Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Taariikhda Somalida muddadii u dhaxaysay 1800 – 1977 ( Video )

$
0
0

historyUmmada wal ama qowmiyad walliba waxa ay leedahay taariikh hore, mid socota iyo mid iman doonta, waxana lagama maar maan ah in qofka Adamaha ahi uu barto taariikhdii uu soo maray, si uu uga faa’iidaysto ama wax uga barto wixii wanaag ahaa ee uu soo maray iyo wixii qalad ah ee uu soo maray.

Haddab taariikhdan oo si weyn loo soo farsameeyey ayaan maanta idiinka soo xullay xarunta lagu ururiyo dhigaallada ee google. ( nala daawo )

Awdalapress


Dal-Daloolooyinka Diiwaan Galinta Madaniga Ee Somaliland .

$
0
0

diiwan galinFAALO:  Somaliland ayaa bilowday sanadkani gudihiisa diiwaan galinta madaniga ah kaasi oo lagu diiwaan galinayo isla markaasina lagu siinayo kaadhka dhalashada muwaadinka  (National Identity ) bulshada ku dhaqan xuduudaha Somaliland kuwaasi oo laga hirgalinayey imika Qaar ka mid ah Gobolada ay somaliland ka kooban tahay gaar ahaan Magaalooyinka Waaweyn sida Hargeysa,Boorama,Berbera,Burco iyo Gabiley .

waxaa sida iftiinka soo baxaya dal-daloolooyinka ku gadaama diiwaan galintaasi.

iskastaba ahaatee Marka Qofka la diiwaan galinyo Macluumaadka (person information )qofka la diiwaan galiyey waxaa uu si toos ah ugu dhacayaa Seerfarka(server) guud oo yaala wasaarada arimaha gudaha Somaliland kuwaasi oo awood u leh in ay ka saaraan (format or delete) tirada dadka la diiwaan galiyey ama ay ku diraan tiro intii ka badan iyaga oo isticmaalaya seerfar0 kale si ay ugu  sahasho in qof dhawr jeer is diiwaan galiyo .

sidoo kale waxaan marag ma doon ah in Somaliland tahay beelo kala duwan kuwaasi  oo ay dhex taalo   tartan iyo is hirdin togani sidaas darteed shaqaalaha diiwaan galinta ee ka shaqeeya serverka guud ee W/arimaha gudaha Somaliland waxay ka soo jeedaan Beel kaliya .

Salaadiinta Galbeedka Somaliland oo dhalinyarada qaarkood u yaqaanaa Hobolada Waaberi waxay ganafka ku dhufteen in aan diiwaan galintu ka qabsoomaynin Deegaanadooda wallow markii dambena ay taageereen isla markaasina bulshada ugu baaqeen la diiwaan galiyo .

isku soo wada duuboo waxaa soo baxaya in Xukuumadu ku fashilmatay dhameystirka diiwaan galinta madaniga oo ay dal-daloolooyinkaasi badani ku gadaaman yihiin isla markaasian mudo 3 bilood ah aanay ka socon magaalooyinka waaweyn ee aan hor ku soo xusnay taasi oo ay u sababtay xukuumada talada haysa oo awoodi wayday kharashkii ku baxayey .

Awdalpress /Desktop

 

Xukuumada Oo Asxaabta Mucaaridka Ugu Baaqday In Ay Kala Qayb Galaan Wada-Hadalada Lala Galayo Guurtida

$
0
0

Hargeysa(Awdalpress)July-12-2015-Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isbahaysiga Mucaaradka ugu baaqday shir lagula xaajoonayo guurtida Somaliland si loogu qanciyo heshiiskii Mucaaradka iyo xukumadda, waxaana mucaaradka looga digay shir kaas ka duwan oo ay qabsadaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaraddiisa ayaa iclaamiyay wada hadalka lala galayo guurtida “Waxaa la bilaabayaa hawshii qabyada ahayd ee ahayd sidii guurtida loola xaajoon lahaa, sidii la iskugu qancin lahaa heshiiska asxaabta iyo dawladdu ay galeen, in laga wada hadlo oo la isku soo fadhiisto sidii loo dhammayn lahaa wixii ka dhiman hawsha doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Mucaaradka uga digay shir ay hore u iclaamiyeen “Halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karaa.waxaan ugu baaqayaa asxaabta mucaaradka, shir kale jiri maayo oo la kala shiraaye, kaas jira eearrintaas lagu lafo gurayo ee lagu sharciyaynayo ayaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, si loo helo nidaam loo dhan yahay oo lagu gaadho wakhtiga doorashada” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

Dhinaca kale Wasiir Warancadde, waxa uu eedeeyay mucaaradka oo uu tilmaamay inay heshiiska ka baxeen “Maadaama aynu hayno saxeexii, ogolaanshihii iyo aqbalaadii guddoomiyeyaasha mucaaradka, waxaan is waydiinayaa waa ayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaradka inay si badheedh ah uga noqdaan heshiiska, iyagoo leh 27-ka July wax lagu heshiiyay ma jiro, cida ku khasabtay ayaan la yaabanay cida ay tahay” ayuu yidhi Warancadde.

Bishii May ee la soo dhaafay ayay saddexda guddoomiye Xisbi ee Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo waliba Madaxweyne xigeenka Somaliland  waxay qalinka ku duugeen heshiis nuxurkiisu yahay in laga noqdo muddo kordhintii guurtidu samaysay ee ahayd in doorashada la qabto bisha March 2017, taa badalkeedana wakhtiga doorashada laga dhigo December 2016. Heshiiskaasi waxaa ganafka ku dhuftay Guurtida.

Mucaaradka ayaa dhawaan xukumadda ku eedeeyay inay heshiiska ka baxday maadaama aanay ilaa hadda dhaqan galin sidaas darteedna aanay xukumadda aqoonsan doonin wixii ka dambeeya July 27 oo ku beegan wakhtigii madaxweyne siilaanyo xilka la wareegay, haddana uu muddo xileedkii la doortay kaga eeg yahay.

RMS

Soomaaliya oo Isniinta dacwad u gudbinaysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

$
0
0

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudbin doonto maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda dacwad ka dhan ah Kenya oo dhinaca soohdinta badda ah.

Axmed aoo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dacwadda la gudbin doono 13-ka July.

Wuxuu sheegay in shan shirkad oo howlo shidaal baaris ka wada dhulka lagu muransan yahay ay u hoggaansameen dalab ka yimid dowladda federaalka oo ahaa inay ka baxaan deegaannadaas.

Shirkad lixaad ayaa wali howlo shidaal baaris ah ka wadda dhulka ay dowladda Kenya shidaal baarista ka waddo ee ku yaalla gudaha dalka.

Wuxuu sheegay in Kenya oo ka faa’iidaysanaysa dhibka iyo colaadda ka taagan Soomaaliya ay ku dhiirratay inay muran galiso lahaanshaha dhul badeed ka tirsan Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay wadaxajoodka u dhaxeeya

$
0
0

adaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wadaxaajoodka uu la yeelanayo madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba in uu muhiim u yahay xiriirka labada dhinac iyo siyaasada Soomaaliya.

madaxweyne Cabdiweli ayaa hadalkan jeediyay kadib markii ay si wadajir ah ay shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Garoowe dhigiisa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay muihiim tahay in laga wada-xaajoodo geedi socodka nabada Soomaaliya, xasaradaha siyaasadeed ee taagan iyo xaalada dalka.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in Puntland ay muhiim u tahay arrimaha federaalka maadaama ay horseed ka ahayd,  ayna haboon tahay in laga talo qaato.

xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubba ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xumaanayay iyadoo ay taagan yihiin qilaafyo  salka ku haya arrimaha federaalka.

HOGAANKA ISBAHAYSIGA MUCAARADKA SOMALILAND OO MUDAHARAAD AAMUSNAAN AH KAGA DAREEN CELIYAY MURANKA MUDDO KORDHINTA

$
0
0

Hargeysa, July 12, 2015 (Awdalpress) – Hogaanka asxaabta mucaaradka Somaliland iyo madasha wadatashiga ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yahay ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankaasi markuu dhammaaday oo la filayay in masuuliyiintani saxaafadda iyo bulshada u sharaxaan waxyaabaha ay ka wada hadleen ayay sheegeen inay maanta dareenkooda ku muujinayaan aamusnaan.

Masuuliyiintan oo markii shirkooda gaarka ah ay dhammaysteen saxaafaddu u gashay hoolka ay ku shirayeen, ayaa sheegey inaanay maanta waxba ka odhan doonin muranka doorashada, sidoo kalena aanay kulankoodan sharaxaad ka bixin doonin.

 Kulankan waxa uga qayb galay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan Mataan, halka xisbiga Waddani uu ka qaybgalay Guddoomiye xigeenka 1-aad Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud Mr Uurcadde iyo xubno kale, halka Madasha wadatashigana ay hogaaminayeen Guddoomiye Xasan Guure Jaamac iyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

Madaxdan Isbahaysiga Mucaaradka ayaa saxaafaddu ka duubtay Muuqaalo aamusnaan ah iyo sawirro ay aamusnaan ku galeen, waxaanay muujinaysaa arrintani siday uga niyad jabeen Xukumadda Siilaanyo oo wali talaabo ka qaadi la hirgalinta heshiiskii asxaabta iyo Xukumadda ee ahaa in December 2016 dalka doorashooyinka madaxnimo iyo barlaanka laga qabto.

Mudaharaadkan aamusnaanta ah ee Isbahaysiga Mucaaradka ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay wada jir labada xisbi mucaarad u soo saareen bayaan ay Madaxweynaha kaga dalbadeen inuu hirgaliyo heshiiska Asxaabta iyo xukumadda ee guurtidu is hortaagtay ka hor 20-ka bishan haddii intaas xukumaddu ku jawaabi waydana ay yeelan doonaan shir ay arrimaha socda go’aan kaga

Shalay galab iyo Prof. Ahmed I Samatar oo wacdaro ka dhigay London ( Goor dhaw ayaan idiin soo dayn doonnaa )

$
0
0

Sam and LondonProf. Ahmed Ismail Samatar ayaa maalintii shalay ayaa waxa uu speech dheer oo aad u qiimo badan ka jeediyey fagaaraha Oxford House ee ku yaalla magaalada London. Kaasi oo uu kaga hadlayey dhaqanka iyo horumarka.

Sam and Ahmedweli

 

Hadalka Prof. Ahmed Ismail uu shalay jeediyey ayaa ahaa mid dadka ku cusub, isla markaana xambaarsanaa aqoon darsi u noqday shacabkii dhagaystayaashiisa ah.

Sam iyo Xudaydi

Speech-ka kadibna waxa uu si gaar ula kulmay madaxda xarunta cilmi baadhista iyo tayeynta Somaliland ee saldhiggoodu tahay London.

Xiltayey2

Qudbadda oo dhammaystiran iyo sida ay hawshaasi u dhacday waxa aan idiin soo dayn doonnaa goordhow.

Awdalpress

Muxuu Shaaha ula soo Daahay – Qiso Dhab ah oo Cajiiba!

$
0
0

Nin Hindi ah ayaa wuxuu gaaray boosteejada ama halka laga raaco tareenka isagoo sugayay in tareenki uu raaci lahaa yimaado, waxaana loo sheegay in uu imanayo 7:00 fiidnimo taasoo uga dhigneyd inuu hal saac sugo. Wuxuu isku dayay inuu eego waxa ka socda astaanka ama goobta tareenadu ka baxaan si uu waqtiga isku dhaafiyo. Rakaab aad u yar ayaajoogay. wuxuu arkay koox wiilal ah oo meesha ku ciyaarayay. Wiilashi waxay xirnaayeen dharar dhamaad ama duug ah, waxaana ka muuqatay diif iyo darxumo balse aad bay ugu faraxsanaayeen ciyaartooda.

Wuxuu u baahday inuu shaah cabo maadaama uu qabow yar jiray. Nasiib darro meherada ama maqaayada shaah keliya ee goobtu lahayd waa ka yara fogeyd isaguna kama tagi karin boorsooyinkiisa oo dhan. wuxuu u yeeray mid ka mid ah wiilasha, wuxuu weydiiyay inuu shaah u keeno wuxuuna u dhiibay lacag 5 rupees oo ah lacagta laga isticmaalo dalka hindiya. Wiilkii wuu baxay si uu shaaha ugu keeno.

Waqtigi waa is guray, nus saac ka dib ayaa tareenkii yimi, waana inuu deg-deg u raaco. Wuxuu is tusay in wiilkii lacagti la cararay wuxuuna isku canaantay inuu wiil dibjir ama ciyaal suuq ah uu aaminay. Wuu istaagay si uu boorsooyinkiisa u qaato kolkuu u dhaqaaqay dhinaca tareenka ayuu maqlay cod u qeylinaya oo leh “Babuji, Apki chai” (Mudane, Shaahaagi”

Dib ayuu u jaleecay, wuxuu weydiiyay, “Maxaad shaaha ula soo daahday?”
Jawaabti wiilkii siiyay ayaa qalbigiisa taabatay, indhihiisana ilmo ay ku soo istaageen.

Wiilkii yaraa wuxuu yiri, “Waxaa iga lumay lacagti, ka dibna waxaan meheradi ama maqaayadii shaaha aan kaaga soo iibinayey ayaan ka codsaday inaan alaabta u dhaqo si aan shaahaagi kuugu keeno!!”

Walaal nuxurka ama dulucda sheekadu waxa weeyaan Daacadnimada ayaa ah siyaasada ugu wanaagsan!

Xigasho: Farah Cawaash.


Amaradii iyo Wareegtooyinkii Cali Waran Cade ee iska Hor Imanaayey Halkan Ka Daawo

Xogahayah Arimaha Bulshada Ee UCID oo Difaacey Musharaxa Xisbigiisa

$
0
0

Hargeysa (Awdalpress)

Xigasho Royaltv

Daawo. Prof Ahmed Samatar oo Wacdaro ka dhigay London iyo Kulankii Oxford House kulankaasi oo kaga hadlay Dhaqanka iyo Horumarka

$
0
0

samatarDaawo. Prof Ahmed Samatar oo Wacdaro ka dhigay London iyo Kulankii Oxford House kulankaasi oo kaga hadlay Dhaqanka iyo Horumarka …

Sh.Cabdilaahi Sh.Cali Jawhar Oo Hadal Muhiim Ah Ka Jeeday Kulankii Culimada Somaliland iyo Madaxweynaha

$
0
0

sh. cabdilaahiHargeysa (Awdalpress) Sheekh cabdilaahi sheekh cali jawhar oo hadal muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey kulankii culimaa’udiinka Somaliland iyo Madaxweynaha Siilaanyo

Halkan Ka Daawo :

Maayirka Cusub Ee Magaalada Boorama Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey Tvga SOMNEWS

$
0
0

maydhaneBoorama(Awdalpress) Gudoomiyaha cusub ee golaha  deegaaka degmada Boorama oo waraysi siiyay tvga caalamiga ah Somnews ayaa waxa uu ka warbixiyay hawlaha shaqo ee uu ka qabtay mudada gaaban ee uu xilka gudoomiyaha hayay

halkan ka daawo :

U Diyaar-garowga Ciida Oo Laga Dareemayo Suuqyada Boorama

$
0
0

CaptureBoorama (Awdalpress) u diyaar garowga ciidul fidrida ayaa laga dareemayaa suuqada iyo Goobaha ganacsi ee magaalada Boorama gaar ahaan Goobaha aya bulshadu ka iibsado dharka ciida iyo wixii la mida .

sidoo kale xawaaladaha ayaaa ah meelaha ugu mashquulka badan marka aad u soo dhaadhacdo suuqada magaalada kuwaasi oo ay qoysasku safaf ugu jiraan lacagaha ay eheladoodu u soo direen .

Halkan ka DAAWO :

FU’AD ADAN CADDE HAS PASSED AWAY IN TURKEY

$
0
0

breaking-news1The former presidential adviser for Somaliland’s eastern regions affairs. Fu’ad Adan Cadde has sadly passed away in early morning of Wednesday in a Turkish hospital where he was receiving medical treatment for the last few months after he he was run over by a car driven by a young man inside Somaliland’s presidential compound.

The shocking news  of the death of Fu’ad Adan Adde came at a time he was recovering from a bad injury he sustained on thigh after he was run over by reckless driver who was reversing his car in a high speed inside the presidential palace.

 

His funeral will take place in Somaliland.

 

Awdalpress


BOOBE: Cali Warancadde kuma jiro dadka ay talada dalku ka go’do, waxbana nooguma baaqi karo. ( Daawo Video-gan )

$
0
0

HotNewsAwdalpress – Hargeysa – Afhayeenka xisbiga Wadani Mudane Boobe Yusuf Ducaale, ayaa mar uu shalay saxaafadda la hadalay ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Warancadde, Waxanu ku tilmaamay siyaasi iska hadlay, balse aanay wax talo ahi ka go’in.

Wasiir Warancadde oo fadeexaddii Berbera kadib aanay saxaafadda madaxa bannaani wax wanaagsanba ka sheegin, isla markaana ay muddaba ku dhacaya warmo kaga imanaya saxaafadda iyo siyaasiyiinta ka biyo diiddan xukuumadda Ahmed Siilaanyo ee uu Warancadde wasiirka ka yahay. Ayaa si qiyaas la’aan ah maqaamkiisii hoos ugu soo dhacay.

Haddaba Boobe oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka ku leh Somaliland, ayaa maalintii shalay isla kala jiiday hadallo dhaawac ku ah Wasiir Warancadde oo ay baryahanba sidato. Sidan ayaanu u dhacay war saxaafadeed uu Boobe siiyey saxaafadda oo maqal iyo muuqaalba ah.

Awdalpress

Wadamada Carabta ah ee Khaliijka ayaa isku khilaafay heshiiska dhexmaray dalalka awooda kuleh Golaha Amaanka iyo Iran ee lagu xalinayo xiisada ka taagneyd barnaamijka Nukliyeerka ee Iran

$
0
0

breaking-news1Awdalpress(Dubai) 15 July 2015–Wadamada Carabta ah ee Khaliijka ayaa isku khilaafay heshiiska dhexmaray dalalka awooda kuleh Golaha Amaanka iyo Iran ee lagu xalinayo xiisada ka taagneyd barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Dowlada Sucuudiga hogaanka u heysay isbaheysiga dalalka Carabta ee Khaliijka ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska iyadoo sheegtay in heshiiskan uu yahay khalad weyn oo taariikhi ah. Sucuudiga iyo Isra’iil ayaa noqday maamulada sida weyn uga soo horjeeda in xayiraada laga qaado dalka Iran.
Sucuudiga ayaa Iran u arka mid khatar ku ah awooda dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, waxayna ku eedaysaa Iran taageerada ay u fidineyso kooxaha shiicada ah ee ka dagaalamaya Siiriya, Ciraaq iyo Yemen. Sucuudiga ayaa sidoo kale khatar u arka wax soo saarka batroolka oo sare u kici kara hadii Iran laga qaado xayiraada, taasi oo ay usii dheertahay in qaadista cunaqabateynta Iran ay keeni karto in loo fasaxo wadankaasi in ka badan 80 Bilyan oo dollar oo Iran uga xayiran dibada.

Balse Sucuudiga ayaa u muuqda inuu xiligan ku keli yahay diidmadiisa ku aadan Iran, xulafada Sucuudiga ayaa qaar kamid ah si weyn usoo dhaweeyey Heshiiska.

Dalka Imaaraadka Carabta oo kamid ah xulafada Sucuudiga ayaa soo dhaweeyey heshiiskan, arrintan oo la rumeysan yahay inay salka ku heyso xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya Iran iyo Imaaraadka. Hadii laga qaado cunaqabateynta dhaqaale dalka Iran, magaalada Dubai ayaa kamid ah goobaha sida weyn uga faa’iideysan doona ganacsiga Iran.

Sidoo kale dalka Kuwait ayaa soo dhaweeyey heshiiska, go’aankan ayaa salka ku haya siyaasada boqortooyada Kuwait oo dooneysa xukuumada Iran inay gacan ka siiso mucaaridka Shiicada u badan ee ku dhaqan dalkaasi.

Dalka Cumaan ayaa dhankiisana soo dhaweeyey in cunaqabateynta laga qaado Iran, dalkaasi oo wado u noqon kara ganacsiga batroolka Iran oo la filayo inuu saro u kaco marka wadankaasi laga qaado xayiraada ganacsi iyo dhaqaale.

Horseed Media

OGAYSIIS: ARDAYDA JECEL WAXBARASHADA EE JOOGA QURBAHA IYO SOMALIA

$
0
0

OGAYSIIS: dhamaan waalidiinta jecel in caruurtoodu waxbarato oo aqoon yeelato iyo dadka kale ee jecel waxabarashada heer walba waxa la ogaysiinaynaa in Jaamacada Xaashi Abiib kuu hayso waxbarasho nooc walbana leh iyo heer kasta, hadaba kala xidhiidh ciwaanada hoos ku qoran. Qofku waxa uu ka helayaa aqoonta uu jecel yahay inuu barto…
Booqo:- www.hashiabibuniversty.com
Kalana xidhiidh macluumaadka

Warbixin: Bajaajtu Ama Tiktu Oo Fududaysay Isku Socodkii Bulshada Ee Xaafada M.Boorama

$
0
0

tiktaBoorama(Awdalpress)Gaadiidka yar yare  ee sadex taayirlayda ah ee loo yaqaano bajaajta ama tixta waxay ka mid tahay gadiidka dadka qaada ee ka hawl gala qaybo ka mid ah magaalada boorama kuwasi oo bulshada u fududeeyey inku socodka magaalada xaafadaha magaalada Boorama ka kooban tahay Gudoomiyaha iskaashatada bajaajta ee horseed xasan cali faarax  ayaa ka warbixiyey horumarka ay bajaajtu ku soo kordhisay magaalada .

Halkan Ka Daawo :

Magaalada Cadan oo Badankeeda Laga Xoreeyey Xuuthiyiinta iyo Xulafadoodii

$
0
0

YamanCadan (Awdalpress) Dagaalo qadhaadh oo ka socday magaalada Cadan ee dalkaasi Yeman mudo dhawr bilood ah ayaa waxaa u suura gashay taageerayaasha madaxweyanah sharci ahaan la aqoon san yahay Cabdi Rabi Mansuur Haadi in ay shalay iyo maanta xoreeyaan qaybo muhiim ah oo magaaladaas ka mid ah ka dib markii ay hub iyo saand cusub ay ka heleen xulufada Sucuudigu hogaaminayo.

Goobaha ay xoreeyeen ciidanka Haadi iyo maleshiyaatka taageera waxaa ka mid ah Garoonka diyaaradaha Cadan,dekada Mucala, xaafada Karaytar, Khoor Maksuur, degmada Ra’si Camraan, Buurta Xadiid iyo Saldhiga ciidanka ee Badar,waxaa kale oo ay gacanta ku dhigeen boqolaal maxaabiis Xuthiyiin iyo ciidankii Cali Cabdale Saalax ah, waxaanu Haadi saaka saxeexey wareegto uu ku amrayo xubnaha xukuumadiisa ee dibad jooga ahaa in ay ku noqdaan Cadan, waxaana isla markiiba Soo gaadhay magaaladaas xubno wasiiro iyo saraakiisha sirdoonaka ciidanka iskugu jira kuwaas oo ay garoonka cadan saaka keentay diyaarada kuwa qumaatiga u kaca ah oo uu leeyahay ciidanka Sucuudigu.

Xasan Ciise

Free Lances Journalist

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live