Dekedda Berberi waa marso caalami ah oo ay dawladaha waaweyni aad u daneeyaan, wakhtiyadii lixdanaadkii illaa siddeetanaadkiina waxaba ka taagnaa loollan ay dawladaha Maraykanka iyo Ruushku ugu jireen gacan ku yeelashadeeda. Welina baahidii ay dawladahaasi u qabeen wakhtigaasi way taagan tahay. Kuwo kale oo aad u danaynayaana waabay ku soo biireen.
Markii dalkii la isku odhan jiray Somalia uu bur buray, ee maamulkii dekeddaasi hoos yimid xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, marna la iskuma deyin in horumar laga sameeyo dekeddaasi, yoo yootanka iyo faa’iidada ay maamulladaasi ka hadleenna waxa ay ku koobnayd, cashuurta dekeddaasi ka soo baxda iyo sidii ay maamulayaashu uga fara qabsan lahaayeen ama loo qaybsan lahaa. Sidoo kale haamaha shidaalka oo aad liitay ayaa iyadana la isku maan dhaafsanaa, sidii ay dad gaar ahi gacanta ugu qaban lahaayeen.
Marna dawladahaasi kama ay fikirin in magaalada ay dekeddaasi ku taallo la qurxiyo amma haba yaraatee laga hawl galo in loo dhammaystiro adeegyada bulshada. Sida dariiqyada, biyaha iyo maamulka aas aasiga ah.
Siyaasadda lagu kala macaasho ee dekeddaasi ayaa ah mid qabiil, tusaale ahaan iyada oo beesha Ciise Muuse oo aan waxba ku haysan, mar walba loo tiriyo in ay iyaga khaatiyaan laga taagan yahay, oo ay dadka ka sheegtaan…..taasi oo been ah. Marka sidaa la leeyahay, ee beeshaa dhabarka loo saarayo maaliyadda iyo maamulka dekeddaasi, waxa dhinaca kale aad uga muuqda kala macaashka siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka xuurtada ku haysta marsadaasi marsadaasi, ee la hollin la’yahay.
Inkasta oo aanan aqoon buuran u lahay, ALI XOOR XOOR iyo shakhsiyaadka uu hor joogaha u yahay ee kaleba, waxa ay u eg yihiin niman mulkiilayaal qarsoon ka ah dekeddaasi, beesha Ciise Muuse ee dekedda loo tirinayaana ay tahay uun af gobaadsi iyo siyaasad. Nimankaasina ay farasamada noocan ah ku adeegtaan, kuna fogeeyaan beelaha kale ee reer Somaliland, ee isku arka in laga sheeganayo ama laga hor joogo in ay maamulka dekedda qabtaan.
Ku darsoo dakhliga ka soo baxa Marsada Barbara, oo lagu qiyaaso sannadkii 500 milyan oo doollar, oo boqolkiiba boqol iyo konton ka badan inta dawladda loo sheego. Haddii ay lacagtaasi heli lahayd maamul wanaagsan oo daacad u ahn dalka iyo dadkana ay dhici lahayd in nolosha shacabka reer Somaliland aad isku beddeli lahayd.
Haddaba dekedda sidaasi aan ka soo sheekaynay ah amma ahayd, ee weliba aan weli loo samayn dayac tir iyo hawlo horumarineed oo laga qabto, ayaa immiga xukuumaddani ku dhiirratay in si caalami ah loo wajaho horumarinteeda. Heshiiska lala galay dawladda Emeratka ama UAE na ee lagu qurxinayo marsada Berberina, waa tallaabo horumarineed, oo mudan in la soo dhaweeyo. Waayo maaddaama aanay Somaliland maanta lahayn awood farsamo ama dhaqaale oo ay kaga hawl galaan ballaadhin iyo wax qabad kale oo lagu sameeyo dekeddaasi, miyeyna ka fududayn in shirkadaha caalamiga ah contract-yo lala galo ama la siiyo si marsadaasi u noqoto mid la mahadiyo, oo shaqo looga helo, ama dalkaba dhaqaale soo galisa.
Waxan maalmahan maq maqlayey shakhsiyaad xaasidnimo iyo doqonniimo wax ay ka tahay moojiye, ka biyo diiday heshiisyada lagu horumarinayo dekeddaasi. Waana gaf iyo xumaan ay la badheedheen, oo ay dawladda Somaliland ee Ahmed Siilaanyo ay is leeyihiin ku cambaareeya. Shakhsiyaadka ay ku eedaynayaan in ay ka danbeeyeenna, anigu aad iyo aad ayaan ugu ammaanayaa.
Weliba waxan aad iyo aad u soo dhaweynayaa in maamulka dekeddaasi ay qabtaan shirkado caalamiya, si loo helo xisaabtan cad ama meesha looga saaro, lacagaha musuq maasuqa ah ee jeebabka lagu shubanayo. Ama loo leexinayo in lagu tunto.
Ahmedweli Goth