, inuu raggiisa u gurbaan tumo, balse, waxay caddayn ku tahay, sida Soomaali ahaan, aan u nahay dad ka arradan aragti iyo aydoolajiyad u gaar ah, ee aan bannaanka iyo dibadda laga soo dhuufin.

Ogsoonoow, labada aragti diimeed, ee la kala raacsan yahay mid walba, waxaa ku lammaanan; dhaqan qawmiyad, isballaarin dawladeed, damac gumaysi maskaxeed IWM.

Xilligii Maqaayadaha Maxkamaduhu furnaayeen, ayaan widaay Cabdiraxiin la yiraa, oo aad ugu dhuundaloolay Wahaabiyadda iyo fekerkeeda, dabcan aamisanaana, aan ku iri:

“Maxaa loo waayey, WADAAD DIINTA ISLAANKA DHAQANKEENNA KU FASIRA, oo maalin walba dal shisheeye iyo dabci fog naloogu soo minguuriyaa?!” wuxuu igu yiri:

“Fadlan, iigu celi mar kale weerta” waan ugu celiyey, saa asaga oo yaabban igu yiri:

“Waligeey ma maqal!”.

La yaab ma ahan inuusan maqal, oo walax walba mar unbaa la maqlaa, ee cidna kuma dhalan, balse, midda la yaabka ahi waa in aysan aragti, habsami iyo hannaan midna u ahayn wadaaddadeenna in ay isu keen waafajiyaan dhaqankeenna iyo diinta, oo dad badani qabaan inaananba faraq sidaa ah u dhaxayn.

Sida loogu fashilmay, in la helo aragti soomaaliyeysan, oo lala falgeliyo aragtida diimeed, ayaan mar walba, waxaan u nahay magan aragti shisheeye iyo arar duul kale. Illaa iminka ma helin wadaaddo ka biya diidsan in aragtiyo iyo dhaqammo shisheeye la soo miguuriyo, oo kaliya lagu kaaftoomo keenna iyo waxa la falgeli kara. Mid adag ma ahan, haddana, la waa taas.

Laga yaabee, inaad igu canaanee, maxaadan uga hadlayn aragtiyada kale, ee dunida yaalla, galbeed iyo meelo kale laga keeno, ee dadkeenna lagu harqinayo. Horta noo kala saar, waxa laga hadlaa, ma aragti diimeedaa, mise, waa aragti nololeed, dhaqan, dhaqaale, aqoolin, maarayn iyo maamul? Waa fiicnaa leheed, in labadaa noo kala soocan yihiin, oo labada, tan dambe, sida ay u ballaaran tahay, looguna baahiqabo iscusboonaynteeda iyo la jaanqaadkeeda baahi nololeed, ayaa ka duwn kan tan hore, haddana, badi, wixii astaan gaar ah iyo dhaqan tusmo u ah, in dhan la iska dhigo waa muhim, balse, ta diimeed, waa ka saamayn badan tahay mar walba tan aqoolin.

Inta urur diimeed, dariimo iyo noo jooga xer u fiirso, ma jiro, hal mid, oo leh, astaan Soomaali iyo summad teenna ah, gebi waxaa laga soo wada xawilay dalal shisheeye, oo ay ugu dhawdahay Suudaan. Ma kula tahay, in la waayey aragtiyadaa lagu soomaaliyeeyo? Ma filayo, ee doonis ayaan jirin rabitaan baddaldhelin.

Ujeedka u kaalay. Labadaa dhacdo, ee culayskeeda iyo saamaynteeda leh, duni iyo dibadba, haddana, anaga mid kale, oo ka weyn kana saamayn badan ayaa na hoostaal, oo aannaan ka hadal, warna u hayn.

In badan, oo maamul reer aamisan yahay, iyagu umaba arkaan ahmiyad dawladeed, halka inta gumaysiga wali ku hoosjirtana ayba ku hamminayn, inta soo hartana, ay warmoog iyo ka yihiin dhoonayaal.

Dadkan sidaa uga kurbaysan dhibka Mursi sugaya ama ku faraxsan guusha Iiraan gaartay, si la mid ah, ugama walwalsana, dhibka nagu soo fool leh, oo ay sababi karto in bad gaaraysa illaa iyo 200 mayl nala dudsiiyo, oo sida muuqata, noomaba ahan aragti ay tahay inaan danaynno, ka murugno muranka nagala galiyey ama ku faraxno marka naloo xugmiyo inaan leenahay, haddaan nala dudsiin!

Qof dhulkiisii oo la kala jarjarayo, lana kala goobeynayo, aan ka damqanayn, bal, isagu qayb ka ah, ee haddana, hal qof dilkiisa ka damqanaya, anigu run ahaan wax aan ku macneeyo ma aqaaan, aan ka ahayn, qof ka arradan aragti iyo aydoolojiyad jiritaan iyo ahaansho. Aqoontu kaligeed waxba ma tarto, haddii aysan wehlin aragti qotomisa, oo hagta, hoggaanna u noqota.

Marka laba qaddiyad, oo aannan geel iyo geri noogu darsanayn, maxaa nooga gidhiish ah, in na gubtaaba na hoostaale! Anigu ma garan, waxa gobolkeenna, oo gaajo, colaad, abaaro, musuq, maamul xumo, amnidarro, shaqo la’aan, dhaqaalo yari, IQKB ay jiraan, in nalagu mashquuliyo in la dili doono Mursi iyo in Iiraan Nugleerkeedii nabad la gashay galbeed!

Sida ii muuqata, marka labadaa laga soo tago, waxaa dhib nagu haya, waa warbaahinta aan wararka qaadanno iyo ilaha aan xogaha ka helno, oo aannaan ku kaaftoomin nay dhacdo no tebiyeen, ee badi maadaama dhibka kore na hayasto, waxaan mar walba u ban nahay, una sahlannahay, qatarta ku shubashada iyo saamaynta caqli iyo garaad waraajinta ku dhisan, ee badi warbaahinta loo yagleelo.

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay dhawr “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, mid waxaa u baahan MADAXDA midna waxaa u baahan WADAADDADA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM. Halka WADAADDADU u baahan yihiin DIIN U CELIN, maxaa yeelay, diintii inay DACAR ka dhigeen ka sokow, waxay dhexgeliyeen hawlo ka baxsan, oo marna dunida iyo duunyada ku lammaansan, marka madaxnimo iyo maal la xiriirta! Allow aday ku leedahay.

 

Fiiro gaar/ Qoraalkan waxa iska leh shakhsiga ku sexeexan. Awdalpress mas’uul kama aha.

Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com https://bilediraac.wordpress.com/

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Baardheere

$
0
0

Drone-IV-300x203Ugu yaraan labo horjooge oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar duqayn cirka ah oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhowr qarax oo waa wayn ayaa laga  maqlay magaalada aroortii hore ee saaka, sida ay sheegeen dadka ka tirsan deegaanka

Kooxda Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin weerarka.

Balse wararka ayaa sheegaya in xubnaha lagu dilay weerarka ay ahaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Baardheere ayaa ka mid ah magaalooyinka fara ku tiriska ah ee ay wali ka arrimiso Al-Shabaab.

Ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qorsheynayaan inay dhowaan weeraraan magaalada si ay ula wareegaan gacan ku haynteeda.

Mareykanka ayaa horey weerarro duqayn cirka ah oo uu u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ku dilay dhowr saraakiil oo ka tirsan Al-Shabaab

Reysul wasaare Cumar oo dhexdhexaadinaya Cabdiweli Gaas iyo saraakiil gadooday

$
0
0

rwReysul wasaaraha  xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke  ayaa la kulmay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Puntland oo dhowaan ka gadooday maamulka Puntland.

Saraakiisha oo kala ah Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse  iyo Korneyl Cabdi yare ayaa gaaray  magaalada Garoowe kadib markii uu u yeeray reysul wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen reysul wasaaraha iyo labada sarkaal ayaa looga hadlay dhameynta khilaafka soo kala dhex galay ayaga iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxdamed Cali Gaas inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin wixii ka soo baxay kulanka.

Jen. Muxyadiin iyo Korneyl Cabdi yare ayaa dhowaan ka gadooday maamulka Puntland kadib markii madaxweyne Gaas uu u sheegay inuu xilka ka qaaday waxayna markii ay ka gadoodeen  ay sladhig ka sameysteen deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal.

Reysl wasaare Cumar Cabdirashiid oo muddo seddex cisho ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa wadahadallo la leh mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Jubba si loo dhameeyo khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul ada Puntland iyo Jubba.

Qoyska Ugu Gaagaaban Aduunka uguna Tirada Badan oo Maraykanka Ku Nool

$
0
0

gaagaaban3London ( Awdalpress) Waxa ay faafisay warsidaha Ingrisska ah ee la yidhaahdo Daily Mail sawiro qoyska aduunka ugu gaagaaban oo tirdooda ay ku sheegtay 7 qof , waxaanay ku nool yihiin gobolka Georgia,waxaanay u nool yihiin sida ay dadka kale u nool yihiin waxbana kagama duwana gaagaabnida mooyee sida ay sheegtay warsiduhu.

Johnston waa 38 jir waana aabaha reerka xaaskiisna waa Ambri 35 jir waxa ay markii u hoyasay ku kulmeen labaatan sano ka hor shir ay isgu yimaadeen dadka gaagaban ee adduunka ka din Johnston waxa uu Ambri u soo bandhigay in uu guursadoo sidii ayeyna isku guursadeen laba caruur ahna markii ay dhashay ayey ka labaad ku rafaadey ka iban waxa ay go’aansadeen in aay dhalamada halkaa ku joojiyaan.

Goor danbe waxa ay hadana gaadheen in ay soo ururiyaan caruur kale oo gaagaab oo ay korsadaan sidii ayeyna meelo kala duwan oo calaamka ah ay uga keeneen caruur gaagaaban oo sidooda ah ilaa ay noqdeen qoyska ugu balaadhan caalamka ee dad gagaaban ka kooban, dherarkoodana waxa ay ku sheegtey in uu gaadhayo 130 sm .gaagaaban.jpg1gaagaaban.jpg2gaagaaban

Wasiirkii Hore ee Maaliyada S/land oo Si Hoose Beeshiisa ugu Sheegay in u Musharax Yahay

$
0
0

Hargeysa (Awdalpress) Muuqaalkan oo Si Sir ah lagu duubay ayuu kagaga hadlay sababaha uu u diiday in uu qabto xilkii wasaarada ee loo magaacabay iyo arimo kale

Madaxwaynaha DDSI oo farxada ciidul fitriga tahniyad Hambalyo u diray Muslimiinta caalamka, gaar ahaan Muslimiinta Itoobiya

$
0
0

imageJigjiga(Awdalpress)July.16.2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada farxada ciidul Fidriga hanbalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya.

Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isagoo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka, dambi dhaaf, naxariis, iyo isjacayl in Rabbi kala kulmiyo uga baryay.

Madaxwaynaha ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in farxada lawadaago oo walaalaha muslimiinta ah ee danyarta iyo masaakiinta ah lacaawiyo farxadana lala wadaago. Sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu uu faray walaalaha muslimiintu in ay kawar qabaan lana wadaagaan farxada walaalaha dariska ah, masaakiinta iyo kuwa jilicsan.

Hanbalyada farxada ciida ee madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo beegantay xili maanta ay golaha 5aad ee baarlamanka DDSI kalfadhigoodii koobaad si rasmi ah u ansixiyeen looguna caleemo saaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumada shanta sano ee soo socota.
Source: cakaaranews


Madaxwaynaha Somaliland oo Hambalyo u diray Umadaha Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed Fadliga ciidal fidrida

$
0
0

imageHargeysa(Awdalpress) 16 July 2015– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamkaba munaasibadda Ciidul fidriga.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyadda, waxaanu yidhi “Munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan uu inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta xanuusanaysa iyo dhibaataysana uu Illaahay ka dul qaado.

Walaalayaal maanta dalkeenu meel wanaagsan ayuu marayaa oo Ilaahay loogu mahadnaqo. Waxaana inala gudboon dedaalkaasi dawlad iyo shacbiba in aynu sii libinlaabno. Waxaan idinku adkaynayaa in wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada Qaranka aynu meel uga soo wada jeedsano.

Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.”
Source: Dawanews

R/Wasaaraha Somalia Cumar C/rashid oo munaasabada ciidalfirida Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Umaddaha Islaamka

$
0
0

imageAwdalpress(Muqdisho)Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa munaasabadda curashada bisha shawaal ee ciidul fitriga ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in Ummadda looga fadhiyo inay isu gurmadaan.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa bilashada 1-da shawaal ee ah maalinta kowaad ee ciidul fitriga ayaa bulshada ka codsaday in ay isgar gaaraan oo ay bulshada tabaaleysan wax u qabtaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.
Sour: Radiyo Muqdisho

CIID MUBAARIK…….. CIID MUBAARIK…..CIID MUBAARIK

$
0
0

Bahda shabakadda Awdalpress.com waxa ay macaamiisheeda leedahay CIID MUBAARIK…KULLU CAAM WA ANTUM BI KHAYR.

eid-mubarak_banner_b

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress

Abwaan Abdiwaxid Gamadiid iyo gabaygiisii GUUR-DOON ( Video )

$
0
0

hqdefaultWaxad nala dhegeysataan gabayga la baxay guur-doon ee uu Abwaanka Gamadiid ka tiriyey markii uu raadinayey gabadha uu qabiilooyinka Somaliyeed ka raadinayo, isaga oo qabiil qabiil iyo degaan degaan u sheegaya meelihii uu soo maray.

Gamadiid ugu danbaystii gabadha uu guursaday ayay Somali ka tahay? Jawaabta su’aashaasi dib ayaan ka soo sheegi doonnaa, ee nala dhegeysta gabaygii iyo codkii macaanaa ee Gamadiid.

Awdalpress

Kooxda Xidiga Boorama Oo Ku Guulaystay Koobka Bisha Ramadan AUN Ee Korneyl Collow

$
0
0

cupBoorama(Awdalpress)  xidiga Boorama ayaa ku guulaystay Koobka Bisha Ramadan ee Korneyl Collow oo lagu qabtay Garoonka Khayrida Bariga Magaalada Boorama isla markaasina ay ku tartamayeen 16 kooxood oo ka jira Magaalada Boorama .

Munaasibad si qurux badan loo Soo Agaasimay ayaa lagu Qabtay OSLO Hotel Isla markaasina Abaal marino lagu gudoonsiiyey ciyaaryahanadii ka qayb qaatay Koobkaasi .

Halka Ka Daawo :

Madaxweyne Xasan oo Soomaalida ugu hambalyeeyay ciidda

$
0
0

Madaxda-dalka-300x225Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dadka Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda ciiddul fidriga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka iyo dadweyne fara badan ayay madaxweynaha ku wada tukadeen masjidka isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u jeediyay ganacsatada iyo dadka wax heysta inay caawiyaan carruurta danyarta ah, si ay  farxadda ula wadaagaan carruurta kale.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida laga doonayo inay is cafiyaan kana shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Inta badan magaalooyinka Soomaalida iyo dunida Muslimka ayaa maanta loo dabaal degayaa maalinta 1-aad ee ciiddul fidriga.

Daawo Sida Looga Ciiday Boorama

$
0
0

Capture11Boorama(Awdalpress) dadweynaha ku nool magaalada Boorama ayaa saaka aroortii u dareeray gudashada salaada ciida kuwaasi markii dambena hambalyo iyo tahniyado isla Boobay .

Suuqada iyo goobaha bulshadu iskugu timaado ee hotelada ah ayaa ahaa kuwo mashquul oo ay soo buux dhaafiyeen caruur dhar qurux badan ku labisan isla markaasina ay halbinayaan waalidiintoodu .

Halkan Ka Daawo :


Somalia oo mar ahayd dalka Muuska ugu badan dunida dhoofiya ayaa 25 sano kadib dib u bilaabay. ( TVga Al Jazeera ayaa warbixin ka diyaariyey )

$
0
0

aljazeera-channel1Awdalpress – London – Somalia oo mar ahayd dalka dhoofiya Muuska ugu badan adduunka, isla markaana ugu muuska fiican ( macaan ) dunida ayaa 25 kadib dib u bilawday in ay dhoofiso.

Sida laga warqabo, dalka koonfurta Somalia waxa ku yaalla dhulweyne qani ku ah beeraha ay ka baxaan Muuska. Liinta iyo khudradaha kale, ayaa muddodii dheerayd ee ay dagaallada iyo bur burka ku jirtay aan lahayn wax soo saar buuran oo ganacsi caalamiya gala. Waxase ay hadda u muuqataa in ay ka bilaabmeen nolol cusub iyo wax sooraarkii oo isna dib u xoogaystay.

Haddaba TVga caalamiga ah ee Al Jazeera oo arrintaa isha ku qabtay ayaa warbixintan ka dheer ka diyaariyey, waxana ka mid ah warbixintaa qaybtan ee nala daawada:

Awdalpress

Abdixafid Jamac oo ka hawl gala Universal TV waxa uu suuqa ku baahiyey hordhaca waraysi uu la yeeshay Prof. Ahmed Samatar. Ujeeddadiisuse maxay maxay tahay? ( Halkan ka daawo )

$
0
0

universal-tvAwdalpress – London – Dadka wararka iyo faallooyinka ama doodaha xiiseeyaa waxa ay maanta sida caada ah mar ay isha marinayeen shabakadaha Somalidu ay farsamayso, kala kulmeen youtube xayeysiis ah oo uu baahiyey maamulka Universal TV. Kaasi oo ah waraysi uu wiilka Abdixafid Jamac la yidhaa uu la yeeshay Prof. Ahmed Samatar.

Waraysigan oo laga dhex arkay arrimo xasaasi ah, dood kulul iyo sida Abdixafid caadada u ah ee cabudhinta dadka uu warsanayo, balse uu Prof. Ahmed I Samatar ka diiday.

Dhinaca kale waxa uu Abdixafid u badheedhay dhaleecayn iyo dagaal uu ku qaaday masiirka Somaliland ama wax la mid ah.

Kadib waxa awdalpress.com ay dib u eegtay barnaamijiyda uu Abdixafid daadihiyo, oo uu ula baxo magacyo English ah sida hardtalk, Midnight shaw iyo kuwo kale. Dhawr xalqadood markii ay awdalpress.com ka qaadatay, haddana waxan isku daynay in aan raadinno biography ama taariikhda Abdixafid Jama, balse weli maanaan helin. Waanse heli doonaa.

Faallada shabakadda oo aan ku eegi doonno waraysigaasina dib ayaad ka arki doontaan. Immigana nala daawada hordhaca waraysiga oo sidan u dhacay:

Awdalpress

Al Shabaab’s threat increase in Somalia’s Putland, says Mulet

$
0
0

UNIFEED-UNTV
Friday, July 17, 2015

Awale_Kulane_660Somalia’s Deputy Permanent Representative to the United Nations Awale Ali Kullane

The Assistant Secretary-General for Peacekeeping, Edmund Mulet, told Security Council that despite the progress made towards achieving the benchmarks endorsed by Security Council in 2013 in Resolution 2124 in 2013, which increased the AMISOM troop ceiling, a UN peacekeeping mission at this time would be a high-risk undertaking.
Briefing today (16 Jul) the Security Council on the Joint African Union–UN Review Mission on Somalia, Mulet noted the Secretary-General has urged the Council to adjust the benchmarks, including political progress and the threat level, to better adapt them to the evolving situation in the country.

He also said, “The benchmarks cover issues related to the political process and the extension of state authority, the threat level, the development of the Somali security institutions as well as the support of the Somalis for the deployment of a peacekeeping operation. I urge the Council to endorse the adjusted benchmarks.”

Mulet stressed, “We are very concerned about the evolution of Al Shabaab’s threat in Puntland and the potential impact of the situation in Yemen. The security of Puntland should not be forgotten by the international community.”

Commenting on recent Al Shabbab’s attacks, Somalia’s Deputy Permanent Representative to the United Nations Awale Ali Kullane said, “We are concerned about the degradation they have caused over the Ramadan period. Just this Friday, Al Shabaab conducted an attack in Mogadishu. Once again, the attacks were repelled, but we need to be able to degrade Al Shabaab’s capacity to conduct these attacks.”

He also said, “It is important to support AMISOM and maintain its troop level in Somalia, and provide it with enablers to improve its efficiency.”

Kullane added that the Somali government welcomes the recommendation of the UN Secretary-General for the international community to begin a gradual hand-over to Somali security institutions.

The Somali representative stressed that the problems of armed violence in Somalia would not be resolved by working on the security front alone.

He said, “We need your support to build the capacity of Somali institutions in Mogadishu and in the Interim Regional Administrations. We also need to provide opportunities to the youth of the country, develop infrastructure, and progressively tackle the roots of the violence.”

Guddoomiye Abdirahman Cirro: Goorma ayaad guddoomiyenimada golaha Wakiillada Iska Casilaysaa? Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Dikereeto ku soo saaro wakhtiga doorashada. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

breaking-news1Awdalpress – Hargeysa – Guddoomiyaha golaha wakiillada isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani Mudane Abdirahaman Abdillaahi Cirro, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib socdaal uu ku tegey magaalada Djabouti. Socdaalkaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay mid shakhsi ah. Balse aanu wax faah faahin ah ka bixin.

Markii uu maddaarka Cigaal ka soo degey waxa uu waraysi siiyey saxaafadda madaxa bannaan. Ugu horreyna waxa uu ummadda Muslimiinta ah iyo shacabka Somaliland u diray salaanta iyo hambalyada ciidda. Kadibna waxa uu ka jawaabay su’aalo ay saxaafadda madaxa bannaani ay ka weydiisay su’aalo la xidhiidha mas’uuliyiin dhawaan iska casilay xilal ay u hayeen xisbiga Wadani iyo su’aal la xidhiidha goorta uu ka degayo xilka guddoomiyenimada golaha shacabka, sidan ayaanu u dhacay jawaabihii uu siiyey saxaafadda.

Awdalpress

Haweenayda dalka Britain Safiirka uga ah Somalia Mss.Harriet Mathews oo munaasabadda ciidda iyada oo xijaaban, kuna hadlaysa af-Somalila u hambalyeysay dadka Somaliyeed

$
0
0

Mss.Harriet MathewsAwdalpress – London – Safiirka dalka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somalia Mss.Harriet Mathews ayaa maanta ummadda Somaliyeed farriin hambalyada ciidda Soon u marisay saxaafadda. Iyada oo xafiiskeeda farriinta uga soo diraysa dadka Somalida ahna waxa ay tidhi, ‘ Ciid Mubaarak’.

Mss.Harriet Mathews ayaa markii ugu horreyey lagu arkay iyada oo xijaaban, afka Somaligana ku hadlaysa. Halkan ka daawo:

Awdalpress

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live